< Sabuurradii 86 >

1 Rabbiyow, dhegtaada ii soo dhig, oo ii jawaab, Waayo, waxaan ahay miskiin iyo mid baahane.
תפלה לדוד הטה-יהוה אזנך ענני-- כי-עני ואביון אני
2 Naftayda dhawr, waayo, waxaan ahay mid cibaado leh, Ilaahayow, i badbaadi anigoo ah addoonkaaga isku kaa halleeya.
שמרה נפשי כי-חסיד אני הושע עבדך אתה אלהי-- הבוטח אליך
3 Sayidow, ii naxariiso, Waayo, maalinta oo dhan adaan kuu qayshadaa.
חנני אדני כי אליך אקרא כל-היום
4 Sayidow, addoonkaaga naftiisa ka farxi, Waayo, naftayda adigaan kor kuugu soo qaadaa.
שמח נפש עבדך כי אליך אדני נפשי אשא
5 Waayo, Sayidow, waad wanaagsan tahay, oo waxaad diyaar u tahay inaad dembidhaafto, Waanad u naxariis badan tahay kuwa ku barya oo dhan.
כי-אתה אדני טוב וסלח ורב-חסד לכל-קראיך
6 Rabbiyow, baryadayda dhegta u dhig, Oo codka baryootankayga maqal.
האזינה יהוה תפלתי והקשיבה בקול תחנונותי
7 Maalinta aan dhibaataysnahay adaan ku baryi doonaa, Waayo, waad ii jawaabi doontaa.
ביום צרתי אקראך כי תענני
8 Sayidow, adigoo kale ilaahyada kuma jiro, Oo shuqulladaadana wax la mid ahu ma jiraan.
אין-כמוך באלהים אדני ואין כמעשיך
9 Sayidow, quruumihii aad samaysay oo dhammu way iman doonaan oo hortaaday ku sujuudi doonaan, Waxay ammaani doonaan magacaaga.
כל-גוים אשר עשית--יבואו וישתחוו לפניך אדני ויכבדו לשמך
10 Waayo, adigu waad weyn tahay, oo waxyaalo yaab badanna waad samaysaa, Oo adiga keliya ayaa Ilaah ah.
כי-גדול אתה ועשה נפלאות אתה אלהים לבדך
11 Rabbiyow, jidkaaga i bar, oo anna runtaadaan ku socon doonaa, Qalbigayga mid ka dhig si aan magacaaga uga cabsado.
הורני יהוה דרכך-- אהלך באמתך יחד לבבי ליראה שמך
12 Sayidow Ilaahayow, qalbigayga oo dhan waan kugu ammaanayaa, Oo weligayba waxaan ammaani doonaa magacaaga.
אודך אדני אלהי--בכל-לבבי ואכבדה שמך לעולם
13 Waayo, naxariistaadu xaggayga way ku weyn tahay, Naftaydana waxaad ka soo samatabbixisay She'oolka ugu hooseeya. (Sheol h7585)
כי-חסדך גדול עלי והצלת נפשי משאול תחתיה (Sheol h7585)
14 Ilaahow, kuwa kibirka lahu way igu keceen, Ururka dadka dulmiga badanna waxay doonayeen inay nafta iga qaadaan, Oo adigana kuuma ay soo jeesan.
אלהים זדים קמו-עלי ועדת עריצים בקשו נפשי ולא שמוך לנגדם
15 Laakiinse adigu Sayidow, waxaad tahay Ilaah ay raxmad iyo nimco ka buuxaan, Oo cadhada u gaabiya, oo naxariis iyo runba badan.
ואתה אדני אל-רחום וחנון ארך אפים ורב-חסד ואמת
16 Ii soo jeeso, oo ii naxariiso, Oo anoo addoonkaaga ah xoog i sii, Oo i badbaadi anoo wiilka addoontaada ah.
פנה אלי וחנני תנה-עזך לעבדך והושיעה לבן-אמתך
17 Calaamad wanaaggaaga lagu garto i tus, Si ay kuwa i necebu u arkaan, oo ay u ceeboobaan, Maxaa yeelay, Rabbiyow, waad i caawisay, oo waad i qalbi qaboojisay.
עשה-עמי אות לטובה ויראו שנאי ויבשו-- כי-אתה יהוה עזרתני ונחמתני

< Sabuurradii 86 >