< Sabuurradii 85 >
1 Rabbiyow, dalkaagii waad u roonaatay, Oo waxaad soo celisay maxaabiistii reer Yacquub.
Yahwe, wewe umeonesha fadhilia kwenye nchi yako; umeurejesha ustawi wa Yakobo.
2 Xumaantii dadkaagana waad cafiday, Oo dembigoodii oo dhanna waad qarisay. (Selaah)
Umesamehe dhambi ya watu wako; umezisitiri dhambi zao zote. (Selah)
3 Cadhadaadii oo dhan waad fogaysay, Oo waad ka soo noqotay kulaylkii xanaaqaaga.
Umeondoa ghadhabu yako yote; umeiacha hasira yako kali.
4 Ilaaha Badbaadadayadow, na soo celi, Oo dhirifkaaga naga jooji.
Uturejeshe sisi, Ee Mungu wa wokovu wetu, na uikomeshe chuki yako juu yetu.
5 Miyaad weligaaba noo cadhaysnaanaysaa? Oo xanaaqaaga miyaad sii dheeraynaysaa tan iyo ka ab ka ab?
Je! Utaendelea kuwa na hasira juu yetu milele? utadumisha hasira kizazi chote kijacho?
6 Miyaanad mar dambe na soo noolaynayn, Si ay dadkaagu kuugu reyreeyaan?
Je, hautatuhuisha tena? Kisha watu wako watafurahia katika wewe.
7 Rabbiyow, naxariistaada na tus, Oo badbaadadaada na sii.
Utuoneshe sisi uaminifu wa agano lako, Yahwe, utupe sisi wokovu wako.
8 Waan maqli doonaa waxa Ilaaha Rabbiga ahu ku hadlo, Waayo, nabad buu kula hadli doonaa dadkiisa iyo quduusiintiisa, Laakiin yaanay nacasnimo ku noqon.
Nitasikiliza yale Yahwe Mungu asemayo, maana yeye atafanya amani pamoja na watu wake, wafuasi wake waminifu. Lakini lazima wasirudi tena katika njia za kipumbavu.
9 Hubaal badbaadadiisu way u dhow dahay kuwa isaga ka cabsada, Si ay ammaanu dalkayaga u degganaato.
Hakika wokovu wake u karibu na wale wanao mwabudu yeye; kisha utukufu utabaki katika nchi yetu.
10 Naxariis iyo runu way isla kulmeen, Xaqnimo iyo nabaduna way isdhunkadeen.
Uaminifu wa agano na uaminifu vimekutana pamoja; haki na amani vimebusiana.
11 Runtu waxay ka soo baxdaa dhulka, Xaqnimaduna waxay hoos ka soo fiirisaa samada.
Uaminifu unatoa chemchem kutoka ardhini, na haki hutazama chini kutoka mawinguni.
12 Haah, Rabbigu wuxuu ina siin doonaa waxa wanaagsan, Oo dalkeennuna wuxuu soo bixin doonaa midhihiisa.
Ndiyo, Yahwe atatoa baraka zake njema, na nchi itatoa mazao yake.
13 Hortiisa waxaa socon doonta xaqnimo, Oo waxay tallaabooyinkiisa ka dhigi doontaa jid la maro.
Haki itaenda mbele zake na kufanya njia kwa ajili ya nyayo zake.