< Sabuurradii 85 >

1 Rabbiyow, dalkaagii waad u roonaatay, Oo waxaad soo celisay maxaabiistii reer Yacquub.
למנצח לבני קרח מזמור רצית יהוה ארצך שבת שבות יעקב׃
2 Xumaantii dadkaagana waad cafiday, Oo dembigoodii oo dhanna waad qarisay. (Selaah)
נשאת עון עמך כסית כל חטאתם סלה׃
3 Cadhadaadii oo dhan waad fogaysay, Oo waad ka soo noqotay kulaylkii xanaaqaaga.
אספת כל עברתך השיבות מחרון אפך׃
4 Ilaaha Badbaadadayadow, na soo celi, Oo dhirifkaaga naga jooji.
שובנו אלהי ישענו והפר כעסך עמנו׃
5 Miyaad weligaaba noo cadhaysnaanaysaa? Oo xanaaqaaga miyaad sii dheeraynaysaa tan iyo ka ab ka ab?
הלעולם תאנף בנו תמשך אפך לדר ודר׃
6 Miyaanad mar dambe na soo noolaynayn, Si ay dadkaagu kuugu reyreeyaan?
הלא אתה תשוב תחינו ועמך ישמחו בך׃
7 Rabbiyow, naxariistaada na tus, Oo badbaadadaada na sii.
הראנו יהוה חסדך וישעך תתן לנו׃
8 Waan maqli doonaa waxa Ilaaha Rabbiga ahu ku hadlo, Waayo, nabad buu kula hadli doonaa dadkiisa iyo quduusiintiisa, Laakiin yaanay nacasnimo ku noqon.
אשמעה מה ידבר האל יהוה כי ידבר שלום אל עמו ואל חסידיו ואל ישובו לכסלה׃
9 Hubaal badbaadadiisu way u dhow dahay kuwa isaga ka cabsada, Si ay ammaanu dalkayaga u degganaato.
אך קרוב ליראיו ישעו לשכן כבוד בארצנו׃
10 Naxariis iyo runu way isla kulmeen, Xaqnimo iyo nabaduna way isdhunkadeen.
חסד ואמת נפגשו צדק ושלום נשקו׃
11 Runtu waxay ka soo baxdaa dhulka, Xaqnimaduna waxay hoos ka soo fiirisaa samada.
אמת מארץ תצמח וצדק משמים נשקף׃
12 Haah, Rabbigu wuxuu ina siin doonaa waxa wanaagsan, Oo dalkeennuna wuxuu soo bixin doonaa midhihiisa.
גם יהוה יתן הטוב וארצנו תתן יבולה׃
13 Hortiisa waxaa socon doonta xaqnimo, Oo waxay tallaabooyinkiisa ka dhigi doontaa jid la maro.
צדק לפניו יהלך וישם לדרך פעמיו׃

< Sabuurradii 85 >