< Sabuurradii 83 >
1 Ilaahow, shib ha odhan, Oo ha aamusin, afkana ha haysan, Ilaahow.
詠【求消滅聯盟的異民】阿撒夫的詩歌。 上主,求您不要一言不發,天主,您們不要靜默無話!
2 Waayo, bal eeg, cadaawayaashaadu way buuqaan, Oo kuwii ku nebcaana madaxay kor u qaadeen.
因為您的仇敵騷擾狂吼,惱恨您的人都搖頭昂首;
3 Dadkaagay xeelad ugu tashadaan, Oo waxay dhammaantood u arrinsadaan kuwaad qarisay.
相聚密謀,陷害您的百姓,商議攻擊您保護的人民,
4 Waxay isku yidhaahdeen, Kaalaya, aan baabbi'innee, yaanay mar dambe quruun ahaanine. Si aan magaca Israa'iil dib loogu soo xusuusan.
說:大家來,由萬民將要他們驅散,使以色列的名不再被記念。
5 Waayo, iyagoo isku waafaqsan ayay ku arrinsadeen, Oo axdi kaa gees ah ayay isla dhigtaan,
於是,他們心齊謀同,締結盟約,向您進攻,
6 Teendhooyinkii reer Edom iyo reer Ismaaciil, Iyo reer Moo'aab iyo reer Hagariim,
即厄東部落及依市瑪耳,又有摩阿布以及哈革爾。
7 Reer Gebal iyo reer Cammoon iyo reer Camaaleq, Reer Falastiin iyo kuwii Turos degganaa,
還有革巴耳、阿孟和阿瑪肋克人,且有培肋舍特人和提洛的居民,
8 Oo xataa reer Ashuurna way ku darsameen, Oo waxay kaalmeeyeen ilma Luud. (Selaah)
亞述人也與他們串通,作了羅特子民的幫兇。
9 Iyaga ku samee wixii aad ku samaysay reer Midyaan, Iyo Siiseraa iyo Yaabiin markii ay ag joogeen Webi Qiishoon,
求你對待他們像對待米德楊人,像在克雄河對待息色辣和雅賓,
10 Waxay ku halligmeen Ceyn Door, Oo waxay dhulka u noqdeen digo.
他們都喪亡於恩多爾,全變成了田裏的糞泥,
11 Nimankooda gobta ah oo dhan waxaad ka dhigtaa sida Cooreeb iyo Se'eeb, Oo amiirradooda oo dhanna sida Sebah iyo Salmunnac,
使他們的王侯要與敖勒布和東一樣,使他們的將領與巴黑和匝耳慕一樣,
12 Kuwaas oo isyidhi, War aan iska qaadanno oo hantinno Ilaah degmooyinkiisa.
因為他們都曾如此說過:我們去佔領天主的住所。
13 Ilaahayow, iyaga ka dhig sida boodhka warwareega, Iyo sida xaab dabaysha ka horreeya,
我的天主,求您使他們像旋風捲起的落葉,求您使他們像狂風吹起的碎楷,
14 Sida dabka duurka guba, Iyo sida ololka buuraha huriya,
好像被火燐焚燒的樹林,又似被火燄燃燒的山陵;
15 Sidaasoo kale iyaga duufaankaaga ku eri, Hufadaadana ku cabsii.
求您也這樣以您的颶風驅散他們,以您的暴雨驚嚇他們。
16 Rabbiyow, wejigoodu wareer ha ka buuxsamo, Si ay magacaaga u doondoonaan.
上主,求您羞辱他們的面容,是為叫他們尋求您的聖名;
17 Weligood ha ceeboobeen, hana baqeen, Ha wareereen, hana baabbe'een,
使他們永遠受辱恐慌,叫他們個個蒙羞喪亡。
18 Si ay u ogaadaan in adigoo magacaagu Ilaah yahay Aad tahay Ilaaha ugu sarreeya dunida oo dhan.
從此,認識您的名號是雅威,惟有您在普天下至尊無對。