< Sabuurradii 82 >

1 Ilaah wuxuu dhex istaagaa ururka Ilaah, Oo wuxuu wax ku xukumaa ilaahyada dhexdooda,
מזמור לאסף אלהים נצב בעדת אל בקרב אלהים ישפט׃
2 Ilaa goormaad xaqdarro wax ku xukumaysaan? Oo ilaa goormaad kuwa sharka leh u eexanaysaan? (Selaah)
עד מתי תשפטו עול ופני רשעים תשאו סלה׃
3 Miskiinka iyo agoonka gar siiya, Oo caddaalad ugu garsoora kan dhibaataysan iyo saboolka.
שפטו דל ויתום עני ורש הצדיקו׃
4 Badbaadiya miskiinka iyo kan baahan, Oo ka samatabbixiya gacanta kuwa sharka leh.
פלטו דל ואביון מיד רשעים הצילו׃
5 Iyagu waxba ma yaqaaniin, waxna garan maayaan, Oo gudcur bay hor iyo dib ugu socdaan, Dhulka aasaaskiisii oo dhammu waa wada dhaqdhaqaaqay.
לא ידעו ולא יבינו בחשכה יתהלכו ימוטו כל מוסדי ארץ׃
6 Waxaan idhi, Idinku waxaad tihiin ilaahyo, Oo dhammaantiin waxaad tihiin Ilaaha uga sarreeya wiilashiisii.
אני אמרתי אלהים אתם ובני עליון כלכם׃
7 Habase yeeshee waxaad u dhiman doontaan sida dadka oo kale, Oo waxaad u dhici doontaan sida amiirrada midkood.
אכן כאדם תמותון וכאחד השרים תפלו׃
8 Ilaahow, sara joogso oo dhulka xukun, Waayo, waxaad dhaxli doontaa quruumaha oo dhan.
קומה אלהים שפטה הארץ כי אתה תנחל בכל הגוים׃

< Sabuurradii 82 >