< Sabuurradii 81 >
1 Aad ugu gabya Ilaaha xooggeenna ah, Oo farxad ugu qayliya Ilaaha Yacquub.
Mwimbieni Mungu aliye nguvu yetu kwa sauti; pigeni kelele za furaha kwa Mungu wa Yakobo.
2 Sabuurka kor u qaada, oo waxaad halkan keentaan dafka, Iyo kataaradda lagu farxo, iyo shareeradda.
Imbeni wimbo na pigeni matari, kinubi chenye sauti nzuri pamoja na kinanda.
3 Buunka afuufa markay bishu dhalato, Iyo markuu dayaxu caddo buuxda yahay, iyo maalinta iiddeenna quduuska ah.
Pigeni panda mwandamo wa mwezi, katika siku ya mbalamwezi, mwanzoni mwa sikukuu.
4 Waayo, taasu qaynuun bay u tahay reer binu Israa'iil, Waana amar ka yimid Ilaaha Yacquub.
Kwa kuwa ni agizo kwa Israeli, amri iliyotolewa na Mungu wa Yakobo.
5 Oo wuxuu reer Yuusuf dhexdooda ka dhigay markhaati, Markii uu dalkii Masar ku soo baxay, Halkaas oo aan ka maqlay af aanan aqoon.
Aliitoa kama maelekezo kwa Yusufu alipoenda katika nchi ya Misri, ambako nilisikia sauti ambayo sikuweza kuitambua:
6 Garbihiisa waxaan ka qaaday culaabtii saarnayd, Gacmihiisana waxaa laga xoreeyey dambiishii.
“Niliutua mzigo kutoka mabegani mwake; mikono yake ilipumzishwa kubeba kikapu.
7 Waad ii dhawaaqatay markii dhib kuu yimid, oo anna waan ku soo samatabbixiyey, Waxaan kaaga jawaabay onkodka meeshiisa qarsoon, Oo waxaan kugu tijaabiyey biyihii Meriibaah. (Selaah)
Katika dhiki yako uliniita, nami nikakusaidia; nilikujibu kutoka katika wingu jeusi la radi. Nilikujaribu kwenye maji ya Meriba. (Selah)
8 Dadkaygiiyow, bal i maqla, Oo anna waan idiin digi doonaa, Reer binu Israa'iilow, bal haddaad i maqli lahaydeen!
Sikilizeni, watu wangu, nami nitawaonya, Israeli, kama tu ugalinisikiliza!
9 Waa inaan ilaah qalaad idinku dhex jirin, Oo waa inaydaan innaba ilaah qalaad caabudin.
Lazima kati yenu kusiwepo na mungu wa kigeni; haupaswi kumwabudu mungu wa kigeni.
10 Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah, Oo kaa soo bixiyey dalkii Masar, Afkaaga aad u kala qaad, oo anna waan buuxin doonaa.
Mimi ni Yahwe niliyekutoa katika nchi ya Misri, fungua sana kinywa chako, nami nitakijaza.
11 Laakiinse dadkaygii ma ay dhegaysan codkaygii, Oo reer binu Israa'iilna ima aqbalin.
Lakini watu wangu hawakusikiliza maneno yangu; Israeli hawakunitii.
12 Sidaas daraaddeed waxaan u daayay inay ku socdaan madaxadayggooda. Si ay taladooda ugu socdaan.
Nikawaacha waende katika katika njia yao wenyewe ya ukaidi ili kwamba waweze kufanya kinachoonekana sahihi kwao.
13 Bal may dadkaygu i dhegaystaan, Oo reer binu Israa'iil bal may jidkayga ku socdaan!
Oh, laiti watu wangu wangenisikiliza mimi; oh, watu wangu wangelitembea katika njia yangu.
14 Oo waxaan haddiiba jebin lahaa cadaawayaashooda, Oo gacantaydana waan ku jeedin lahaa colkooda.
Kisha ningewatiisha adui zao haraka na kugeuzia mkono wangu dhidi ya watesi wao.
15 Kuwa Rabbiga necebu waxay hoos geli lahaayeen isaga, Laakiinse wakhtigoodu weligiis wuu waari lahaa.
Wale wanaomchukia Yahwe katika hofu na waanguke chini mbele zake! Wawe wanyonge milele.
16 Oo weliba wuxuu iyaga ku quudin lahaa sarreenka ugu wanaagsan, Oo waxaan ka dhergin lahaa malabka dhagaxa ka soo baxa.
Ningewalisha Israeli kwa ngano bora; Ningewatosheleza kwa asali itokayo mwambani.”