< Sabuurradii 8 >

1 Rabbiyow, Sayidkayagiiyow, Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa! Waayo, sharaftaadii waxaad ka sarraysiisay samooyinka.
【人的尊威】 達味詩歌,交與槳官。調寄「加特」。 上主,我們的主!你的名號在普世何其美妼!你的尊榮在天上彰顯光耀。
2 Waxaad xoog u yeeshay afka ilmaha yaryar iyo caanonuugga, Waana cadaawayaashaada daraaddood, Si aad u aamusiisid cadowga iyo aardoonka.
由赤子乳兒的口中,你取得完美的讚頌;為使恨你的人受辱,為使仇敵有口無用。
3 Markaan ka fiirsado samooyinka farahaaga lagu sameeyey, Iyo dayaxa iyo xiddigaha aad amartay,
當我仰望你手指創造的穹蒼,和你在天上布置的星辰月亮,
4 Bal waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga? Iyo wiilka aadanaha oo aad u soo booqataa?
世人算什麼,你竟對他懷念不忘?人子算什麼,你竟對他眷顧周詳?
5 Waayo, waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa'igaha, Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad.
竟使他稍微遜於天神,以尊貴光榮作他冠冕,
6 Oo waxaad isaga ka dhigtay inuu u taliyo shuqullada gacmahaaga, Oo wax walbana cagihiisaad ka hoosaysiisay,
令他統治你手的造化,將一切放在他的腳下:
7 Idaha iyo lo'da oo dhan, Iyo xayawaanka duurka joogaba,
所有的羊和牛,與野外的走獸,
8 Iyo haadka hawada, iyo kalluunka badda, Iyo wax alla waxa ku dhex socda waddooyinka badaha.
天空的飛鳥和海裏的魚類,及種種游泳於海道的水族。
9 Rabbiyow, Sayidkayagiiyow, Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa!
上主,我們的主!你的名號在普世何其美妙!

< Sabuurradii 8 >