< Sabuurradii 78 >

1 Dadkaygiiyow, sharcigayga dhegaysta, Oo dhegahana u dhiga erayada afkayga.
阿撒夫的訓誨歌。 我的百姓,請傾聽我的指教。請您們側耳,聽我口的訓導。
2 Afkayga waxaan ku furi doonaa masaal, Oo waxaan ku dhawaaqi doonaa xujooyin hore,
我要開口講述譬喻,我要說出古代謎語。
3 Kuwaasoo aynu maqalnay oo aynu niqiin, Oo ay awowayaasheen inoo sheegeen.
凡我們所聽見所知道的,我們祖先傳報給我們的,
4 Ka qarin mayno carruurtooda, Laakiin waxaynu farcanka soo socda u sheegaynaa Rabbiga ammaantiisa, Iyo xooggiisa, iyo shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey.
我們不願隱瞞他們的子孫;要將上主的光榮和威能,他所施展的奇蹟和異行,都要 傳報給後代的眾生。
5 Waayo, markhaati buu reer Yacquub ka dhex dhisay, Oo sharci buu reer binu Israa'iil u dejiyey, Kaasoo uu ku amray awowayaasheen, Inay carruurtooda dambe ogeysiiyaan aawadeed,
他曾在雅各伯頒佈了誡命,也曾在以色列立定了法令;凡他吩咐我們祖先的事情,都要一一告知自己的子孫,
6 Iyo in farcanka soo socdaa ay iyaga ogaadaan, kuwaasoo ah carruurta hadda ka dib dhalanaysa, Kuwaasoo iyana kici doona oo carruurtooda u sheegi doona,
叫那未來的一代也要明悉,他們生長後,也要告知後裔,
7 Inay rajadooda Ilaah ku xidhaan, Oo aanay illoobin Ilaah shuqulladiisii, Laakiinse ay xajiyaan amarradiisa,
叫他們仰望天主,不忘記他的工行,反而常要遵守天主的誡命,
8 Oo aanay sidii awowayaashood oo kale noqon Farcan madax adag oo caasi badan, Kaasoo ah farcan aan qalbigoodu qummanayn, Oo naftooduna aanay xagga Ilaah aamin ku ahayn.
免得他們像他們的祖先,成為頑固背命的世代,成為意志薄弱不堅,而心神不忠於天主的世代。
9 Reer Efrayim iyagoo hub iyo qaansooyin sita Ayay maalintii dagaalka dib u noqdeen.
厄弗辣因的子孫,雖知挽弓射箭,但是在作戰的時日,卻轉背逃竄。
10 Axdigii Ilaah ma ay xajin, Oo waxay diideen inay sharcigiisii ku socdaan,
他們沒有遵守同天主所立的盟約,他們更拒絕依照天主的法律生活。
11 Oo waxay illoobeen falimihiisa Iyo shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu iyaga tusay.
又忘卻了天主的作為,和他顯給他們的奇事:
12 Waxyaalo yaab badan ayuu awowayaashood ku hor sameeyey, Markay joogeen dalkii Masar iyo berrinkii Socan.
就是他昔日在埃及國和左罕地,當著他們祖先的面所行的奇蹟;
13 Isagu badduu kala gooyay, oo iyagii dhex marsiiyey, Oo biyihiina wuxuu ka dhigay inay sidii taallo u taagnaadaan.
他分開了大海,領他們出險,他使海水壁立,像一道堤岸;
14 Oo weliba maalinnimadii wuxuu ku hoggaamiyey daruur, Oo habeennimadii oo dhanna wuxuu ku hoggaamiyey dab iftiinkiis.
白天以雲柱領導他們,黑夜以火柱光照他們;
15 Wuxuu kala jebiyey dhagaxyadii cidlada, Oo wuxuu iyaga ka siiyey cabniin aad u badan oo ah sidii kan moolka laga helo.
在曠野中,把岩石打破,水流如注,讓他們喝飽,
16 Oo weliba wuxuu dhagaxa weyn ka soo faruuray durdurro, Oo wuxuu biyo u qulquliyey sidii webiyada oo kale.
由岩石中湧出小河,引水流出相似江河。
17 Laakiinse iyagu weli way ku sii socdeen inay isaga ku dembaabaan, Inay ku caasiyoobaan Ilaaha ugu sarreeya intii ay cidladii joogeen.
但是,他們依舊作惡而得罪上主,在沙漠地區仍然冒犯至高之主。
18 Oo weliba Ilaah waxay ku tijaabiyeen qalbigooda Kolkii ay hilib u weyddiisteen damacooda aawadiis.
他們在自己心內試探天主,要求滿足自己貪欲的食物;
19 Oo Ilaah bay wax ka sheegeen, Oo waxay yidhaahdeen, Ilaah ma miis buu cidlada ku diyaarin karaa?
並且出言反抗天主說:天主豈能設宴於沙漠?
20 Bal eeg, dhagaxii ayuu wax ku dhuftay, markaasaa biyo ka soo buqdeen Oo durdurraa ka soo buuxdhaafay, Haddaba miyuu kibisna bixin karaa? Miyuu dadkiisa hilib siin karaa?
他雖能擊石,使水湧出好似湍流;但豈能給人民備辦鮮肉與食物?
21 Sidaas daraaddeed Rabbigu taas buu maqlay, wuuna cadhooday, Oo reer Yacquub dab baa ku shidmay, Reer binu Israa'iilna cadhaa ku dhacday,
天主聽到後,遂即大發憤怒,烈火燃起,要將雅各伯焚去,怒燄生出,要將以色列剷除;
22 Maxaa yeelay, Ilaah ma ay rumaysan, Oo badbaadintiisana iskuma ay hallayn.
因為他們不相信天主,也不肯依靠他的救助。
23 Laakiin isagu wuxuu amray cirka sare Oo albaabbadii samadana wuu furay;
上主卻仍命令雲彩降下,開啟了天上的門閘,
24 Oo wuxuu ku soo daayay maanna ay cunaan, Oo wuxuu iyagii wax ka siiyey hadhuudhkii samada.
給他們降下瑪納使他們有飯吃,此外給他們賞賜了天上的糧食。
25 Dadkii waxay cuneen kibistii malaa'igaha, Oo weliba wuxuu iyaga u soo diray hilib ay ka dhergaan.
天使的食糧,世人可以享受,他又賜下食物,使他們飽足。
26 Isagu wuxuu samada ka kiciyey dabaysha bari, Oo dabaysha koonfureedna xooggiisuu ku hoggaamiyey.
他由高天激起了東風,以他的能力引出南風,
27 Oo korkoodana hilib buu ugu soo daadiyey sidii ciidda oo kale, Oo wuxuu ku soo daayay haad baalal leh oo ah sidii cammuudda badaha,
他們降下鮮肉多似微塵灰土,給他們降下飛禽,多似海岸沙數。
28 Oo wuxuu ku soo daadiyey xeradooda dhexdeeda, Iyo rugahooda hareerahooda.
降落在他們軍營的中央,在他們帳幕的左右四方,
29 Sidaas daraaddeed iyagii way cuneen, oo aad bay uga dhergeen, Oo isna wuxuu iyagii siiyey wixii ay u jeellanaayeen.
他們吃了,而且吃得十分飽飫,天主使他們的慾望得以滿足;
30 Iyagu jeelkii damacooda kama ay xiisa dhicin, Oo cuntadoodii weli afkooday ku jirtay,
但他們的食慾還沒有完全滿足,當他們口中還銜著他們的食物,
31 Markii cadhada Ilaah ay iyaga ku dhacday, Oo ay dishay kuwii iyaga ugu buurbuurnaa, Oo ay laysay raggii dhallinyarada ahaa oo reer binu Israa'iil.
天主便對他們大發怒憤,殺死了他們肥壯的勇兵,擊倒了以色列的青年人。
32 In kastoo waxyaalahaas oo dhammu ay ku dheceen, Weli way sii dembaabeen, Oo mana ay rumaysan shuqulladiisii yaabka badnaa.
雖然如此,他們仍然犯罪,還是不信他的奇妙作為。
33 Sidaas daraaddeed maalmahoodii wuxuu ku dhammeeyey wax aan waxtar lahayn, Cimrigoodiina cabsi.
他使他們的時日,迅速消逝,又使他們的歲月,猝然過去。
34 Markii uu iyaga laayay ayay isaga dooneen, Oo haddiiba way soo noqdeen oo Ilaah goor hore doondooneen.
上主擊殺他們,他們即來尋覓上主,他們回心轉意,也熱切地尋求天主,
35 Oo waxay xusuusteen in Ilaah ahaa dhagaxoodii weynaa, Iyo in Ilaaha ugu sarreeyaa uu ahaa Bixiyahooda.
也想起天主是自己的磐石,至高者天主是自己的救主。
36 Laakiinse waxay isaga ku faansheen afkooda, Oo carrabkoodana been bay ugu sheegeen.
但是他們卻滿口欺騙,以舌頭向他說出謊言。
37 Waayo, qalbigoodu xaggiisa kuma hagaagsanayn, Oo axdigiisiina daacad uma ay ahayn.
他們的心對他毫無誠意,不忠於與他所立的約誓。
38 Laakiinse isagoo raxmad miidhan ah ayuu xumaantoodii cafiyey, oo mana uu baabbi'in iyagii, Haah, oo marar badan ayuu cadhadiisii ka leexiyey, Oo cadhadiisii oo dhanna ma uu wada kicin.
但是他卻慈悲為懷,赦免罪污,沒有消滅他們,且常抑止憤怒;也未曾把自己全部怒火洩露。
39 Oo wuxuu xusuustay inay iyagu yihiin binu-aadmi, Iyo dabayl iska gudubta oo aan mar dambe soo noqon.
他又想起他們不過是血肉,是一陣去而不復返的唏噓。
40 Immisa jeer bay isaga ku caasiyoobeen markay cidlada joogeen, Oo immisa jeer bay calool xumeeyeen markay lamadegaanka dhex joogeen!
他們多少次在曠野裏觸犯了他,在沙漠中激怒了他,
41 Oo haddana way soo noqdeen oo waxay tijaabiyeen Ilaah, Oo waxay ka xanaajiyeen reer binu Israa'iil Kooda Quduuska ah.
三番五次試探了天主,侮辱了以色列的聖主。
42 Sooma ay xusuusan gacantiisii, Iyo maalintii uu iyaga ka soo furtay cadowga toona,
不再想念他那有力的手臂,拯救他們脫離敵手的時日:
43 Iyo xataa siduu calaamooyinkiisii Masar ugu dhex sameeyey, Yaababkiisiina berrinkii Socan.
那日,他曾在埃及國顯了奇蹟,在左罕地行了異事。
44 Iyo siduu webiyaashoodii dhiigga ugu beddelay, Durdurradoodiina, si aanay waxba uga cabbi karin.
血染了他們的江河與流溪,致使他們沒有了可飲的清水。
45 Wuxuu ku soo dhex daayay duqsiyo badan, wayna cuneen, Iyo xataa rahyo, oo iyana way baabbi'iyeen.
他使蠅蚋傷害他們,又使蛤蟆侵害他們。
46 Oo weliba wixii u baxay wuxuu siiyey diir, Oo waxay ku hawshoodeenna wuxuu siiyey ayax.
把他們的產物交給蚱蜢,將他們的收穫餵給蝗虫。
47 Geedcanabkoodii wuxuu ku baabbi'iyey roobdhagaxyaale, Oo dhirtoodii darayga ahaydna wuxuu ku baabbi'iyey sayax barafoobay.
下冰雹把他們的葡萄打碎,降寒霜把他們的桑樹打毀,
48 Xoolahoodii wuxuu ku soo daayay roobdhagaxyaalaha, Adhyahoodiina danabyo kulul.
將他們的牲畜交給瘟疫,將他們的羊群交給毒疾。
49 Oo wuxuu ku soo daayay kulaylkii cadhadiisa, Iyo xanaaq, iyo dhirif, iyo dhib, Iyo guuto ah malaa'igo shar ah.
向他們燃起憤怒之火,赫赫的震怒,以及災禍,好像侵害人們的群魔。
50 Isagu cadhadiisii wadduu u sameeyey, Oo naftoodiina dhimasho ugama uu lexejeclaan, Laakiinse noloshoodii wuxuu u daayay belaayada,
他為自己的憤怒開了路,未保存他們脫免於死途,瘟死了他們所有的牲畜,
51 Oo wuxuu dalkii Masar ku laayay curadyadii oo dhan, Kuwaas oo ahaa xooggoodii u horreeyey oo uu ku dhex laayay teendhooyinkii Xaam,
擊殺了埃及所有的長子,將含帳幕內的頭胎殺死。
52 Laakiinse isagu dadkiisii sidii ido oo kale ayuu u hor kacay, Oo cidladuu ku dhex hoggaamiyey iyaga sidii adhi oo kale.
他如領羊一般地領出了自己的百姓,他在曠野中引領他們有如引領羊群。
53 Oo ammaan buu ku hoggaamiyey, si aanay u baqin, Laakiinse cadaawayaashoodii baddaa qarqisay.
領他們平安走過,使他們一無所畏。而海洋卻把他們的仇人完全淹斃。
54 Oo wuxuu iyagii keenay xuduudkii meeshiisa quduuska ah, Iyo ilaa buurtan ay midigtiisu iibsatay.
引領他們進入自己的聖地,到自己右手所佔領的山區。
55 Oo weliba hortoodana wuxuu ka eryay quruumaha, Oo dhaxal ahaan buu ugu qaybiyey. Oo qabiilooyinkii reer binu Israa'iilna wuxuu dejiyey teendhooyinkoodii.
親自在他們的面前把異民逐散,將那地方以抽籤方式分為家產,讓以色列各族住進他們的帳幔。
56 Laakiin way jirrabeen oo ku caasiyoobeen Ilaaha ugu sarreeya, Oo markhaatifurkiisiina ma ay xajin,
但他們仍然試探和觸犯上主,沒有遵守至高者的法律,
57 Laakiinse dib bay u noqdeen, oo sidii awowayaashood ayay si aan daacad ahayn ula dhaqmeen, Oo iyagu waxay u leexdeen sidii qaanso khiyaano badan.
叛逆失信,如同他們的祖先,徘徊歧途,好像邪曲的弓箭。
58 Waayo, waxay isaga kaga xanaajiyeen meelahoodii sarsare, Oo waxay isaga uga hinaasiyeen sanamyadooda la qoray.
因他們的丘壇,招惹了上主的義憤,因他們的雕像,激起了上主的怒. 恨。
59 Ilaah markuu taas maqlay ayuu cadhooday, Oo aad buu reer binu Israa'iil u karhay,
天主一聽到,即發憤怒,想將以色列完全擯除;
60 Sidaas daraaddeed taambuuggii Shiiloh wuu dayriyey, Kaasoo ah teendhadii uu dadka dhex dhigay,
甚至他離棄了史羅的居處,就是他在人間所住的帳幕。
61 Oo xooggiisii wuxuu u gacangeliyey maxaabiisnimo, Ammaantiisiina wuxuu ku riday cadowga gacantiisii.
讓自己的力量為人俘擄,將自己的光榮交於敵手;
62 Dadkiisiina wuxuu u gacangeliyey seef, Oo wuxuu u cadhooday dhaxalkiisii.
將自己的百姓交於刀劍,對自己的產業燃起怒燄。
63 Raggoodii dhallinyarada ahaa dab baa laastay, Gabdhahoodiina buraanbur aroos looma tirin.
烈火併吞了他們的青年,處女見不到婚嫁的喜宴;
64 Wadaaddadoodii waxay ku dhinteen seef, Carmalladoodiina uma ay barooran.
他們的司祭喪身刀劍,他們的寡婦不能弔唁。
65 Markaasaa Sayidku wuxuu u kacay sidii mid hurdo ka toosay, Sidii nin xoog badan oo la qaylinaya khamri daraaddiis.
上主好似由睡夢中醒起,又好像酒後歡樂的勇士。
66 Cadaawayaashiisiina wuu ku dhuftay oo dib buu u celiyey, Oo wuxuu saaray ceeb aan weligeed ka hadhayn.
他由後方打擊自己的仇讎,使他們永永遠遠蒙羞受辱。
67 Oo weliba wuu diiday teendhadii reer Yuusuf, Qabiilkii reer Efrayimna ma uu dooran,
他並且棄捨了若瑟的帳幕,不再揀選厄弗辣因的家族。
68 Laakiinse wuxuu doortay qabiilkii reer Yahuudah, Iyo Buur Siyoon oo uu jeclaaday.
但他卻把猶大的家族揀選;以及自己喜愛的熙雍聖山。
69 Oo meeshiisii quduuska ahayd wuxuu u dhisay sidii meelaha sare, Iyo sidii dhulka uu weligiis adkeeyey.
他建築了聖殿如天之高遠,永遠奠定了它如地之牢堅。
70 Wuxuuna doortay addoonkiisii Daa'uud, Oo wuxuu isaga ka soo waday xeryaha idaha,
揀選了自己的僕人達味,且自羊圈裏選拔了達味。
71 Wuxuu ka soo waday laxihii ilmo nuujinayay oo uu raacayay, Inuu daajiyo reer Yacquub oo dadkiisa ah, iyo reer binu Israa'iil oo dhaxalkiisa ah.
上主召叫放羊時的達味,為牧放自己的百姓雅各伯,為牧放自己的人民以色列,
72 Haddaba wuxuu u daajinayay si waafaqsan daacadnimada qalbigiisa, Oo wuxuu ku hoggaaminayay farsamada gacmihiisa.
他以純潔的心牧養他們,他以明智的手領導了他們。

< Sabuurradii 78 >