< Sabuurradii 77 >
1 Anigu codkaygaan Ilaah ugu qayshan doonaa, Xataa Ilaah ayaan codkayga ugu qayshan doonaa, oo isaguna wuu i dhegaysan doonaa.
亞薩的詩,照耶杜頓的作法,交與伶長。 我要向上帝發聲呼求; 我向上帝發聲,他必留心聽我。
2 Maalintii aan dhibaataysnaa waxaan doondoonay Sayidka, Gacantaydu way fidsanayd habeennimadii, mana ay nasan, Oo naftaydiina way diidday in la qaboojiyo.
我在患難之日尋求主; 我在夜間不住地舉手禱告; 我的心不肯受安慰。
3 Waxaan soo xusuustaa Ilaah, markaasaan welwelaa, Waan cawdaa, markaasay naftaydu taag darnaataa. (Selaah)
我想念上帝,就煩燥不安; 我沉吟悲傷,心便發昏。 (細拉)
4 Indhahaygii waad soo jeedisay, Aad baan u dhibaataysnahay si aanan u hadli karin.
你叫我不能閉眼; 我煩亂不安,甚至不能說話。
5 Waxaan ka fikiray wakhtigii hore, Iyo sannadihii waa hore ahaa.
我追想古時之日, 上古之年。
6 Habeenka waxaan soo xusuustaa gabaygayga, Oo waxaan la sheekaystaa qalbigayga, Oo ruuxaygiina aad buu wax u doondoonay.
我想起我夜間的歌曲,捫心自問; 我心裏也仔細省察。
7 Sayidku weligiisba ma i xoorayaa? Oo miyaanu mar dambe raalli iga ahaanaynin?
難道主要永遠丟棄我, 不再施恩嗎?
8 Naxariistiisii miyey wada dhammaatay weligeedba? Ballankiisiina miyuu baaqanayaa ka ab ka ab?
難道他的慈愛永遠窮盡, 他的應許世世廢棄嗎?
9 Ilaah miyuu illoobay inuu ahaado mid raxmad badan? Naxariistiisiina ma isagoo cadhaysan buu xidhay? (Selaah)
難道上帝忘記開恩, 因發怒就止住他的慈悲嗎? (細拉)
10 Oo weliba waxaan idhi, Tanu waa itaaldarradayda, Laakiinse waxaan xusuusan doonaa sannadihii gacanta midig oo Ilaaha ugu sarreeya.
我便說:這是我的懦弱, 但我要追念至高者顯出右手之年代。
11 Waxaan ka soo sheekayn doonaa Rabbiga falimihiisa, Waayo, waxaan soo xusuusan doonaa cajaa'ibyadaadii hore.
我要提說耶和華所行的; 我要記念你古時的奇事。
12 Waxaan ka fikiri doonaa shuqulkaaga oo dhan, Oo falimahaaga oo dhanna waan u fiirsan doonaa.
我也要思想你的經營, 默念你的作為。
13 Ilaahow, jidkaagu wuxuu ku dhex yaal meesha quduuska ah, Ilaahee baa sida Ilaah u weyn?
上帝啊,你的作為是潔淨的; 有何神大如上帝呢?
14 Waxaad tahay Ilaah cajaa'ibyo sameeya, Xooggaagii waxaad ogeysiisay dadyowga.
你是行奇事的上帝; 你曾在列邦中彰顯你的能力。
15 Gacantaadaad dadkaagii ku soo furatay, Kuwaasoo ah ilma Yacquub iyo Yuusuf. (Selaah)
你曾用你的膀臂贖了你的民, 就是雅各和約瑟的子孫。 (細拉)
16 Ilaahow, biyuhu way ku arkeen, Biyuhu way ku arkeen, oo way cabsadeen, Oo moolalkuna way gariireen.
上帝啊,諸水見你, 一見就都驚惶; 深淵也都戰抖。
17 Daruuruhuna biyay soo daayeen, Cirkuna wuxuu diray dhawaaq, Oo weliba fallaadhahaaguna way bexeen.
雲中倒出水來; 天空發出響聲; 你的箭也飛行四方。
18 Codkii onkodkaaguna wuxuu ku dhex jiray cirwareenta, Hillaacuna wuxuu iftiimiyey dunida, Dhulkuna wuu gariiray oo wuu ruxmaday.
你的雷聲在旋風中; 電光照亮世界; 大地戰抖震動。
19 Jidkaaguna badduu dhex maray, Waddooyinkaaguna waxay dhex mareen biyo badan, Oo raadadkaagana lama aqoon.
你的道在海中; 你的路在大水中; 你的腳蹤無人知道。
20 Dadkaaga waxaad u hor kacday sidii adhi oo kale, Oo waxaad iyaga ku hoggaamisay gacanta Muuse iyo tan Haaruun.
你曾藉摩西和亞倫的手引導你的百姓, 好像羊群一般。