< Sabuurradii 75 >
1 Ilaahow, adaan kuu mahadnaqnaa, Waannu kuu mahadnaqnaa, waayo, magacaagu waa noo dhow yahay, Dadku waxay ka sheekeeyaan shuqulladaada yaabka badan.
Tunatoa shukrani kwako, Mungu; tunatoa shukrani, maana wewe unaufunua uwepo wako; watu huzungumza kuhusu kazi zako za ajabu.
2 Wakhtiga aan qawimay, Ayaan si qumman wax u xukumi doonaa.
Kwa wakati maalum nitahukumu kwa haki.
3 Dhulka iyo waxa kor deggan oo dhammuba way wada dhalaaleen, Tiirarkiisa anigaa qotomiyey. (Selaah)
Ingawa nchi na wenyeji wote watatikisika katika hofu, ninaifanyia nchi nguzo za kutosha. (Selah)
4 Kuwa kibirka leh waxaan ku idhi, Ha kibrina, Kuwa sharka lehna waxaan ku idhi, Geeskiinna kor ha u taagina,
Nilisema kwa wenye kiburi, “Msiwe wenye kiburi,” na kwa waovu, “Msiinue mapembe.
5 Geeskiinna kor ha u taagina, Oo madaxadayg ha ku hadlina.
Msiinue mapembe yenu kwenye marefu; wala msizungumze kwa shingo ya kiburi.”
6 Waayo, sarrayntu kama timaado xagga bari ama xagga galbeed, Ama xataa xagga koonfureed toona.
Sio kutoka mashariki au magharibi, na wala sio kutoka jangwani ambako kuinuliwa kunakuja.
7 Laakiinse Ilaah baa xaakin ah, Isagu mid buu dejiyaa, ku kalena wuu sarraysiiyaa.
Bali Mungu ni muhumkumu; humshusha huyu na kumuinua huyu.
8 Waayo, Rabbiga gacantiisa waxaa ku jira koob, oo waxaa ka xumbaynaysa khamri, Oo waxaa ka buuxa wax laysku qooshay, oo kaasuu wax ka shubaa, Hubaal huubadiisa waxaa heenheensan doona oo cabbi doona dunida kuweeda sharka leh oo dhan.
Kwa kuwa Yahwe kashikilia mkononi mwake kikombe cha mvinyo wenye povu, ambao umechanganywa na vilolezo, naye huimimina. Hakika waovu wote wa duniani watakunywa mvinyo hadi tone la mwisho.
9 Laakiinse anigu weligayba waan rayrayn doonaa, Oo waxaan ammaan ugu gabyi doonaa Ilaaha Yacquub.
Bali mimi nitaendelea kusema yale ambayo umeyatenda; nami nitamwimbia sifa Mungu wa Yakobo.
10 Oo weliba kuwa sharka leh geesahooda oo dhan waan wada jejebin doonaa, Laakiinse kuwa xaqa ah geesahooda waa la sarraysiin doonaa.
Yeye husema, “Nitayakata mapembe yote ya waovu, lakini mapembe ya wenye haki yatainuliwa.”