< Sabuurradii 74 >

1 Ilaahow, bal maxaad weligaaba noo xoortay? Oo bal maxaa cadhadaadu ugu kululaataa idaha daaqsintaada?
亞薩的訓誨詩。 上帝啊,你為何永遠丟棄我們呢? 你為何向你草場的羊發怒,如煙冒出呢?
2 Bal soo xusuuso ururkaaga aad waa hore soo iibsatay, Oo aad u soo furatay inay ahaadaan qabiilkaad dhaxashay, Oo weliba Buur Siyoon oo aad degganaatana soo xusuuso.
求你記念你古時所得來的會眾, 就是你所贖、作你產業支派的, 並記念你向來所居住的錫安山。
3 Tallaabooyinkaaga u soo qaad xagga baabba'a weligiis ah, Iyo xagga xumaanta uu cadowgu meesha quduuska ah ku sameeyey oo dhan.
求你舉步去看那日久荒涼之地, 仇敵在聖所中所行的一切惡事。
4 Cadaawayaashaadii waxay ka qayliyeen shirkaaga dhexdiisa, Oo waxay calaamad ahaan u qotonsadeen calammadoodii.
你的敵人在你會中吼叫; 他們豎了自己的旗為記號。
5 Waxay u ekaadeen sidii niman faasas u qaatay hawd jiq ah.
他們好像人揚起斧子, 砍伐林中的樹。
6 Haddaba shuqulkiisii la qoray oo dhan Waxay ku wada dumiyaan gudmo iyo dubbayaal.
聖所中一切雕刻的, 他們現在用斧子錘子打壞了。
7 Meeshaada quduuska ah dab bay ku dhejiyeen, Oo waxay wada nijaaseeyeen meeshii magacaaga hoyga u ahayd.
他們用火焚燒你的聖所, 褻瀆你名的居所,拆毀到地。
8 Waxay qalbigooda iska yidhaahdeen, Kaalaya aan dhammaantood baabbi'innee, Waxay wada gubeen sunagogyadii Ilaah oo dalka ku dhex yiil oo dhan.
他們心裏說:我們要盡行毀滅; 他們就在遍地把上帝的會所都燒毀了。
9 Annagu calaamadahayagii ma aragno, Oo innaba mar dambe nebi ma jiro, Dhexdayadana ma joogo mid garanaya ilaa goorma.
我們不見我們的標幟,不再有先知; 我們內中也沒有人知道這災禍要到幾時呢!
10 Ilaahow, ilaa goormaa cadowgu caytamayaa? Cadowgu miyuu magacaaga caayayaa weligiisba?
上帝啊,敵人辱罵要到幾時呢? 仇敵褻瀆你的名要到永遠嗎?
11 Bal maxaad gacantaada midig dib ugu celisaa? Laabtaada ka soo bixi oo iyaga baabbi'i.
你為甚麼縮回你的右手? 求你從懷中伸出來,毀滅他們。
12 Laakiinse Ilaah waa boqorkayga tan iyo waa hore, Isagoo badbaadin ka dhex samaynaya dhulka.
上帝自古以來為我的王, 在地上施行拯救。
13 Xooggaagaad badda ku kala qaybisay, Oo masbadeedyada ku dhex jirana madaxaad ka jebisaa.
你曾用能力將海分開, 將水中大魚的頭打破。
14 Waxaad kala burburisay madaxyada bahalbadeedyada oo Lewiiyaataan la odhan jiray, Oo cunto ahaan ayaad u siisay dadkii cidlada degganaa.
你曾砸碎鱷魚的頭, 把牠給曠野的禽獸為食物。
15 Waxaad kala furtay ilo iyo durdurro, Oo waxaad qallajisay webiyo waaweyn.
你曾分裂磐石,水便成了溪河; 你使長流的江河乾了。
16 Maalinta adigaa iska leh, habeenkana adigaa iska leh, Oo adigaa diyaariyey iftiinka iyo qorraxdaba.
白晝屬你,黑夜也屬你; 亮光和日頭是你所預備的。
17 Adigu waxaad samaysay dhulka soohdimihiisa oo dhan, Oo adigaa sameeyey diraac iyo xagaaba.
地的一切疆界是你所立的; 夏天和冬天是你所定的。
18 Rabbiyow, xusuuso in cadowgu caytamay, Iyo in dad nacas ahu magacaaga caayay.
耶和華啊,仇敵辱罵, 愚頑民褻瀆了你的名,求你記念這事。
19 Qoolleydaada nafteeda ha u gacangelin dugaagga, Weligaaba ha illoobin nafta masaakiintaada,
不要將你斑鳩的性命交給野獸; 不要永遠忘記你困苦人的性命。
20 Bal soo fiiri axdigaaga, Dhulka meelihiisa gudcurka ah waxaa ka buuxa hoyaalka dulmiga.
求你顧念所立的約, 因為地上黑暗之處都滿了強暴的居所。
21 Kuwa la dulmay yaanay dib u noqon iyagoo ceeboobay, Miskiinka iyo kan baahanu magacaaga ha ammaaneen.
不要叫受欺壓的人蒙羞回去; 要叫困苦窮乏的人讚美你的名。
22 Ilaahow, sara joogso, oo dacwadaada u muddac. Bal xusuuso siday dadka nacaska ahu maalinta oo dhan kuu caayaan.
上帝啊,求你起來為自己伸訴! 要記念愚頑人怎樣終日辱罵你。
23 Ha illoobin codka cadaawayaashaada, Kuwa kugu kaca buuqoodu had iyo goorba wuu soo kacaa.
不要忘記你敵人的聲音; 那起來敵你之人的喧嘩時常上升。

< Sabuurradii 74 >