< Sabuurradii 72 >
1 Ilaahow, boqorka xukummadaada sii, Oo wiilka boqorkana xaqnimadaada sii.
Mpe mfalme amri ya haki yako, Mungu, haki yako kwa wana wa mfalme.
2 Isagu dadkaaga wuxuu ku xukumi doonaa xaqnimo, Oo masaakiintaadana caddaalad.
Naye awaamue watu wako kwa haki na maskini wako kwa haki sawa.
3 Buuruhu waxay dadka u keeni doonaan nabad, Kuruhuna waxay nabad ugu keeni doonaan xaqnimada.
Milima iwazalie watu amani; vilima navyo vizae haki.
4 Isagu wuxuu u garsoori doonaa dadka masaakiintiisa, Oo wuxuu badbaadin doonaa ka baahan carruurtiisa, Oo kan wax dulmana cadcad buu u kala jejebin doonaa.
Naye awahukumu watu maskini; awaokoe watoto wa wahitaji na kuwavunja vipande vipande wenye kuwatesa.
5 Way kaa cabsan doonaan inta qorraxdu jirto, Iyo inta dayaxu jiro tan iyo ka ab ka ab.
Na wakuheshimu wewe wakati wa jua, na kwa kipindi cha kudumu kwa mwezi katika vizazi vyote.
6 Isagu wuxuu u soo degi doonaa sida roob caws la jaray ku dul hoora, Iyo sida tiixyo dhulka biyeeya.
Naye apate kuja kama mvua juu ya nyasi zilizokatwa, kama manyuyu yanyunyizayo nchi.
7 Wakhtigiisa ayaa kan xaqa ahu barwaaqoobi doonaa, Oo nabadduna way badan doontaa tan iyo inta dayaxu aanu mar dambe jiri doonin.
Mwenye haki na astawi kwa wakati wake, na amani iwepo kwa wingi mpaka mwezi utakapotoweka.
8 Oo isagu wuxuu u talin doonaa bad ilaa ka bad, Iyo tan iyo Webiga iyo ilaa dhulka darfihiisa.
Na awe na mamlaka toka bahari na bahari, na kutoka Mto hadi miisho ya dunia.
9 Kuwa cidlada degganu hortiisay ku sujuudi doonaan; Oo cadaawayaashiisuna ciidday leefleefi doonaan.
Na wote waishio jangwani wainame mbele zake; adui zake na walambe mavumbi.
10 Boqorrada Tarshiish iyo kuwa gasiiraduhuba waxay isaga u keeni doonaan gabbaro, Boqorrada Shebaa iyo kuwa Sebaana waxay isaga siin doonaan hadiyado.
Wafalme wa Tashishi na visiwa walete kodi; wafalme wa Sheba na Seba watoe zawadi.
11 Haah, oo boqorrada oo dhammu hortiisay ku wada sujuudi doonaan, Oo quruumaha oo dhammuna isagay u adeegi doonaan.
Hakika wafalme wote wamwinamie yeye; mataifa yote yamtumikie yeye.
12 Waayo, isagu wuxuu samatabbixin doonaa kan baahan markuu qayliyo, Iyo miskiinka aan mid caawiya lahayn.
Kwa kuwa yeye humsaidia mhitaji na maskini asiye na msaidizi.
13 Wuxuu u nixi doonaa miskiinka iyo kan baahan, Oo kuwa baahan naftoodana wuu badbaadin doonaa.
Yeye huwahurumia maskini na wahitaji, na huokoa maisha ya wahitaji.
14 Naftooduu ka furan doonaa khiyaano iyo dulmi, Oo dhiiggooduna hortiisuu qaali ku ahaan doonaa,
Huyaokoa maisha yao dhidi ya mateso na vurugu, na damu yao ni ya thamani machoni pake.
15 Oo isagu wuu noolaan doonaa, oo waxaa la siin doonaa dahabka Shebaa; Had iyo goorba dadku way u ducayn doonaan, Oo weliba maalinta oo dhan isagay ammaani doonaan.
Naye apate kuishi! Na dhahabu za Sheba apewe yeye. Watu wamuombee yeye siku zote; Mungu ambariki daima.
16 Oo dhulka waxaa jiri doona hadhuudh badan xagga buuraha dushooda, Oo midhihiisuna waxay u soo ruxmi doonaan sida Lubnaan oo kale, Oo kuwa magaalada joogaana waxay u barwaaqoobi doonaan sida doogga dhulka.
Kuwepo na nafaka nyingi katika ardhi; juu ya milima kuwe na mawimbi ya mimea. Matunda yake yawe kama Lebanoni; watu wasitawi katika miji kama nyansi za kondeni.
17 Magiciisu weligiis buu waari doonaa, Magiciisu waa sii jiri doonaa in alla intay qorraxdu jirto; Oo dadku way ku barakoobi doonaan isaga, Quruumaha oo dhammuna waxay ugu yeedhi doonaan farxaan.
Jina lake lidumu milele; jina lake ilindelee kama vile jua ling'aavyo; watu wabarikiwe katika yeye; mataifa yote wamwite mbarikiwa.
18 Mahad waxaa leh Rabbiga Ilaahaa oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil, Oo keligiis sameeya waxyaalo yaab badan,
Yahwe Mungu, Mungu wa Israel, atukuzwe, ambaye pekee hufanya mambo ya ajabu.
19 Magiciisa ammaanta badanu mahad ha lahaado weligiisba, Oo dhulka oo dhanna ammaantiisu ha ka buuxsanto. Aamiin iyo Aamiin.
Jina lake tukufu litukuzawe milele, nayo nchi yote ijazwe na utukufu wake. Amina, Amina.
20 Daa'uud ina Yesay baryootannadiisii way dhammaadeen.
Maombi ya Daudi mwana wa Yese yamemalizika. Kutatu cha tatu