< Sabuurradii 71 >

1 Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyaa, Yaanan weligay wareerin.
Mwa Inu Yehova ine ndathawiramo; musalole kuti ndichititsidwe manyazi.
2 Xaqnimadaada igu samatabbixi oo i nabad geli, Dhegta ii dhig, oo i badbaadi.
Mundilanditse ndi kundipulumutsa mwa chilungamo chanu, mutchere khutu lanu ndi kundipulumutsa.
3 Ii noqo dhagax weyn oo rug ah, oo aan had iyo goorba ku noqnoqdo, Waxaad amar ku bixisay in lay badbaadsho, Waayo, adigu waxaad tahay dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda.
Mukhale thanthwe langa lothawirapo, kumene ine nditha kupita nthawi zonse; lamulani kuti ndipulumuke, pakuti Inu ndinu thanthwe langa ndi linga langa.
4 Ilaahayow, iga badbaadi kan sharka leh gacantiisa, Iyo gacanta xaqlaawaha iyo ninka nacabkaa.
Landitseni Inu Mulungu wanga, kuchoka mʼdzanja la oyipa, kuchoka mʼdzanja la oyipa ndi anthu ankhanza.
5 Waayo, Sayidow Ilaahow, waxaad tahay rajadayda, Oo waxaad tahay kii aan isku hallaynayay tan iyo yaraantaydii.
Pakuti Inu mwakhala chiyembekezo changa, Inu Ambuye Wamphamvuzonse, chilimbikitso changa kuyambira ndili mwana.
6 Tan iyo uurkii hooyaday adigaa i tiirinayay, Waxaad tahay kii iga soo bixiyey uurkii hooyaday, Had iyo goorba adigaan ku ammaani doonaa.
Kuyambira pamene ndinabadwa, ndakhala ndikudalira Inu; Inu munanditulutsa mʼmimba mwa amayi anga, ndipo ndidzakupembedzani nthawi zonse.
7 Anigu kuwo badan baan u ahay sidii wax yaab leh, Laakiinse adigu waxaad ii tahay magangal xoog leh.
Ine ndakhala chinthu chodabwitsa kwa anthu ambiri koma Inu ndinu wonditchinjiriza wamphamvu.
8 Maalin kasta waxaa afkayga ka buuxi doona Ammaantaada iyo sharaftaada.
Pakamwa panga padzaza ndi matamando anu, kulengeza ulemerero wanu tsiku lonse.
9 Ha i tuurin markaan gaboobo, Oo ha i dayrin markaan itaal darnaado.
Musanditaye pamene ndakalamba; musandisiye pamene mphamvu zanga zatha.
10 Waayo, cadaawayaashaydu waxay ka hadlaan wax igu saabsan, Oo kuwa naftayda inay iga qaadaan doonayaana way wada arrinsadaan,
Pakuti adani anga ayankhula motsutsana nane; iwo amene amadikira kuti andiphe amapangana pamodzi.
11 Oo waxay isyidhaahdaan, Ilaah baa dayriyey, Haddaba ka daba taga oo qabta, waayo, ma jiro mid samatabbixinayaa.
Iwo amati, “Mulungu wamusiya; mutsatireni ndi kumugwira, pakuti palibe amene adzamupulumutse.”
12 Ilaahow, ha iga fogaan, Ilaahayow, soo dhaqso oo i caawi.
Musakhale kutali ndi ine Inu Mulungu, bwerani msanga, Inu Mulungu wanga; thandizeni.
13 Kuwa naftayda cadaawayaal ku ahu ha ceeboobeen oo ha baabba'een, Oo kuwa waxyeelladayda doondoonayana ceeb iyo sharafdarro ha ku bateen.
Ondineneza anga awonongeke mwa manyazi, iwo amene akufuna kundipweteka avale chitonzo ndi manyazi.
14 Laakiinse anigu had iyo goorba wax baan rajaynayaa, Oo weliba waan kuu sii ammaanayaa aad iyo aad.
Koma ine ndidzakhala ndi chiyembekezo mwa Inu nthawi zonse, ndidzakutamandani mowirikizawirikiza.
15 Afkaygu wuxuu maalinta oo dhan ka sheekayn doonaa xaqnimadaada, iyo badbaadintaada, Waayo, anigu ma aqaan intay tiro le'eg yihiin.
Pakamwa panga padzafotokoza za chilungamo chanu, za chipulumutso chanu tsiku lonse, ngakhale sindikudziwa muyeso wake.
16 Waxaan la imanayaa Sayidka Ilaahaa shuqulladiisa xoogga leh, Oo waxaan ka hadli doonaa xaqnimadaada, taasoo ah taada oo keliya.
Ndidzabwera ndi kulengeza za machitidwe amphamvu zanu Inu Ambuye Wamphamvuzonse. Ndidzalengeza chilungamo chanu, chanu chokha.
17 Ilaahow, wax baad i bari jirtay tan iyo yaraantaydii, Oo ilaa haatanna waxaan caddayn jiray shuqulladaada yaabka badan.
Kuyambira ubwana wanga, Inu Mulungu mwakhala mukundiphunzitsa, ndipo mpaka lero ine ndikulengeza za ntchito zanu zodabwitsa
18 Ilaahow, ha i dayrin, xataa markaan gaboobo oo madaxaygu cirroobo, Jeeraan xooggaaga uga warramo farcanka dambe Oo aan itaalkaaga uga sheekeeyo mid kasta oo hadda ka dib imanaya.
Ngakhale pamene ndakalamba ndipo imvi zili mbuu musanditaye Inu Mulungu, mpaka nditalengeza mphamvu zanu kwa mibado yonse yakutsogolo.
19 Ilaahow, xaqnimadaadu aad iyo aad bay u sarraysaa, Ilaahow, adiga oo waxyaalaha waaweyn sameeyey, Bal yaa kula mid ah?
Mphamvu zanu ndi kulungama kwanu zimafika mpaka kumwambamwamba. Ndani wofanana nanu Inu Mulungu, amene mwachita zazikulu?
20 Adiga oo na tusay dhibaatooyin badan oo aad u xun, Ayaa haddana na noolayn doona, Oo haddana waxaad naga soo saari doontaa dhulka moolkiisa.
Ngakhale mwandionetsa mavuto ambiri owawa, mudzabwezeretsanso moyo wanga; kuchokera kunsi kwa dziko lapansi, mudzandiukitsanso.
21 Weynaantayda ii sii kordhi, Oo intaad soo jeesatid i qalbi qabooji.
Inu mudzachulukitsa ulemu wanga ndi kunditonthozanso.
22 Ilaahow, waxaan kugu ammaani doonaa alaab muusiko ah, Oo runtaadaan ammaani doonaa, Israa'iil kiisa Quduuska ahow, Waxaan ammaan kuugula gabyi doonaa kataarad.
Ndidzakutamandani ndi zeze chifukwa cha kukhulupirika kwanu Mulungu, ndidzayimba matamando kwa Inu ndi pangwe, Inu Woyera wa Israeli.
23 Bushimahaygu aad bay ugu farxi doonaan, markaan ammaan kuugu gabyo, Oo xataa naftaydii aad soo furatayna way rayrayn doonta.
Milomo yanga idzafuwula ndi chimwemwe pamene ndidzayimba matamando kwa Inu amene mwandiwombola.
24 Oo weliba carrabkayguna maalinta oo dhan wuxuu ka sheekayn doonaa xaqnimadaada, Waayo, kuwa waxyeelladayda doondoonayaa way ceeboobaan, oo way isku wareeraan.
Lilime langa lidzafotokoza za ntchito zanu zachilungamo tsiku lonse, pakuti iwo amene amafuna kundipweteka achititsidwa manyazi ndi kusokonezedwa.

< Sabuurradii 71 >