< Sabuurradii 69 >

1 Ilaahow, i badbaadi, Waayo, biyaa naftii ii keenay.
達味作,交與樂官,調寄「百合。」 天主,求您從速拯救我;因大水已到我的頸脖。
2 Waxaan ku dhex liimbadaa dhoobo mool dheer oo aan lahayn meel laysku taago, Waxaan ku dhacay biyo mool dheer, oo daad baa halkaas igu qarqinaya.
我陷於泥獰中,沒有立足的處所;我沈入深水中,波濤已掩蓋了我。
3 Waxaan ku daalay qayladaydii, oo hungurigaygu waa qallalay, Oo intii aan Ilaahay sugayo ayay indhahaygu dem yidhaahdaan.
我呼號得筋疲力竭,我已咽喉焦乾;我常期望我的天主,我已望眼欲穿。
4 Kuwa sababla'aanta ii nebcaadaa way ka sii badan yihiin timaha madaxayga, Kuwa doonaya inay i baabbi'iyaan iyagoo cadaawayaashayda gardarro igu ah waa xoog badan yihiin, Markaasaan magdhabay wax aanan qaadan.
無故憎恨我的人,比我的頭髮更繁,無理敵對我的人,比我的骨頭更堅硬;我沒有搶奪過的,我反而應該償還。
5 Ilaahow, waad og tahay nacasnimadayda, Oo dembiyadayduna kaama qarsoona.
天主,我的愚昧,您知道得更為周詳。我的過犯,不能向您掩蓋隱藏。
6 Sayidow, Ilaaha ciidammadow, kuwa ku sugaya yaanan ceeb u soo jiidin, Ilaaha reer binu Israa'iilow, kuwa ku doondoonaya yaanan sharafjab u soo jiidin.
上主,萬軍的上主,願那仰望您的人,不要因我而蒙羞,以色列人的天主,願那尋覓您的人,不要因我而受辱。
7 Maxaa yeelay, adiga daraaddaa ayaan cay u qaaday, Oo waxaa wejigaygii ka muuqatay ceeb.
因為,我為了您已飽受欺凌,羞愧已經籠罩了我的面容。
8 Waxaan walaalahay u noqday shisheeye, Oo ilma hooyadayna waxaan u noqday ajanabi.
連我的兄弟們都以我為外賓,我母親的兒子都拿我當客人。
9 Qiiradii aan gurigaaga u qabay ayaa i gubtay, Oo caydii kuwii ku caayay ayaa igu kor dhacday.
我對您殿宇所懷的熱忱把我耗盡,並且那侮辱您者的辱罵落於我身。
10 Markaan ooyay, oo aan naftayda soon ku edbiyey, Taasu waxay igu noqotay ceeb.
我含淚齋戒克己苦身,竟成了我受辱的原因;
11 Markaan joonyado dhar ka dhigtayna, Waxaan iyagii u noqday masaal.
我身上穿著麻布當作衣裳,也竟成了他們取笑的對象。
12 Kuwa iridda fadhfadhiyaa way igu sheekaystaan, Oo kuwa sakhraanka ahuna way igu gabyaan.
閒坐門口的人,對我議論紛紛,喝醉烈酒的人,對我歌唱戲弄。
13 Laakiinse adigaan ku baryayaa wakhti la aqbali karo, Rabbiyow, Ilaahow, naxariistaada badan Iyo runta badbaadintaada iigu jawaab.
上主,在這困厄的時日,我只有求救於您;天主,求您按您豐厚的慈愛應允我,求您以您救援的忠誠俯聽我。
14 Dhoobada iga samatabbixi, oo yaanan ku liimban, Oo ha layga samatabbixiyo kuwa i neceb, iyo biyaha moolka dheer.
求您救我於污泥中,不要讓我沉沒。救我脫離恨我的人,走出大水旋渦,
15 Biyaha daadka ahuna yaanay i qarqin, Oo yaan moolku i liqin, Oo yamayskuna yaanu afkiisa igu qabsan.
求您不要讓波浪淹沒我,深淵吞滅我,也不要讓地窖合上自己的口埋葬我。
16 Rabbiyow, ii jawaab, waayo, raxmaddaadu waa wanaagsan tahay, Naxariistaada badnaanteeda aawadeed iigu soo jeeso.
上主,求您照您和藹的慈愛俯允我,求您按您深厚的仁慈眷顧我。
17 Oo wejigaaga ha iga qarin anoo addoonkaaga ah, Waayo, waan dhibaataysnahay, ee haddiiba ii jawaab.
求您不要向您的僕人隱藏您的慈顏,因為我正處在困厄中,求您從速垂憐。
18 Naftayda u soo dhowow, oo furo, Oo cadaawayaashayda daraaddood ii samatabbixi.
求您親近我的靈魂,施予救贖,為了我的諸般仇敵,求您救護。
19 Waad og tahay caydayda iyo ceebtayda iyo sharafdarradayda, Oo cadaawayaashayda oo dhammu hortaaday joogaan.
我受的侮辱、欺凌和恥笑,您都識穿;欺凌迫害我的眾人,都在您的眼前。
20 Cay baa i qalbi jebisay, waanan quusanayaa, Oo waxaan doondoonay mid ii jixinjixa, laakiinse waan waayay, Oo waxaan doondoonay kuwo i qalbi qaboojiya, laakiinse ma aanan helin.
侮辱破碎了我心,使我憂傷難過;我期望有人同情,卻未尋到一個,我渴盼有人來安慰,也未找到一個。
21 Oo weliba waxay cunto ahaan ii siiyeen xammeeti, Oo markaan harraadsanaana waxay i cabsiiyeen khal.
他們在我的食物中,攙上了苦膽,我口渴時,竟遞來酸醋要我下嚥,
22 Miiskoodu hortooda ha ku noqdo dabin, Oo markay nabdoon yihiinna shirqool ha ku noqdo.
願他們的筵席變成網羅,為同席的友人變為圈套!
23 Indhahoodu ha madoobaadeen si aanay waxba u arkin, Oo simahooduna had iyo goorba ha gariireen.
願他們的眼睛昏迷失明,使他們的雙腰顫抖不停!
24 Xanaaqaaga iyaga ku deji, Oo cadhadaada kulaylkeeduna ha qabsado.
求您向他們傾洩您的盛怒,讓您的怒火把他們籠罩住。
25 Gurigoodu cidla ha noqdo, Ninnana yaanu teendhooyinkooda degin,
願他們的居所變成荒土,願他們的帳幕無人再住!
26 Waayo, iyagu waxay silciyaan kii aad dishay, Oo waxay ka sheekeeyaan kuwaad dhaawacday murugtooda.
因為他們繼續打擊您所打擊的人,他們另加苦害您所傷殘的人。
27 Xumaantooda xumaan ugu sii dar, Oo yaanay xaqnimadaada soo gelin.
願您在他們的罪罰上增加罪罰,不要使他們在您面前稱義自誇。
28 Magacooda ha laga tirtiro kitaabka kuwa nool, Oo yaan iyaga lala qorin kuwa xaqa ah.
願他們從生命冊上全被塗去,不要讓他們與義人同被錄取:
29 Laakiinse anigu miskiin baan ahay, waanan murug badnahay, Ilaahow, badbaadintaadu meel sare ha i saarto.
天主,我既貧乏而又憂苦,願您的救助賜給我衛護:
30 Rabbiga magiciisa ayaan gabay ku ammaani doonaa, Oo waxaan isaga ku weynayn doonaa mahadnaqid.
我要用詩歌讚美天主的名號,並要用感恩的心給天主增耀:
31 Oo taasuna Rabbiga way ka farxin doontaa in ka sii wanaagsan intii uu ku farxi lahaa dibi, Ama dibi sange ah oo geeso iyo qoobab leh.
這將使上主滿心歡愉,勝於蹄角具全的牛犢。
32 Kuwa camal qabow way arkeen, waana faraxsan yihiin, Kuwiinna Ilaah doondoonow, qalbigiinnu ha noolaado.
卑微的人們,您們要觀看,並要喜慶,尋求天主的人,您們的心必要興奮,
33 Waayo, Rabbigu wuu maqlaa kuwa baahan, Oo maxaabiistiisana ma uu quudhsado.
因為對貧苦的人,上主常予俯聽;對他的俘虜,他決不會看輕。
34 Samada, iyo dhulka, iyo badaha, Iyo waxa ku dhex dhaqaaqa oo dhammuba isaga ha ammaaneen.
願上天下地都歌頌讚美他,海洋和一切水族都稱揚他!
35 Waayo, Ilaah Siyoon wuu badbaadin doonaa, oo magaalooyinka reer Yahuudahna wuu dhisi doonaa, Oo iyana halkaasay degi doonaan, oo hanti ahaan bay u lahaan doonaan.
因為天主要拯救熙雍,建造猶大的城池:使他的僕人住在那裏,並佔有作基地。
36 Oo weliba waxaa halkaas dhaxli doona farcanka addoommadiisa, Oo kuwa magiciisa jecelna way dhex degganaan doonaan.
他僕人的後裔將要承繼此邑,愛慕他名的人也要住在這裏。

< Sabuurradii 69 >