< Sabuurradii 68 >

1 Ilaah ha sara joogsado, oo cadaawayaashiisuna ha kala firdheen, Kuwa necebuna hortiisa ha ka carareen.
聖歌隊の指揮者によってうたわせたダビデの歌、さんび 神よ、立ちあがって、その敵を散らし、神を憎む者をみ前から逃げ去らせてください。
2 Sida qiiqu u kala firdho, iyagana sidaasoo kale u kala firdhi, Sida shamacu dabka ugu dhalaalo, Sidaasoo kale kuwa sharka lahu Ilaah hortiisa ha ku baabbe'een.
煙の追いやられるように彼らを追いやり、ろうの火の前に溶けるように悪しき者を神の前に滅ぼしてください。
3 Laakiinse kuwa xaqa ahu ha farxeen, oo Ilaah hortiisa ha ku reyreeyeen, Haah, oo farxad ha ku reyreeyeen.
しかし正しい者を喜ばせ、神の前に喜び踊らせ、喜び楽しませてください。
4 Ilaah u gabya, oo magiciisa ammaan ugu gabya, Kan lamadegaanka dhex mara jid weyn u fala, Magiciisu waa Yaah, ee hortiisa ku reyreeya.
神にむかって歌え、そのみ名をほめうたえ。雲に乗られる者にむかって歌声をあげよ。その名は主、そのみ前に喜び踊れ。
5 Ilaah wuxuu rugtiisa quduuskaa ku yahay Agoonta aabbahood iyo carmallada xaakinkooda.
その聖なるすまいにおられる神はみなしごの父、やもめの保護者である。
6 Kuwa cidlaysan Ilaah reero ayuu u yeelaa, Oo maxaabiistana intuu soo bixiyo ayuu barwaaqo dhex geeyaa, Laakiinse caasiyiintu waxay degganaadaan dhul oommane ah.
神は寄るべなき者に住むべき家を与え、めしゅうどを解いて幸福に導かれる。しかしそむく者はかわいた地に住む。
7 Ilaahow, markaad dadkaaga hor kacday, Markaad lamadegaanka ku dhex socotay, (Selaah)
神よ、あなたが民に先だち出て、荒野を進み行かれたとき、 (セラ)
8 Dhulku waa gariiray, Samooyinkuna waxay ku de'een Ilaah hortiisa, Xataa Buur Siinay nafteedu waxay ka gariirtay Ilaah hortiisa, kaasoo ah Ilaaha Israa'iil.
シナイの主なる神の前に、イスラエルの神なる神の前に、地は震い、天は雨を降らせました。
9 Ilaahow, waxaad soo daysay roob badan, Oo kuwa dhaxalkaagu markay daallanaayeenna waad xoogaysay.
神よ、あなたは豊かな雨を降らせて、疲れ衰えたあなたの嗣業の地を回復され、
10 Ururkaagu halkaasuu dhex degganaa, Ilaahow, wanaaggaaga aawadiis wax baad u diyaarisay masaakiinta.
あなたの群れは、そのうちにすまいを得ました。神よ、あなたは恵みをもって貧しい者のために備えられました。
11 Sayidku wuxuu bixiyey erayga, Kuwa warka faafiyaana waa guuto weyn.
主は命令を下される。おとずれを携えた女たちの大いなる群れは言う、
12 Boqorrada ciidammadu way cararaan, way cararaan, Oo tan guriga ku hadha ayaa dhaca qaybisa.
「もろもろの軍勢の王たちは逃げ去り、逃げ去った」と。家にとどまる女たちは獲物を分ける、
13 Xeryaha idaha miyaad iska dhex jiifaysaan, Sidii baadad qoolley oo lacag lagu dahaadhay, Iyo baalasheeda oo dahab cas lagu dahaadhay?
たとい彼らは羊のおりの中にとどまるとも。はとの翼は、しろがねをもっておおわれ、その羽はきらめくこがねをもっておおわれる。
14 Markii Qaadirku boqorrada halkaas ku kala dhex firdhiyey, Waxay ahayd sida marka baraf cad ku da'o Salmoon.
全能者がかしこで王たちを散らされたとき、ザルモンに雪が降った。
15 Buur Ilaah waxaa ah Buur Baashaan. Oo buur dheer waxaa ah Buur Baashaan.
神の山、バシャンの山、峰かさなる山、バシャンの山よ。
16 Buurihiinnan dhaadheerow, bal maxaad u quudhsanaysaan Buurta Ilaah uu jeclaaday inuu hoygiisii ka dhigto? Haah, oo Rabbigu halkaasuu degganaan doonaa weligiisba.
峰かさなるもろもろの山よ、何ゆえ神がすまいにと望まれた山をねたみ見るのか。まことに主はとこしえにそこに住まわれる。
17 Ilaah gaadhifardoodyadiisu waa labaatan kun, iyo xataa kumanyaal iyo kumaankun, Sayidku wuu ku dhex jiraa iyaga, siduu Siinay ugu jiri jiray xagga meesha quduuska ah.
主は神のいくさ車幾千万をもって、シナイから聖所に来られた。
18 Adigu kor baad u baxday, oo waxaad qabatay oo kaxaysay kuwii maxaabiista ahaan jiray. Oo waxaad hadiyado ka qaadatay dadka dhexdiisa, Iyo xataa caasiyiintaba, in Rabbiga Ilaah ahu halkaas joogo aawadeed.
あなたはとりこを率い、人々のうちから、またそむく者のうちから贈り物をうけて、高い山に登られた。主なる神がそこに住まわれるためである。
19 Waxaa mahad leh Sayidka maalin kasta culaabteenna inoo qaada, Kaasoo ah Ilaaha ina badbaadiya. (Selaah)
日々にわれらの荷を負われる主はほむべきかな。神はわれらの救である。 (セラ)
20 Ilaah wuxuu inoo yahay Ilaaha samatabbixinta, Ilaaha Sayidka ah ayaa iska leh dhimashada kabixiddeeda.
われらの神は救の神である。死からのがれ得るのは主なる神による。
21 Laakiinse Ilaah wuxuu wax ku dhufan doonaa madaxa cadaawayaashiisa, Iyo dhalada timaha leh oo kan xadgudubyadiisa ku sii socdaba.
神はその敵のこうべを打ち砕き、おのがとがの中に歩む者の毛深い頭のいただきを打ち砕かれる。
22 Sayidku wuxuu yidhi, Waxaan iyaga ka soo celin doonaa xagga Baashaan, Oo waxaan ka soo bixin doonaa badda moolkeeda,
主は言われた、「わたしはバシャンから彼らを携え帰り、海の深い所から彼らを携え帰る。
23 Inaad cagtaada dhiig darsatid, Iyo in eeyahaaga carrabkoodu uu qayb ka helo cadaawayaashaada.
あなたはその足を彼らの血に浸し、あなたの犬の舌はその分け前を敵から得るであろう」と。
24 Ilaahow, waxay arkeen tegiddaadii, Taas oo ah tegiddii Ilaahay oo ah Boqorkayga oo uu galay meesha quduuska ah.
神よ、人々はあなたのこうごうしい行列を見た。わが神、わが王の、聖所に進み行かれるのを見た。
25 Gabayayaashii way hor mareen, muusikaystayaashiina way raaceen, Dhexdana waxaa ku jiray hablo daf ku cayaaraya.
歌う者は前に行き、琴をひく者はあとになり、おとめらはその間にあって手鼓を打って言う、
26 Kuwiinnan isha Israa'iil ka soo farcamayow, Shirarka ku dhex ammaana Ilaaha Sayidka ah.
「大いなる集会で神をほめよ。イスラエルの源から出た者よ、主をほめまつれ」と。
27 Waxaa jooga Benyaamiin yar oo ah taliyahooda, Iyo amiirrada reer Yahuudah iyo guddigooda, Iyo amiirrada reer Sebulun iyo amiirrada reer Naftaali.
そこに彼らを導く年若いベニヤミンがおり、その群れの中にユダの君たちがおり、ゼブルンの君たち、ナフタリの君たちがいる。
28 Ilaahaagu xooggaaguu amray, Ilaahow, waxaad noo samaysay noo xoogee.
神よ、あなたの大能を奮い起してください。われらのために事をなされた神よ、あなたの力をお示しください。
29 Macbudkaaga Yeruusaalem ku yaal daraaddiis Ayaa boqorro waxay kuugu keeni doonaan hadiyado.
エルサレムにあるあなたの宮のために、王たちはあなたに贈り物をささげるでしょう。
30 Canaano dugaagga cawsduurka ku dhex jira, Iyo dibida tirada badan, iyo weylaha dadka Oo ku tumanaya lacagta gogo'a ah, Isagu wuu kala firdhiyey dadyowga dagaalka jecel.
葦の中に住む獣、もろもろの民の子牛を率いる雄牛の群れをいましめてください。みつぎ物をむさぼる者たちを足の下に踏みつけ、戦いを好むもろもろの民を散らしてください。
31 Masar waxaa ka iman doona amiirro, Itoobiyana haddiiba gacmaheeday u hoorsan doontaa Ilaah.
青銅をエジプトから持ちきたらせ、エチオピヤには急いでその手を神に伸べさせてください。
32 Boqortooyooyinka dhulkow, Ilaah u gabya, Ammaan ugu gabya Sayidka, (Selaah)
地のもろもろの国よ、神にむかって歌え、主をほめうたえ。 (セラ)
33 Kaasoo kor fuushan samada samooyinka sare, oo weligoodba jiray, Bal eega, wuxuu ku hadlaa codkiisa, oo weliba codkiisu waa xoog badan yahay.
いにしえからの天の天に乗られる主にむかってほめうたえ。見よ、主はみ声を出し、力あるみ声を出される。
34 Ilaah xoog ka sheega, Waayo, sharaftiisu waxay dul joogtaa reer binu Israa'iil, Oo xooggiisuna wuxuu ku jiraa samooyinka.
力を神に帰せよ。その威光はイスラエルの上にあり、その力は雲の中にある。
35 Ilaahow, meelahaaga quduuska ah waxaad ka tahay mid laga cabsado, Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu dadkiisa siiyaa xoog iyo itaal. Mahad waxaa leh Ilaah.
神はその聖所で恐るべく、イスラエルの神はその民に力と勢いとを与えられる。神はほむべきかな。

< Sabuurradii 68 >