< Sabuurradii 67 >

1 Ilaahow, noo naxariiso, oo na barakee, Oo wejigaaguna ha na iftiimiyo, (Selaah)
למנצח בנגינת מזמור שיר ב אלהים יחננו ויברכנו יאר פניו אתנו סלה
2 In jidkaaga laga ogaado dhulka, Quruumaha oo dhan dhexdoodana laga wada ogaado caafimaadkaaga wax badbaadiya.
לדעת בארץ דרכך בכל-גוים ישועתך
3 Ilaahow, dadyowgu ha ku ammaaneen, Dadyowga oo dhammu ha ku ammaaneen.
יודוך עמים אלהים יודוך עמים כלם
4 Quruumuhu ha farxeen oo ha gabyeen farxad aawadeed, Waayo, dadyowga waxaad ku xukumi doontaa caddaalad, Oo quruumahana dhulkaad ugu talin doontaa. (Selaah)
ישמחו וירננו לאמים כי-תשפט עמים מישר ולאמים בארץ תנחם סלה
5 Ilaahow, dadyowgu ha ku ammaaneen, Dadyowga oo dhammu ha ku ammaaneen.
יודוך עמים אלהים יודוך עמים כלם
6 Dhulku wuxuu soo saaray midhihiisii, Waxaa ina barakayn doona Ilaah, oo ah Ilaaheenna qudhiisa.
ארץ נתנה יבולה יברכנו אלהים אלהינו
7 Ilaah waa ina barakayn doonaa, Oo dhulka darafyadiisa oo dhammuna way ka cabsan doonaan isaga.
יברכנו אלהים וייראו אותו כל-אפסי-ארץ

< Sabuurradii 67 >