< Sabuurradii 66 >
1 Dadka dhulka oo dhammow, Ilaah farxad ugu qayliya,
2 Oo ammaanta magiciisa ku gabya, Ammaantiisana qurxiya.
3 Ilaah waxaad ku tidhaahdaan, Shuqulladaadu cabsi badanaa! Weynaanta xooggaaga aawadiis ayaa cadaawayaashaadu isugu kaa dhiibi doonaan.
4 Dadka dhulka oo dhammu adigay ku caabudi doonaan, Wayna kuu gabyi doonaan, Magacaagay u gabyi doonaan. (Selaah)
5 Bal kaalaya, oo arka shuqullada Ilaah, Xagga binu-aadmiga wuxuu ku sameeyey waa cabsi badan yihiin.
6 Wuxuu baddii ka dhigay dhul engegan, Oo iyagu webiga dhexdiisa waxay ku mareen lug, Oo halkaasaan isaga ku rayraynay.
7 Isagu weligiisba wuxuu ku taliyaa xooggiisa, Oo indhihiisuna waxay fiiriyaan quruumaha, Haddaba caasiyiintu yaanay kor isu qaadin. (Selaah)
8 Dadyahow, Ilaaheenna ammaana, Oo codka ammaantiisa ha la maqlo,
9 Kaasoo nafteenna nolol ku haya, Oo cagaheennana aan u oggolayn in la dhaqdhaqaajiyo.
10 Waayo, Ilaahow, adigu waad na imtixaantay, Oo waxaad noo tijaabisay sida lacagta loo tijaabiyo.
11 Waxaad na gelisay shabagga dabinka ah, Oo waxaad simaha naga saartay culaab weyn.
12 Dad baad madaxa naga saartay, Oo waxaannu dhex galnay dab iyo biyo, Laakiinse ugudambaysta waxaad na keentay meel barwaaqo ah.
13 Haddaba anigu gurigaaga waxaan la soo geli doonaa allabaryo la gubo, Oo waxaan kuu oofinayaa nidarradaydii
14 Bushimahaygu ay ku hadleen, Oo afkaygu sheegay markii aan dhibaataysnaa.
15 Oo waxaan allabaryo la gubo kuugu soo bixinayaa xoolo buurbuuran Iyo wanan iyo fooxood, Oo waxaan kuu soo bixin doonaa dibiyo iyo orgiyo. (Selaah)
16 Kulli intiinna Ilaah ka cabsataay, kaalaya oo maqla, Oo waxaan sheegayaa wuxuu naftayda u sameeyeye.
17 Isagaan afkayga ugu qayshaday, Oo waxaan ku ammaanay carrabkayga.
18 Haddaan dembi qalbigayga ku arkay, Sayidku ima uu maqleen,
19 Laakiinse sida runta ah Ilaah waa i maqlay, Oo codkii baryadaydana dhegtuu u dhigay.
20 Mahad waxaa leh Ilaaha Aan baryadayda diidin oo aan naxariistiisana gees iga marin.