< Sabuurradii 63 >

1 Ilaahow, waxaad tahay Ilaahay, oo anna goor hore ayaan ku doondooni doonaa, Naftaydu adigay kuu oomman tahay, jidhkayguna aduu kuu xiisoodaa, Anoo jooga dhul engegan oo daal miidhan ah oo aan biyo lahayn.
Zabura ta Dawuda. Sa’ad da yake a hamadar Yahuda. Ya Allah, kai ne Allahna, da nacewa na neme ka; raina yana ƙishinka, jikina yana marmarinka, cikin busasshiyar ƙasar da ta zozaye inda babu ruwa.
2 Si aan u arko xooggaaga iyo ammaantaadaba aawadeed, Ayaan kaa fiiriyey meesha quduuska ah.
Na gan ka a wuri mai tsarki na kuma dubi ikonka da ɗaukakarka.
3 Waayo, raxmaddaadu way ka sii wanaagsan tahay nolol, Haddaba bushimahaygu way ku ammaani doonaan.
Domin ƙaunarka ta fi rai kyau, leɓunana za su ɗaukaka ka.
4 Sidaas daraaddeed waan kugu mahadnaqayaa intaan noolahay, Oo gacmahaygana kor baan ugu qaadi doonaa magacaaga aawadiis.
Zan yabe ka muddin raina, kuma a cikin sunanka zai ɗaga hannuwana.
5 Naftaydu waxay u dhergi doontaa sida mid dhuux iyo baruur uga dhergo, Oo afkayguna wuxuu kugu ammaani doonaa bushimo faraxsan
Raina zai ƙoshi kamar da abinci mafi kyau; da leɓunan rerawa bakina zai yabe ka.
6 Kolkaan sariirtayda kugu soo xusuusto Oo aan kaa fikiro habeenka markaan soo jeedo.
A gadona na tuna da kai; ina tunaninka dukan dare.
7 Waayo, waxaad ii ahayd caawimaad, Oo hooska baalashaada ayaan ku rayrayn doonaa.
Domin kai ne mai taimakona, ina rera a cikin inuwar fikafikanka.
8 Naftaydu adigay ku raacdaa, Oo gacantaada midigna way i tiirisaa. (Selaah)
Raina ya manne maka; hannunka na dama yana riƙe da ni.
9 Laakiinse kuwa naftayda u doondoonaya inay halligaan aawadeed, Waxay geli doonaan dhulka meelaha ugu hooseeya.
Su da suke neman raina za su hallaka; za su gangara zuwa zurfafan duniya.
10 Waxaa iyaga loo gacangelin doonaa xoogga seefta, Oo waxay qayb u noqon doonaan dawacooyinka.
Za a bayar da su ga takobi su kuma zama abincin karnukan jeji.
11 Laakiinse boqorku wuxuu ku rayrayn doonaa Ilaah, Mid kasta oo isaga ku dhaartaa wuu faani doonaa, Waayo, kuwa beenta sheega afkooda waa la aamusiin doonaa.
Amma sarki zai yi farin ciki ga Allah; dukan waɗanda suke rantse da sunan Allah za su yabe shi, amma za a rufe bakunan maƙaryata.

< Sabuurradii 63 >