< Sabuurradii 62 >
1 Naftaydu waxay sugtaa Ilaah oo keliya, Oo badbaadadayduna waxay ka timaadaa xaggiisa.
For the Leader; for Jeduthun. A Psalm of David. Only for God doth my soul wait in stillness; from Him cometh my salvation.
2 Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah, Isagu waa munaaraddayda, oo aniga aad lay dhaqaajin maayo.
He only is my rock and my salvation, my high tower, I shall not be greatly moved.
3 Balse idinku ilaa goormaad nin ku weeraraysaan, Inaad kulligiin isaga dumisaan, Sida derbi dhacaya, iyo deyr ligliganaya?
How long will ye set upon a man, that ye may slay him, all of you, as a leaning wall, a tottering fence?
4 Iyagu waxay keliyahoo ku tashadaan si ay isaga sharaftiisa uga dejiyaan, Oo waxay ku farxaan beensheegidda, Afka way ka duceeyaan, laakiinse uurka way ka habaartamaan. (Selaah)
They only devise to thrust him down from his height, delighting in lies; they bless with their mouth, but they curse inwardly. (Selah)
5 Naftaydoy, Ilaah oo qudha sug, Waayo, isagaan wax ka filanayaa.
Only for God wait thou in stillness, my soul; for from Him cometh my hope.
6 Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah, Isagu waa munaaraddayda, oo aniga layma dhaqaajin doono.
He only is my rock and my salvation, my high tower, I shall not be moved.
7 Badbaadadayda iyo ammaantayduba waxay la jiraan Ilaah, Dhagaxii xooggayga iyo magangalkaygaba waa xagga Ilaah.
Upon God resteth my salvation and my glory; the rock of my strength, and my refuge, is in God.
8 Dadkow, isaga isku halleeya wakhti kastaba, Oo qalbigiinna waxba ha kula hadhina Ilaah hortiisa, Waayo, Ilaah baa magangal inoo ah. (Selaah)
Trust in Him at all times, ye people; pour out your heart before Him; God is a refuge for us. (Selah)
9 Hubaal dad gun ahu waa xumbo, Oo dad gob ahuna waa been, Markii la miisaamo way kor mari doonaan, Oo iyagu dhammaantood xumbo way ka fudud yihiin.
Men of low degree are vanity, and men of high degree are a lie; if they be laid in the balances, they are together lighter than vanity.
10 Dulmiga ha isku hallaynina, Waxdhiciddana ha ku kibrina. Maal hadduu idinku batona qalbigiinna ha raacinina.
Trust not in oppression, and put not vain hope in robbery; if riches increase, set not your heart thereon.
11 Ilaah mar buu hadlay, Oo laba goor baan maqlay, In Ilaah xoogga iska leeyahay,
God hath spoken once, twice have I heard this: that strength belongeth unto God;
12 Oo weliba, Sayidow, adigu naxariis baad leedahay, Waayo, nin kasta waxaad ugu abaalguddaa sidii camalladiisu ahaayeen.
Also unto Thee, O Lord, belongeth mercy; for Thou renderest to every man according to his work.