< Sabuurradii 58 >
1 Hubaal xaqnimada aamusnaan ma ku sheegtaan? Binu-aadmigow, si qumman wax ma u xukuntaan?
in finem ne disperdas David in tituli inscriptione si vere utique iustitiam loquimini recta iudicate filii hominum
2 Hubaal qalbiga waxaad ka samaysaan xumaato, Oo waxaad ka fikirtaan dulmiga gacmihiinna oo aad dhulka ku samaysaan.
etenim in corde iniquitates operamini in terra iniustitiam manus vestrae concinnant
3 Kuwa sharka lahu waxay qalaad ku noqdaan uurkii hooyadood, Oo mar alla markii ay dhashaan ayay habaabaan iyagoo been sheegaya.
alienati sunt peccatores a vulva erraverunt ab utero locuti sunt falsa
4 Suntoodu waa sida abeesada waabaydeeda oo kale, Iyagu waa sida jilbis dhega la' oo dhegihiisa fureeya,
furor illis secundum similitudinem serpentis sicut aspidis surdae et obturantis aures suas
5 Kaasoo aan maqlin codka saaxiriinta, Iyagoo si caqli ah u sixraya.
quae non exaudiet vocem incantantium et venefici incantantis sapienter
6 Ilaahow, ilkahooda afkooda ku dhex burburi, Rabbiyow, libaaxyada aaranka ah miciyahooda jejebi.
Deus conteret dentes eorum in ore ipsorum molas leonum confringet Dominus
7 Ha u dhalaaleen sida biyo aad u durduraya. Markuu fallaadhihiisa wax ku liishaamo, ha noqdeen sida wax kala jabay.
ad nihilum devenient tamquam aqua decurrens intendit arcum suum donec infirmentur
8 Ha noqdeen sida alalaxayda dhalaasha oo iska baabba'da, Iyo sida dhicis naageed oo aan qorraxda arkin.
sicut cera quae fluit auferentur supercecidit ignis et non viderunt solem
9 Intaan dheryihiinnu qodxaha taaban, Ayuu kuwa qoyan iyo kuwa ololayaba ku kala firdhin doonaa dabayl cirwareen ah.
priusquam intellegerent spinae vestrae ramnum sicut viventes sicut in ira absorbet vos
10 Kan xaqa ahu wuu rayrayn doonaa markuu arko aargudashada, Oo wuxuu ku cago maydhan doonaa kan sharka leh dhiiggiisa.
laetabitur iustus cum viderit vindictam manus suas lavabit in sanguine peccatoris
11 Sidaas daraaddeed dadku wuxuu odhan doonaa, Hubaal kii xaq ahu abaalgud buu leeyahay, Hubaal waxaa jira Ilaah dhulka xukuma.
et dicet homo si utique est fructus iusto utique est Deus iudicans eos in terra