< Sabuurradii 57 >
1 Ii naxariiso, Ilaahow, ii naxariiso, Waayo, naftaydu adigay ku magan gashaa, Haah, waxaan magangeli doonaa hooska baalashaada, Ilaa ay belaayooyinkanu gudbayaan.
Unihurumie, Mungu, unihurumie mimi, kwa maana ninakukimbilia wewe mpaka matatizo haya yaishe. Ninakaa chini ya mbawa za zako kwa ajili ya ulinzi mpaka huu uharibifu utakapoisha.
2 Waxaan u qayshanayaa Ilaaha ugu sarreeya, Oo ah Ilaaha wax kasta ii sameeya.
Nitakulilia Mungu uliye hai, kwa Mungu, afanyaye mambo yote kwa ajili yangu.
3 Isagu samaduu caawimaad ka soo diri doonaa, wuuna i badbaadin doonaa, Markuu kan i liqi lahaa i caayo, (Selaah) Ilaah wuxuu soo diri doonaa naxariistiisa iyo runtiisa.
Yeye atatuma msaada kutoka mbinguni na kuniokoa, ana hasira na wale wanaonishambulia. (Selah) Mungu atanitumia upendo wake mwema na uaminifu wake.
4 Naftaydu waxay ku dhex jirtaa libaaxyo, Oo anigu waxaan dhex jiifaa kuwo dab lagu shiday, Kuwaasoo ah binu-aadmiga oo ilkahoodu yihiin warmo iyo fallaadho, Oo carrabkooduna yahay seef af badan.
Uhai wangu uko katikati ya simba; niko katikati ya wale walio tayari kunila. Niko katikati ya watu ambao meno yao ni mikuki na mishale, na ambao ndimi zao ni kali kama upanga.
5 Ilaahow, samooyinka ka sara mar, Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso.
Uinuliwe, Mungu, juu ya mbingu, utukufu wako uwe juu ya nchi yote.
6 Dabin bay cagahayga u diyaariyeen, Oo naftaydii baa foororsatay, Oo waxay hortayda ka qodeen god, Oo iyaga qudhoodii baa ku dhex dhacay. (Selaah)
Wao walisambaza nje wavu kwa ajili ya miguu yangu; nilikuwa na shida sana. Walichimba shimo mbele yangu. Wao wenyewe wameangukia katikati ya shimo! (Selah)
7 Qalbigaa ii fadhiya, Ilaahow, qalbigaa ii fadhiya, Haddaba waan gabyi doonaa, haah, ammaan baan ku gabyi doonaa.
Moyo wangu umeponywa, Mungu, moyo wangu umeponywa, nitaimba, ndiyo, nitaimba sifa.
8 Naftaydoy, toos, shareerad iyo kataaradoy, toosa, Aniga qudhayduna waxaan toosi doonaa aroor hore.
Inuka, moyo wa thamani; inuka, kinanda na kinubi; nitaamka alfajiri.
9 Sayidow, dadyowga dhexdooda ayaan kaaga mahadnaqi doonaa, Oo quruumaha dhexdooda ayaan ammaan kuugu gabyi doonaa.
Nitakushukuru wewe, Bwana, kati ya watu; Kati ya mataifa nitakuimbia sifa.
10 Waayo, naxariistaadu waa weyn tahay oo waxay gaadhaa samooyinka, Oo runtaaduna waxay gaadhaa daruuraha.
Maana upendo wako usiokwisha, huzifikia mbingu; na uaminifu wako mawinguni.
11 Ilaahow, samooyinka ka sara mar, Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso.
Uinuliwe, Mungu, juu ya mbingu; na utukufu wako uinuliwe juu ya nchi yote.