< Sabuurradii 54 >

1 Ilaahow, magacaaga igu badbaadi, Oo xooggaaga iigu garsoor.
TO THE OVERSEER. WITH STRINGED INSTRUMENTS. AN INSTRUCTION OF DAVID, IN THE COMING IN OF THE ZIPHIM, AND THEY SAY TO SAUL, “IS DAVID NOT HIDING HIMSELF WITH US?” O God, save me by Your Name, and judge me by Your might.
2 Ilaahow, baryadayda maqal, Oo erayada afkayga dhegta u dhig,
O God, hear my prayer, Give ear to the sayings of my mouth,
3 Waayo, shisheeyayaal baa igu kacay, Oo rag dulmi badan ayaa doonayay inay nafta iga qaadaan, Iyagu Ilaah kama fikirin. (Selaah)
For strangers have risen up against me And terrible ones have sought my soul, They have not set God before them. (Selah)
4 Bal eega, Ilaah waa gargaarahayga, Oo Sayidkuna wuxuu la jiraa kuwa naftayda tiiriya.
Behold, God [is] a helper to me, The Lord [is] with those supporting my soul,
5 Isagu sharka wuxuu ku celin doonaa cadaawayaashayda, Iyaga runtaada ku baabbi'i.
Turn back the evil to my enemies, Cut them off in Your truth.
6 Waxaan kuu qali doonaa qurbaan ikhtiyaar ah, Rabbiyow, magacaaga waan ku mahadnaqi doonaa, waayo wuu wanaagsan yahay.
I sacrifice to You with a free-will offering, I thank Your Name, O YHWH, for [it is] good,
7 Waayo, isagu wuxuu iga samatabbixiyey dhibaato oo dhan, Oo ishayduna waxay cadaawayaashayda ku aragtay wixii aan doonayay.
For He delivered me from all adversity, And my eye has looked on my enemies!

< Sabuurradii 54 >