< Sabuurradii 52 >

1 Ninka xoogga badanow, bal maxaad xumaanta ugu faanaysaa? Naxariista Ilaah had iyo goorba way sii waartaa.
Zakaj se bahaš z vragolijo, oh mogočen človek? Božja dobrota vztraja nenehno.
2 Carrabkaagu wuxuu hindisaa xumaato weyn, Oo sida mandiil afaysan ayuu ka shaqeeyaa khiyaano.
Tvoj jezik snuje vragolije, kakor ostra britev, ki dela varljivo.
3 Wanaagga waxaad ka jeceshahay xumaanta, Oo inaad xaqnimo ku hadashidna waxaad ka jeceshahay beensheegidda. (Selaah)
Bolj ljubiš zlo kakor dobro in laganje bolj kakor govoriti pravičnost. (Sela)
4 Waxaad jeceshahay erayada wax baabbi'iya oo dhan, Iyo carrab khiyaano miidhan ah.
Ljubiš vse lakomne besede, oh ti varljiv jezik.
5 Ilaahna sidaas oo kaluu kuu halligi doonaa weligaaba, Oo isna kor buu kuu qaadi doonaa, oo wuxuu kaa bixin doonaa teendhadaada, Oo wuxuu kaa saari doonaa kuwa nool dalkooda. (Selaah)
Bog te bo prav tako uničil za vedno, odvedel te bo stran in izpulil iz tvojega prebivališča in izkoreninil iz dežele živih. (Sela)
6 Kuwa xaqa ahuna way arki doonaan, oo way cabsan doonaan, Wayna ku qosli doonaan, oo waxay odhan doonaan,
Tudi pravični bodo videli in se bali ter se mu posmehovali:
7 Waa kan ninkii aan Ilaah xooggiisa ka dhiganu, Laakiinse wuxuu isku halleeyey hodantinimadiisa badan, Oo wuxuu ku xoogaystay xumaatadiisii.
»Glej! To je človek, ki ni storil Boga [za] svojo moč, temveč je zaupal v obilje svojega bogastva in se okrepil v svoji zlobnosti.«
8 Laakiinse anigu waxaan la mid ahay sida geed qoyan oo saytuun ah, oo guriga Ilaah ku dhex yaal, Anigu weligay iyo weligayba waxaan isku hallaynayaa naxariista Ilaah.
Toda jaz sem podoben zeleni oljki v Božji hiši. V Božje usmiljenje zaupam na veke vekov.
9 Weligayba waan kugu mahadnaqayaa, maxaa yeelay, adigu waad samaysay, Oo magacaaga ayaan wax ku rajaynayaa, waayo, wuu ku wanaagsan yahay quduusiintaada hortooda.
Hvalil te bom na veke, ker si ti to storil in čakal bom na tvoje ime, kajti to je dobro pred tvojimi svetimi.

< Sabuurradii 52 >