< Sabuurradii 51 >

1 Ilaahow, iigu naxariiso sida raxmaddaadu tahay, Oo xadgudubyadaydana igaga tirtir sida naxariistaada badnaanteedu tahay.
大衛與拔示巴同室以後,先知拿單來見他;他作這詩,交與伶長。 上帝啊,求你按你的慈愛憐恤我! 按你豐盛的慈悲塗抹我的過犯!
2 Xumaantayda iga wada maydh, Oo iga nadiifi dembigayga.
求你將我的罪孽洗除淨盡, 並潔除我的罪!
3 Waayo, anigu waan ogahay xadgudubyadayda, Oo dembigayguna hortayduu yaallaa had iyo goorba.
因為,我知道我的過犯; 我的罪常在我面前。
4 Adiga keliya ayaan kugu dembaabay, Oo waxaan sameeyey wax hortaada ku xun, Inaad xaq ahaatid markaad hadashid, Oo aad daahir ahaatid markaad wax xukunto.
我向你犯罪,惟獨得罪了你; 在你眼前行了這惡, 以致你責備我的時候顯為公義, 判斷我的時候顯為清正。
5 Bal eeg, aniga waxaa laygu qabanqaabiyey xumaan, Oo waxaa hooyaday igu uuraysatay dembi.
我是在罪孽裏生的, 在我母親懷胎的時候就有了罪。
6 Bal eeg, waxaad uurka ka jeceshahay run, Oo meesha qarsoon waxaad iga ogeysiinaysaa xigmad.
你所喜愛的是內裏誠實; 你在我隱密處,必使我得智慧。
7 Haddaba geed husob ah igu daahiri, oo anna nadiif baan ahaan doonaa, I maydh, oo anna baraf cad waan ka sii caddaan doonaa.
求你用牛膝草潔淨我,我就乾淨; 求你洗滌我,我就比雪更白。
8 I maqashii farxad iyo rayrayn, Inay lafihii aad jejebisay farxaan.
求你使我得聽歡喜快樂的聲音, 使你所壓傷的骨頭可以踴躍。
9 Wejigaaga ka qari dembiyadayda, Oo iga tirtir xumaatooyinkayga oo dhan.
求你掩面不看我的罪, 塗抹我一切的罪孽。
10 Ilaahow, igu dhex abuur qalbi nadiif ah, Oo igu dhex cusboonaysii ruux qumman.
上帝啊,求你為我造清潔的心, 使我裏面重新有正直的靈。
11 Hortaada ha iga xoorin, Oo Ruuxaaga quduuska ah ha iga qaadin.
不要丟棄我,使我離開你的面; 不要從我收回你的聖靈。
12 Farxaddii badbaadintaada ii soo celi, Oo ruux raalli ah igu tiiri.
求你使我仍得救恩之樂, 賜我樂意的靈扶持我,
13 Oo markaas kuwa xadgudba jidkaagaan bari doonaa, Oo dembilayaashuna adigay kuu soo noqon doonaan.
我就把你的道指教有過犯的人, 罪人必歸順你。
14 Ilaahow, Ilaaha badbaadadaydow, dhiiggelidda iga samatabbixi, Markaasaa carrabkaygu wuxuu aad uga gabyi doonaa xaqnimadaada.
上帝啊,你是拯救我的上帝; 求你救我脫離流人血的罪! 我的舌頭就高聲歌唱你的公義。
15 Sayidow, bushimahayga fur, Oo afkaygu wuxuu ku hadli doonaa ammaantaada.
主啊,求你使我嘴唇張開, 我的口便傳揚讚美你的話!
16 Waayo, adigu kuma faraxdid allabari, haddii kalese waan bixin lahaa, Qurbaan gubanna kuma cajebiyo.
你本不喜愛祭物,若喜愛,我就獻上; 燔祭,你也不喜悅。
17 Allabaryada Ilaah waa ruux is-hoosaysiintiisa, Ilaahow, adigu quudhsan maysid qalbi hoosaysan oo qoomamaysan.
上帝所要的祭就是憂傷的靈; 上帝啊,憂傷痛悔的心,你必不輕看。
18 Siyoon wanaag ugu samee sidaad doonayso, Oo Yeruusaalem derbiyadeedana dhis.
求你隨你的美意善待錫安, 建造耶路撒冷的城牆。
19 Oo markaas adigu waxaad ku farxi doontaa allabaryada xaqnimada iyo qurbaan guban, iyo allabari wada guban dhammaantiis, Oo markaasay dibiyo ku dul bixin doonaan meeshaada allabariga.
那時,你必喜愛公義的祭 和燔祭並全牲的燔祭; 那時,人必將公牛獻在你壇上。

< Sabuurradii 51 >