< Sabuurradii 5 >
1 Rabbiyow, bal hadalladayda dhegta u dhig, Oo ka fiirso fikirradayda.
О наследствующем, Псалом Давиду. Глаголы моя внуши, Господи, разумей звание мое.
2 Boqorkayga iyo Ilaahaygow, bal maqal codka baryadayda, Waayo, adigaan kuu tukanayaa.
Вонми гласу моления моего, Царю мой и Боже мой: яко к Тебе помолюся, Господи.
3 Rabbiyow, codkayga aroorta baad maqli doontaa, Oo aroorta ayaan tukashadayda kugu soo hagaajin doonaa, oo waan soo jeedi doonaa.
Заутра услыши глас мой: заутра предстану Ти, и узриши мя:
4 Waayo, adigu ma ihid Ilaah xumaanta ku farxa, Oo shar adiga kula jiri maayo.
яко Бог не хотяй беззакония Ты еси: не приселится к Тебе лукавнуяй,
5 Kan ismadax-weyneeya hortaada soo istaagi maayo, Oo waxaad neceb tahay xumaanfalayaasha oo dhan.
ниже пребудут беззаконницы пред очима Твоима: возненавидел еси вся делающыя беззаконие,
6 Waad wada baabbi'in doontaa kuwa beenta ku hadla, Rabbigu aad buu u karhaa kan dhiigyacabka ah iyo khaa'inkaba.
погубиши вся глаголющыя лжу: мужа кровей и льстива гнушается Господь.
7 Laakiinse anigu kalgacaylkaaga badan ayaan gurigaaga ku soo gelayaa, Oo anigoo kaa cabsanaya ayaan xagga macbudkaaga quduuska ah u soo tukan doonaa.
Аз же множеством милости Твоея вниду в дом Твой, поклонюся ко храму святому Твоему, в страсе Твоем.
8 Rabbiyow, cadaawayaashayda daraaddood xaqnimadaada igu hoggaami, Oo jidkaaga hortayda ku toosi.
Господи, настави мя правдою Твоею, враг моих ради исправи пред Тобою путь мой.
9 Waayo, afkooda daacadnimo kuma jirto, Oo uurkooda hoosena waa xumaan miidhan, Hungurigooduna waa qabri af bannaan, Oo carrabkooduna waa sasabasho miidhan.
Яко несть во устех их истины, сердце их суетно, гроб отверст гортань их, языки своими льщаху.
10 Ilaahow, iyaga kuwo eed leh ku tiri, Oo iyagu taladooda ha ku baabbe'een, Oo xadgudubkooda batay daraaddiis u tuur iyaga, Waayo, way kugu caasiyoobeen.
Суди им, Боже, да отпадут от мыслей своих: по множеству нечестия их изрини я, яко преогорчиша Тя, Господи.
11 Laakiinse kuwa adiga isku kaa halleeya oo dhammu ha reyreeyeen, Oo farxad ha ku qayliyeen weligoodba, maxaa yeelay, adigaa daafaca iyaga, Kuwa magacaaga jeceluna adiga ha kugu farxeen.
И да возвеселятся вси уповающии на Тя, во век возрадуются, и вселишися в них: и похвалятся о Тебе любящии имя Твое.
12 Waayo, Rabbiyow, kii xaq ah waad barakayn doontaa, Oo waxaad hareerihiisa ku wareejinaysaa raallinimo sidii gaashaan oo kale.
Яко Ты благословиши праведника, Господи, яко оружием благоволения венчал еси нас.