< Sabuurradii 49 >

1 Dadyowga oo dhammow, bal tan maqla, Dunida kuwiinna degganow, kulligiin dhegta u dhiga,
Zborovođi. Sinova Korahovih. Psalam. Poslušajte ovo, svi narodi, čujte, svi stanovnici zemlje,
2 Kuwiinna hoose iyo kuwiinna sare, Taajirrada iyo masaakiintoy, dhammaantiin wada maqla.
vi, djeco puka, i vi, odličnici, bogati i siromašni zajedno!
3 Afkaygu wuxuu ku hadli doonaa xigmad, Qalbigayguna wuxuu ka fikiri doonaa waxgarasho.
Moja će usta zboriti mudrost, i moje srce misli razumne.
4 Dhegtayda waxaan u dhigi doonaa masaal, Xujadaydana waxaan ku muujin doonaa kataaradda.
K poučnoj izreci priklonit ću uho, uz harfu ću izložit' svoju zagonetku.
5 Haddaba bal maxaan u cabsanayaa wakhtiga shar jiro, Markii xumaanu cedhbahayga ku wareegsanto?
Što da se bojim u danima nesreće kad me opkoli zloba izdajica
6 Kuwa maalkooda isku halleeya, Oo ku faana hodantinimadooda faraha badan,
koji se u blago svoje uzdaju i silnim se hvale bogatstvom?
7 Midkoodna walaalkiis ma furan karo, Daraaddiisna Ilaah madaxfurasho uma siin karo,
TÓa nitko sebe ne može otkupit' ni za se dati Bogu otkupninu:
8 (Waayo, furashada naftoodu waa qaali aad iyo aad, Kumana filna weligeedba, )
životu je cijena previsoka, i nikada je neće platiti
9 Inuu isagu weligiis sii noolaado, Oo aanu halligaad arkin weligiis.
tko želi živjeti dovijeka i ne vidjeti jamu grobnu.
10 Waayo, isagu wuxuu arkaa inay dadka xigmadda lahu wada dhintaan, Iyo in nacasyada iyo doqonnaduba ay wada baabba'aan, Oo ay maalkooda kuwa kale uga tagaan.
Jer, i mudri umiru, pogiba i luđak i bezumnik: bogatstvo svoje ostavlja drugima.
11 Waxay ismoodsiiyaan inay guryahoodu weligoodba sii jirayaan, Iyo in meelaha rugtooda ahu ay sii raagayaan tan iyo qarniyada oo dhan, Oo dhulalkoodana way isku magacaabaan.
Grobovi im kuće zasvagda, stanovi njihovi od koljena do koljena, sve ako se zemlje nazivale imenima njihovim.
12 Laakiinse binu-aadmigu sharaf kuma waaro, Wuxuu la mid yahay sida xayawaanka iska baabba'a.
Čovjek koji nerazumno živi sličan je stoci koja ugiba.
13 Jidkoodanu waa kalsoonidooda nacasnimada ah, Laakiinse dadka iyaga ka dambeeya ayaa hadalkoodii u boga. (Selaah)
Takav je put onih koji se ludo uzdaju, to je konac onih koji uživaju u sreći:
14 Iyagu waxaa weeye adhi She'ool loo wado, Oo waxaa sida adhijir u ahaan doona dhimasho, Oo kuwa qumman ayaa iyaga subaxda u talin doona, Oo quruxdoodana waxaa baabbi'in doona She'ool, inaanay iyagu rug yeelan innaba. (Sheol h7585)
Poput stada redaju se u Podzemlju, smrt im je pastir, a dobri njima vladaju. Njihova će lika brzo nestati, Podzemlje će im biti postojbina. (Sheol h7585)
15 Laakiinse Ilaah naftayda wuu ka soo furan doonaa xoogga She'ool, Waayo, wuu i aqbali doonaa. (Selaah) (Sheol h7585)
A moju će dušu Bog ugrabiti Podzemlju iz pandža i milostivo me primiti. (Sheol h7585)
16 Ha baqin markii mid taajiroobo, Oo ammaanta reerkiisu aad u korodho,
Ne boj se ako se tko obogati i ako se poveća blago doma njegova:
17 Waayo, isagu markuu dhinto waxba sii qaadan maayo, Oo ammaantiisuna ka daba geli mayso.
kad umre, ništa neće ponijeti sa sobom, i blago njegovo neće s njime sići.
18 In kastoo uu naftiisa u duceeyey markuu noolaa, Oo dad adiga ku ammaana, kolkaad wax wanaagsan isu samaysid,
Ako se u životu držao sretnim - “Govorit će se da ti je dobro bilo!” -
19 Isagu wuxuu u tegi doonaa qarniyadii awowayaashiis, Oo iyana weligood iftiinka ma ay arki doonaan.
i on će doći u skup otaca svojih, gdje svjetlosti više vidjeti neće.
20 Ninkii sharaf leh oo aan garaad lahaynu Wuxuu la mid yahay sida xayawaanka iska baabba'a.
Čovjek koji nerazumno živi sličan je stoci koja ugiba.

< Sabuurradii 49 >