< Sabuurradii 48 >
1 Rabbigu waa weyn yahay, waana in aad loogu ammaanaa Ilaaheenna magaaladiisa, iyo buurtiisa quduuska ah.
Yahwe ndiye aliye mkuu na mwenyekusifiwa sana, katika mji wa Mungu wetu kwenye mlima wake mtakatifu.
2 Waxaa dhererka ku quruxsan, oo farxad u ah dunida oo dhan Buur Siyoon oo dhanka woqooyi ah, Meeshaas oo ah magaalada Boqorka weyn.
Ni mzuri katika mwinuko wake, furaha ya nchi yote, ni mlima Sayuni, kwenye upande wa kaskazini, mji wa Mfalme mkuu.
3 Ilaah wuxuu daaraheeda dhaadheer isku muujiyey inuu magangal yahay.
Mungu amejifunua mwenyewe katika jumba lake la kifahari kama kimbilio la usalama.
4 Waayo, bal eeg, boqorradii way iswada urursadeen, Dhammaantood way wada dhaafeen.
Maana, tazama, wafalme walikusanyika wenyewe; wote pamoja walipita.
5 Oo kolkay arkeen ayay yaabeen, Oo argaggexeen, markaasay haddiiba carareen.
Nao waliuona, wakashangaa; walifadhaika, na wakaharakisha kuondoka.
6 Iyagii halkaasay ku gariireen, Wayna ku xanuunsadeen sida naag foolanaysa.
Pale pale tetemeko liliwashikilia, maumivu makali kama mwanamke anaye zaa.
7 Doonniyaha Tarshiish waxaad ku jejebisaa Dabaysha bari.
Kwa upepo wa mashariki wewe huivunja meli ya Tarshishi.
8 Annagu sidaan maqalnay, ayaan ku dhex aragnay Magaalada Rabbiga ciidammada, taasoo ah magaalada Ilaaheenna, Ilaah ayaa weligeedba adkayn doona. (Selaah)
Kama tulivyo sikia, vivyo hivyo tumeona katika mji wa Yahwe wa majeshi, katika mji wa Mungu wetu; Mungu atautunza milele. (Selah)
9 Ilaahow, raxmaddaada ayaan ka fikirnay Markaan macbudkaaga ku jirnay.
Tumeutafakari uaminifu wa agano lako, Mungu, katikati ya hekalu lako.
10 Ilaahow, sida magacaagu yahay Ayaa ammaantaaduna ku tahay dhulka darafyadiisa oo dhan, Gacantaada midigna waxaa ka buuxda xaqnimo.
Kama lilivyo jina lako, Mungu, hivyo ndivyo zilivyo sifa zako mpaka miisho ya dunia; mkono wako wa kuume umejaa haki.
11 Buur Siyoon ha faraxdo, Oo gabdhaha reer Yahuudah ha ku reyreeyeen xukummadaada daraaddood.
Milma Sayuni na ufurahi, nao wana wa Yuda washangilie kwa sababu ya amri ya haki yako.
12 Siyoon hareeraheeda socda, oo ku soo wareega, Oo munaaradaheeda tiriya.
Tembeeni katika Mlima Sayuni, muuzungukie mji,
13 Bal aad ugu fiirsada qalcadaheeda, Oo ka fikira daaraheeda dhaadheer, Si aad ugu sheekaysaan farcanka soo socda.
mzitazame kwa makini nguzo zake, na mtazame majumba yake ya kifahari ili kwamba muweze kuwasimulia kizazi kijacho.
14 Waayo, weligiis iyo weligiisba Ilaahan ayaa Ilaah inoo ah, Oo isagaa hoggaamiye inoo ahaan doona xataa tan iyo dhimashada.
Kwa kuwa huyu Mungu ni Mungu wetu milele na milele; naye atakuwa kiongozi wetu mpaka kufa.