< Sabuurradii 46 >

1 Ilaah waa magangalkeenna iyo xooggeenna, Oo waa caawimaad inoo diyaar ah wakhtiga dhibaatada.
Don mai bi da kaɗe-kaɗe. Ta’Ya’yan Kora maza. Bisa ga alamot Waƙa ce. Allah ne mafakarmu da ƙarfinmu, kullum yana a shirye yă taimaka a lokacin wahala.
2 Sidaas daraaddeed cabsan mayno in kastoo dhulku beddelmo, Iyo in kastoo buurahu badda uurkeeda ku dhex dhaqaaqaan,
Saboda haka ba za mu ji tsoro ba, ko da ƙasa ta girgiza duwatsu kuma suka fāɗi cikin zurfin teku,
3 Iyo in kastoo biyaheedu guuxaan oo qasmaan, Iyo in kastoo ay buurahu kibirkooda la ruxruxmaan. (Selaah)
ko da ruwansa suna ruri suna kumfa duwatsu kuma suna girgiza da tumbatsansu. (Sela)
4 Waxaa jira webi durdurradiisu ay ka farxiyaan magaalada Ilaah, Taasoo ah meesha quduuska ah ee Ilaaha ugu sarreeya taambuugyadiisa.
Akwai kogi mai rafuffukan da suke sa birnin Allah murna, tsattsarkan wuri inda Mafi Ɗaukaka ke zama.
5 Ilaah baa iyada ku dhex jira, mana ay dhaqaaqi doonto, Oo Ilaah baa iyada ku caawin doona marka waagu beryo.
Allah yana cikinta, ba za tă fāɗi ba; Allah zai taimake ta da safe.
6 Quruumihii way cabaadeen, oo boqortooyooyinkiina way dhaqdhaqaaqeen, Codkiisii buu ku hadlay, oo dhulkii baa dhalaalay.
Al’ummai suna hayaniya, mulkoki sun fāɗi; ya ɗaga muryarsa, duniya ta narke.
7 Rabbiga ciidammadu waa inala jiraa, Oo Ilaaha Yacquub baa magangalkeenna ah. (Selaah)
Ubangiji Maɗaukaki yana tare da mu; Allah na Yaƙub ne kagararmu. (Sela)
8 Bal kaalaya arka shuqullada Rabbiga, Iyo halaagga uu ku sameeyey dhulka.
Zo ku ga ayyukan Ubangiji, kangon da ya kawo a kan duniya.
9 Dagaallada wuu ku joojiyaa tan iyo dunida meesha ugu dambaysa, Qaansada wuu jebiyaa, oo warankana wuu jaraa, Oo gaadhifardoodkana dab buu ku gubaa.
Ya sa yaƙoƙi suka yi tsit ko’ina a duniya. Ya kakkarya bakkuna ya kuma ragargaza māsu, ya ƙone garkuwoyi da wuta.
10 Iska daaya oo ogaada inaan anigu Ilaah ahay, Waa laygu sarraysiin doonaa quruumaha dhexdooda, dhulkana waa laygu sarraysiin doonaa.
“Ku natsu ku kuma san cewa ni ne Allah; za a ɗaukaka ni a cikin al’ummai, za a ɗaukaka ni cikin duniya.”
11 Rabbiga ciidammadu waa inala jiraa, Oo Ilaaha Yacquub baa magangalkeenna ah. (Selaah)
Ubangiji Maɗaukaki yana tare da mu; Allah na Yaƙub ne kagararmu. (Sela)

< Sabuurradii 46 >