< Sabuurradii 44 >

1 Ilaahow, dhegahayagaannu ku maqallay, oo waxaa noo sheegay awowayaashayo Shuqulkii aad samaysay wakhtigoodii oo ahaa waa hore.
Mungu, tumesikia kwa masikio yetu, baba zetu wametuambia kazi uliyofanya katika siku zao, siku za kale.
2 Quruumihii gacantaadaad ku eriday, oo meeshoodii awowayaashayo baad ku beertay, Dadyowgii waad dhibtay, oo dibaddaad ku kala firdhisay.
Uliwafukuza mataifa kwa mkono wako, lakini ukawafanya watu wetu kuishi humo; wewe uliwataabisha mataifa, lakini ukawaeneza watu wetu katika nchi.
3 Waayo, iyagu dalka kuma hantiyin seeftooda, Oo cududdooduna ma ay badbaadin, Laakiinse midigtaada iyo cududdaada iyo nuurka wejigaaga ayaa badbaadshay iyaga, Maxaa yeelay, raalli baad ka ahayd.
Kwa maana hawakupata umiliki wa nchi kwa upanga wao, wala mkono wao wenyewe haukuwaokoa; bali mkono wako wakuume, mkono wako, na nuru ya uso wako, na kwa sababu uliwaridhia.
4 Ilaahow, waxaad tahay boqorkayga, Haddaba reer Yacquub samatabbixin u amar.
Mungu, wewe ni Mfalme wangu, amuru ushindi kwa ajili ya Yakobo.
5 Adiga daraaddaa ayaannu cadaawayaashayada hoos ugu riixaynaa, Oo magacaaga daraaddiis ayaan kula tumanaynaa kuwa nagu kaca.
Kwa uweza wako tutawaangusha chini maadui zetu; kwa jina lako tutatembea juu yao, wale wanao inuka dhidi yetu.
6 Waayo, qaansadayda isku hallayn maayo, Oo seeftayduna i badbaadin mayso.
Kwa maana sitauamini upinde wangu, wala upanga wangu hautaniokoa.
7 Laakiinse adigu cadaawayaashayadaad naga badbaadisay, Oo kuwa na necebna waad ceebaysay.
Bali wewe ndeye uliyetuokoa na adui zetu, na umewaaibisha wale watuchukiao.
8 Maalinta oo dhan waxaannu ku faannaa Ilaah, Oo annana weligayo waxaannu ku mahadnaqaynaa magacaaga. (Selaah)
Katika Mungu tumefanywa kujivuna siku zote, nasi tutalishukuru jina lako milele. (Selah)
9 Laakiinse haatan waad na xoortay, oo sharafdarrona waad nagu soo dejisay, Oo weliba ciidammadayadana ma aad hor kacdid.
Lakini sasa umetutupa na kutufedhehesha, na hauendi na majeshi yetu.
10 Waxaa dib nooga celisaa cadowgayaga hortiisa, Oo kuwa na necebuna way na dhacaan.
Umetufanya kuwakimbia maadui zetu; na wale watuchukiao huchukua vitu vyetu vya thamani kwa ajili yao wenyewe.
11 Waxaad naga dhigtay sidii ido la qalayo, Oo waxaad nagu kala firdhisay quruumaha dhexdooda.
Umetufanya kama kondoo aliyeandaliwa kwa ajili ya chakula na umetutawanya kati ya mataifa.
12 Dadkaaga qiimola'aan baad ku iibisaa, Oo maalkaagana kuma aad kordhin qiimahoodii.
Wewe unawauza watu wako bure; kwa kufanya hivyo haukupata faida.
13 Deriskayaga waxaad nooga dhigtaa cay, Oo kuwa hareerahayaga ku wareegsanna waxaad nooga dhigtaa quudhsasho iyo qosol.
Wewe umetufanya kukemewa na majirani zetu, kuchekwa, na kudhihakiwa na wale wanao tuzunguka.
14 Quruumaha dhexdooda waxaad nooga dhigtaa halqabsi, Dadyowga dhexdoodana waxaad nooga dhigtaa kuwa madaxa laga lulo.
Umetufaya kituko kati ya mataifa, .......................................................
15 Maalinta oo dhan sharafdarradaydu way i hor taal, Oo waxaa iga muuqatay ceebtii wejigayga,
Siku zote fedheha yangu iko mbele yangu, na aibu ya uso wangu imenifunika
16 Waayo, sababtu waxaa weeye codka kan i caaya oo i af xumeeya, Iyo cadowga iyo kan iga aarguta daraaddood.
kwa sababu ya sauti yake iliyo kemea na kutukana, kwa sababu ya adui na kisasi.
17 Waxyaalahaas oo dhammu way nagu dhaceen, laakiinse weli kuma aannu illoobin, Axdigaagana khiyaano kuma aannu samayn.
Yote haya yametupata sisi; bado hatukukusahau wewe wala kulikosea agano lako.
18 Qalbigayagu dib uma noqon, Oo tallaabooyinkayaguna jidkaaga kama baydhin,
Mioyo yetu haikukengeuka; hatua zetu hazikuiacha njia yako.
19 Adiguse waxaad si xun noogu jebisay meeshii dawacooyinka, Oo waxaad nagu qarisay hooskii dhimashada.
Bali wewe umetuadhibu vikali katika mahali pa mbweha na kutufunika na uvuli wa mauti.
20 Haddii aannu illownay magicii Ilaahayaga, Ama aannu gacmahayaga u kala bixinnay ilaah qalaad,
Ikiwa tumelisahau jina la Mungu wetu au kueneza mikono yetu kwa Mungu mgeni,
21 Ilaah miyaanu waxaas baadhayn? Waayo, isagu waa wada og yahay qalbiga waxyaalihiisa qarsoon.
Mungu asingeligundua hili? Kwa maana yeye anazijua siri za moyo.
22 Haah, oo adiga daraaddaa ayaa naloo laayaa maalinta oo dhan, Oo waxaannu noqonnaa sida ido la qalayo.
Hakika, kwa ajili ya jina lako tutauawa siku zote; tunahesabiwa kuwa kondoo kwa ajili ya kuchinjwa.
23 Toos, maxaad u huruddaa, Sayidow? Sara joogso, oo ha na xoorin weligaa.
Bwana, amka, kwa nini unalala? Inuka, usitutupe moja kwa moja.
24 Bal maxaad wejiga nooga qarsanaysaa, Oo aad u illoobaysaa dhibaatada iyo dulmiga aan ku dhex jirno?
Kwa nini unaficha uso wako na kusahau mateso yetu na kukandamizwa kwetu?
25 Waayo, naftayadu ciidday ku foororsatay, Oo calooshayaduna dhulkay ku dhegtaa.
Kwa maana tumeyeyushwa kwenye mavumbi; miili yetu imeshikamana na ardhi.
26 Caawimaaddayada daraaddeed u sara joogso, Oo raxmaddaada daraaddeed noo furo.
Inuka utusaidie na utuokoe kwa ajili ya uaminifu wa agano lako.

< Sabuurradii 44 >