< Sabuurradii 38 >
1 Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan, Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin.
大衛的紀念詩。 耶和華啊,求你不要在怒中責備我, 不要在烈怒中懲罰我!
2 Waayo, fallaadhahaagii aad bay ii mudeen, Oo gacantaaduna way igu soo degtay.
因為,你的箭射入我身; 你的手壓住我。
3 Jidhkaygu fayoobaan ma leh, waana xanaaqaaga daraaddiis, Oo lafahayguna caafimaad ma leh, waana dembigayga daraaddiis.
因你的惱怒,我的肉無一完全; 因我的罪過,我的骨頭也不安寧。
4 Waayo, xumaatooyinkaygii waxay ka sare mareen madaxayga, Sida rar culus ayay igu culus yihiin aad iyo aad.
我的罪孽高過我的頭, 如同重擔叫我擔當不起。
5 Nabrahaygu way urayaan, wayna qudhmuun yihiin, Waana nacasnimadayda daraaddeed.
因我的愚昧, 我的傷發臭流膿。
6 Waan xanuunsanayaa, oo aad baan hoos ugu gotay, Oo maalinta oo dhanna oohin baan la wareegaa.
我疼痛,大大拳曲, 終日哀痛。
7 Waayo, dhexdayda waxaa ka buuxa olol, Oo jidhkayguna fayoobaan ma leh.
我滿腰是火; 我的肉無一完全。
8 Waan itaal daranahay, oo aad baan u burbursanahay, Oo waxaan la cabaaday buuqa qalbigayga ku jira.
我被壓傷,身體疲倦; 因心裏不安,我就唉哼。
9 Sayidow, waxaan jeclahay oo dhammu waxay yaalliin hortaada, Oo taahiddayduna kaama qarsoona.
主啊,我的心願都在你面前; 我的歎息不向你隱瞞。
10 Wadnahaa i fig leh, oo xooggaygiina waa i gabay, Oo weliba iftiinkii indhahayguna waa iga tegey.
我心跳動,我力衰微, 連我眼中的光也沒有了。
11 Kuwa i jecel iyo saaxiibbadayba belaayadayda way ka durkaan, Oo xigaaladaydiina meel fog bay istaagaan.
我的良朋密友因我的災病都躲在旁邊站着; 我的親戚本家也遠遠地站立。
12 Oo kuwa naftayda doondoonaana dabinno bay ii dhigaan, Oo kuwa inay wax i yeelaan doonayaana waxay ku hadlaan waxyaalo xun, Oo maalinta oo dhan waxay ku tashadaan khiyaano.
那尋索我命的設下網羅; 那想要害我的口出惡言, 終日思想詭計。
13 Laakiinse anigu waxba kama maqlo sida nin dhega la', Oo waxaan la mid ahay nin carrab la' oo aan afkiisa kala qaadin.
但我如聾子不聽, 像啞巴不開口。
14 Haah, oo waxaan la mid ahay nin aan waxba maqlin, Oo aan afkiisa murammo ku jirin.
我如不聽見的人, 口中沒有回話。
15 Waayo, Rabbiyow, adaan wax kaa rajaynayaa, Oo adna waad ii jawaabi doontaa, Sayidow Ilaahaygiiyow.
耶和華啊,我仰望你! 主-我的上帝啊,你必應允我!
16 Waayo, waxaan idhi, Yaanay igu rayrayn, Oo markii cagtaydu simbiriirixato, yaanay iska kay weynayn.
我曾說:恐怕他們向我誇耀; 我失腳的時候,他們向我誇大。
17 Waayo, waxaan ku dhowahay inaan dhaco, Oo tiiraanyadayduna had iyo goorba way i hor taalaa.
我幾乎跌倒; 我的痛苦常在我面前。
18 Haddaba anigu xumaantayda waan sheegi doonaa, Oo dembigaygana waan ka qoomamoon doonaa.
我要承認我的罪孽; 我要因我的罪憂愁。
19 Laakiinse cadaawayaashaydu waa dadaal badan yihiin, xoogna way leeyihiin, Oo kuwa gardarrada igu necebuna way tarmeen.
但我的仇敵又活潑又強壯, 無理恨我的增多了。
20 Oo weliba kuwa sharka wanaagga ku gudaana Waa cadaawayaashayda, maxaa yeelay, waxaan raacaa waxa wanaagsan.
以惡報善的與我作對, 因我是追求良善。
21 Rabbiyow, ha i dayrin, Ilaahayow, ha iga fogaan.
耶和華啊,求你不要撇棄我! 我的上帝啊,求你不要遠離我!
22 Soo dhaqso oo i caawi, Sayidow, badbaadadaydow.
拯救我的主啊,求你快快幫助我!