< Sabuurradii 34 >

1 Wakhti kasta ayaan Rabbiga ammaani doonaa, Oo had iyo goorba ammaantiisu afkaygay ku jiri doontaa.
לדוד בשנותו את טעמו לפני אבימלך ויגרשהו וילך אברכה את יהוה בכל עת תמיד תהלתו בפי׃
2 Naftaydu waxay ku faani doontaa Rabbiga, Oo waxaa maqli doona kuwa camalka qabow, oo weliba way ku farxi doonaan.
ביהוה תתהלל נפשי ישמעו ענוים וישמחו׃
3 Rabbiga ila weyneeya, Oo aynu magiciisa wada sarraysiinno.
גדלו ליהוה אתי ונרוממה שמו יחדו׃
4 Rabbigaan doondoonay, oo isna wuu ii jawaabay, Oo wuxuu iga samatabbixiyey waxyaalihii aan ka cabsaday oo dhan.
דרשתי את יהוה וענני ומכל מגורותי הצילני׃
5 Iyagu waxay fiiriyeen isaga, oo way iftiimeen, Oo wejigooduna weligood ceeboobi maayo.
הביטו אליו ונהרו ופניהם אל יחפרו׃
6 Ninkan miskiinka ahu wuu qayshaday, oo Rabbiguna wuu maqlay, Oo wuxuu ka badbaadshay dhibaatooyinkiisii oo dhan.
זה עני קרא ויהוה שמע ומכל צרותיו הושיעו׃
7 Malaa'igta Rabbigu waxay hareeraysaa kuwa isaga ka cabsada, Oo weliba way samatabbixisaa.
חנה מלאך יהוה סביב ליראיו ויחלצם׃
8 Bal dhadhamiya oo arka in Rabbigu wanaagsan yahay, Waxaa barakaysan ninkii isaga isku halleeya.
טעמו וראו כי טוב יהוה אשרי הגבר יחסה בו׃
9 Kuwiinna quduusiintiisa ahow; Rabbiga ka cabsada, Waayo, kuwa isaga ka cabsadaa waxba uma baahna.
יראו את יהוה קדשיו כי אין מחסור ליראיו׃
10 Aaranka libaaxa wax baa ka dhimman, wayna gaajoodaan, Laakiinse kuwa Rabbiga doondoonaa wax wanaagsan uma baahnaan doonaan.
כפירים רשו ורעבו ודרשי יהוה לא יחסרו כל טוב׃
11 Carruurtoy, kaalaya oo i dhegaysta, Oo anna waxaan idin bari doonaa Rabbiga ka cabsashadiisa.
לכו בנים שמעו לי יראת יהוה אלמדכם׃
12 Bal waa ayo ninka nolol jecel, Oo cimriga dheer doonayaa, Si uu wanaag u arko?
מי האיש החפץ חיים אהב ימים לראות טוב׃
13 Carrabkaaga shar ka jooji, Bushimahaagana inay khiyaano ku hadlaan ka ilaali.
נצר לשונך מרע ושפתיך מדבר מרמה׃
14 Shar ka leexo, oo wanaag samee, Nabad doondoon, oo raacdayso iyada.
סור מרע ועשה טוב בקש שלום ורדפהו׃
15 Rabbiga indhihiisu waxay fiiriyaan kuwa xaqa ah, Oo dhegihiisuna waxay u furan yihiin baryadooda.
עיני יהוה אל צדיקים ואזניו אל שועתם׃
16 Wejiga Rabbigu waa ka gees kuwa sharka sameeya Inuu iyaga xusuustooda dhulka ka baabbi'iyo.
פני יהוה בעשי רע להכרית מארץ זכרם׃
17 Kuwa xaqa ahu way qayshadeen, oo Rabbigaa maqlay, Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyey dhibaatooyinkoodii oo dhan.
צעקו ויהוה שמע ומכל צרותם הצילם׃
18 Rabbigu waa u dhow yahay kuwa dembigooda ka caloolyaysan, Oo kuwa ruuxoodu qoomamaysan yahayna wuu badbaadiyaa.
קרוב יהוה לנשברי לב ואת דכאי רוח יושיע׃
19 Kan xaqa ah dhibaatooyinkiisu way tiro badan yihiin, Laakiinse Rabbigu waa ka samatabbixiyaa dhammaantoodba.
רבות רעות צדיק ומכלם יצילנו יהוה׃
20 Isagu wuxuu dhawraa lafihiisa oo dhan, Oo middoodna ma jabna.
שמר כל עצמותיו אחת מהנה לא נשברה׃
21 Xumaan baa dili doonta kuwa sharka leh, Oo kuwa neceb kan xaqa ahna waa la eedayn doonaa.
תמותת רשע רעה ושנאי צדיק יאשמו׃
22 Rabbigu nafta addoommadiisa wuu soo furtaa, Oo kuwa isaga isku halleeya, midkoodna lama eedayn doono.
פודה יהוה נפש עבדיו ולא יאשמו כל החסים בו׃

< Sabuurradii 34 >