< Sabuurradii 33 >

1 Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku reyreeya, Waayo, kuwa qumman ammaan baa u habboon.
ただしき者よヱホバによりてよろこべ 讃美はなほきものに適はしきなり
2 Rabbiga ugu mahadnaqa kataarad, Oo isaga ammaan ugu heesa idinkoo ka dhawaajinaya shareerad toban xadhig leh.
琴をもてヱホバに感謝せよ 十絃のことをもてヱホバをほめうたへ
3 Gabay cusub isaga ugu gabya, Oo si farsamo wanaagsan ugaga dhawaajiya cod weyn.
あたらしき歌をヱホバにむかひてうたひ歓喜の聲をあげてたくみに琴をかきならせ
4 Waayo, Rabbiga eraygiisu waa toosan yahay, Oo shuqulkiisa oo dhanna waxaa lagu sameeyey aaminnimo.
ヱホバのことばは直く そのすべて行ひたまふところ眞實なればなり
5 Wuxuu jecel yahay xaqnimo iyo caddaalad, Dhulka waxaa ka buuxda Rabbiga raxmaddiisa.
ヱホバは義と公平とをこのみたまふ その仁慈はあまねく地にみつ
6 Samooyinka waxaa lagu sameeyey Rabbiga eraygiisa, Oo guutooyinkooda oo dhanna waxaa lagu uumay neefta afkiisa.
もろもろの天はヱホバのみことばによりて成り てんの萬軍はヱホバの口の氣によりてつくられたり
7 Isagu biyaha badda intuu isku ururiyo ayuu wuxuu ka dhigaa sidii taallo oo kale, Oo moolalka dhaadheerna wuxuu dhex dhigaa maqsinno.
ヱホバはうみの水をあつめてうづだかくし深淵を庫にをさめたまふ
8 Inta dhulka joogta oo dhammu Rabbiga ha ka cabsadeen, Inta dunida deggan oo dhammu isaga ha ka baqeen.
全地はヱホバをおそれ世にすめるもろもろの人はヱホバをおぢかしこむべし
9 Waayo, isagu wuu hadlay, wayna noqotay, Oo wuu amray, wayna adkaatay.
そはヱホバ言たまへば成り おほせたまへば立るがゆゑなり
10 Rabbigu quruumaha taladooda wuu baabbi'iyaa, Oo dadyowga fikirradoodana wuu buriyaa.
ヱホバはもろもろの國のはかりごとを虚くし もろもろの民のおもひを徒勞にしたまふ
11 Laakiinse Rabbiga taladiisu weligeedba way adkaataa, Oo fikirrada qalbigiisuna waxay adkaadaan tan iyo ka ab ka ab.
ヱホバの謀略はとこしへに立ち そのみこころのおもひは世々にたつ
12 Waxaa barakaysan quruunta Ilaaheedu Rabbiga yahay, Taasoo ah dadka uu isagu u doortay dhaxalkiisa.
ヱホバをおのが神とする國はさいはひなり ヱホバ嗣業にせんとて撰びたまへるその民はさいはひなり
13 Rabbigu samaduu wax ka soo fiiriyaa, Oo wuxuu arkaa binu-aadmiga oo dhan,
ヱホバ天よりうかがひてすべての人の子を見
14 Oo meesha isaga rugta u ah Ayuu wuxuu ka soo fiiriyaa kuwa dhulka deggan oo dhan,
その在すところより地にすむもろもろの人をみたまふ
15 Waa isaga kan qalbiyadooda oo dhan sameeya, Oo shuqulladooda oo dhan u wada fiirsada.
ヱホバはすべてかれらの心をつくり その作ところをことごとく鑒みたまふ
16 Ma jiro boqor ku badbaada ciidan weyn, Ninkii xoog badanuna iskuma samatabbixiyo xoog badan.
王者いくさびと多をもて救をえず勇士ちから大なるをもて助をえざるなり
17 Faras waa waxmatare in badbaado laysugu halleeyo, Oo weliba ninnaba kuma samatabbixiyo xooggiisa badan.
馬はすくひに益なく その大なるちからも人をたすくることなからん
18 Bal eega, Rabbiga ishiisu waxay la jirtaa kuwa isaga ka cabsada, Waana kuwa naxariistiisa rajeeya,
視よヱホバの目はヱホバをおそるるもの並その憐憫をのぞむもののうへにあり
19 Inuu naftooda dhimashada ka samatabbixiyo, Iyo inuu wakhtiga abaartaa sii nooleeyo iyaga.
此はかれらのたましひを死よりすくひ饑饉たるときにも世にながらへしめんがためなり
20 Nafteennu waxay sugtay Rabbiga, Waayo, isagu wuxuu inoo yahay caawimaad iyo gaashaan.
われらのたましひはヱホバを侯望めり ヱホバはわれらの援われらの盾なり
21 Haddaba qalbigeennu isaguu ku rayrayn doonaa, Maxaa yeelay, innagu waxaynu isku halleeynay magiciisa quduuska ah.
われらはきよき名にりたのめり 斯てぞわれらの心はヱホバにありてよろこばん
22 Rabbiyow, naxariistaadu ha noogu soo degto, Sidii aannu kaa rajaynay.
ヱホバよわれら汝をまちのぞめり これに循ひて憐憫をわれらのうへに垂たまへ

< Sabuurradii 33 >