< Sabuurradii 31 >

1 Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyaa, yaanan weligayba ceeboobin, Oo xaqnimadaada igu samatabbixi.
Kwa kiongozi wa muziki. Zaburi ya Daudi. In wewe, Yahwe, nakimbilia usalama; usiniache niaibishwe. Katika haki yako uniokoe.
2 Dhegtaada ii soo dhig, oo dhaqso ii samatabbixi, Dhagax weyn oo xoog leh ii ahow, iyo guri laysku daafaco si aad ii badbaadisid.
Unisikie; uniokoe haraka; uwe mwamba wangu wa usalama, ngome ya kuniokoa.
3 Waayo, waxaad tahay dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda, Haddaba magacaaga daraaddiis ii hoggaami oo ii hanuuni.
Kwa kuwa wewe ni mwamba wangu na ngome yangu; kwa hiyo kwa ajili ya jina lako, uniongoze na unielekeze.
4 Oo iga bixi shabagga dabinka ah oo ay qarsoodiga iigu dhigeen, Waayo, waxaad tahay qalcaddayda.
Unitoe katika mtego ambao wameuficha kwa ajili yangu, kwa kuwa wewe ni usalama wangu.
5 Gacantaada ayaan ruuxayga u dhiibayaa, Waayo, waad i soo furatay, Rabbiyow, Ilaaha runta ahow.
Mikononi mwako naikabidhi roho yangu; nawe utaniokoa, Yahwe, mwenye kuaminika.
6 Waan neceb ahay kuwa hawada beenta ah ka fikira, Laakiinse Rabbigaan isku halleeyaa.
Ninawachukia wale wanaotumikia miungu isiyo na maana, bali ninaamini katika Yahwe.
7 Naxariistaada waan ku farxi doonaa, waanan ku rayrayn doonaa, Waayo, dhibaatadii igu dhacday waad aragtay, Waanad ogayd qaxarka naftaydu ku jirtay,
Nitafurahi na kushangilia katika uaminifu wa agano lako, kwa kuwa uliyaona mateso yangu; wewe uliijua dhiki ya moyo wangu.
8 Oo weliba iguma aad xidhin gacantii cadowga, Oo cagtayda waxaad taagtay meel ballaadhan.
Wewe haujaniweka kwenye mkono wa maadui zangu. Nawe umeiweka miguu yangu mahali pa wazi papana.
9 Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, cidhiidhi baan ku jiraa, Oo murug baan la il go'aa, oo naftayda iyo jidhkayguba way taag darnaadaan.
Uniurumie, Yahwe, kwa maana niko katika dhiki; macho yangu yanafifia kwa huzuni pamoja na moyo wangu na mwili wangu.
10 Waayo, noloshaydu waxay ku dhammaatay caloolxumo, cimrigayguna taahid, Oo dembigayga daraaddiis ayaa xooggaygii ii gabay, lafahaygiina way wada kharribmeen.
Kwa kuwa maisha yangu yamechoshwa kwa huzuni na miaka yangu kwa kuugua kwangu. Nimekuwa dhaifu kwa sababu ya dhambi zangu, na mifupa yangu inachakaa.
11 Cadaawayaashayda oo dhan daraaddood ayaan waxaan noqday mid ceebaysan, Xataa deriskayga aad iyo aad baan ugu hor ceeboobay, oo kuwa i yaqaanna way iga cabsadeen, Oo xataa kuwii dibadda igu arkay way iga carareen.
Kwa sababu ya maadui zangu wote, watu wananibeza; majirani zangu wanaishangaa hali yangu, na wale wanao nifahamu wanashtuka. Wale wanionao mitaani hunikimbia.
12 Sida qof dhintay oo laga samray ayaa layska kay illoobay, Oo waxaan ahay sida weel jabay.
Nimesahaulika kama mtu aliye kufa ambaye hakuna mtu anaye mfikiria. Niko kama chungu kilicho pasuka.
13 Waayo, waxaan maqlay kuwo badan oo caytamaya, Iyo cabsi dhan kasta igaga wareegsan, Oo intay ii wada tashadeen, Ayay waxay ku arrinsadeen inay nafta iga qaadaan.
Kwa maana nimesikia minong'ono ya wengi, habari za kutisha kutoka pande zote kwa pamoja wamepanga njama kinyume na mimi. Wao wanapanga njama ya kuniua.
14 Laakiinse Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyey, Oo waxaan idhi, Waxaad tahay Ilaahay.
Bali mimi ninakuamini wewe, Yahwe; Ninasema, “Wewe ni Mungu wangu.”
15 Wakhtigaygu gacantaaduu ku jiraa, Haddaba iga samatabbixi gacanta cadaawayaashayda, iyo weliba kuwa i silciya gacantooda.
Hatima yangu iko mikononi mwako. Uniokoe mikononi mwa maadui zangu na wale wanao nifukuzia.
16 Wejigaaga anoo addoonkaaga ah igu iftiimi, Oo igu badbaadi raxmaddaada.
Nuru ya uso wako imuangazie mtumishi wako; uniokoe katika uaminifu wa agano lako.
17 Rabbiyow, yaanan ceeboobin, waayo, adigaan kuu qayshaday, Kuwa sharka lahu ha ceeboobeen, oo She'ool ha ku dhex aamuseen. (Sheol h7585)
Usiniache niaibishwe, Yahwe; kwa maana ninakuita wewe! Waovu waaibishwe! Na wanyamaze kimya kuzimuni. (Sheol h7585)
18 Ha carrab beeleen kuwa beenta sheegaa, Oo kan xaqa ah si qallafsan wax uga sheega, Iyagoo kibir iyo quudhsasho leh.
Na inyamazishwe midomo midanganyifu ambayo husema maneno mabaya kuhusu watu wenye haki huku wakiwa na kiburi na dharau.
19 Wanaaggaagu weynaan badanaa, kan aad u kaydisay kuwa kaa cabsada, Oo weliba aad binu-aadmiga hortiisa ugu diyaarisay kuwa isku kaa halleeya.
Uzuri wako ni wa namna gani nao umeuhifadhii kwa ajili ya wale wanao kuheshimu sana, ambao wewe huufanya kwa ajili ya wale ambao hukimbilia kwako kwa ajili ya usalama mbele ya watoto wote wa wanadamu!
20 Dadka sirqoolladiisa waxaad iyaga kaga qarinaysaa joogistaada qarsoon, Oo carrabka dirirtiisana waxaad iyaga kaga qarinaysaa taambuug.
Katika makao ya uwepo wako, wewe huwaficha mbali na njama za watu. Wewe huwaficha mahali salama na ndimi zenye vurugu.
21 Mahad waxaa leh Rabbiga, Waayo, wuxuu raxmaddiisa yaabka leh igu tusay magaalo xoog weyn.
Atukuzwe Yahwe, kwa maana yeye alinionesha maajabu ya uaminifu wa agano lake mahali nilipoishi.
22 Laakiinse anigu waxaan degdeg ku idhi, Indhahaaga hortooda waan ka go'ay, Habase yeeshee, codkii baryootankayga waad maqashay markii aan kuu qayshaday.
Ingawa kwa haraka zangu nilisema, “Nimeondolewa machoni pako,” bali wewe ulisikia kusihi kwangu nilipokulilia wewe.
23 Quduusiintiisa oo dhammay, Rabbiga jeclaada, Rabbigu wuu ilaaliyaa kuwa aaminka ah, Kan waxa kibirka ah falase aad iyo aad buu u abaalmariyaa.
Enyi wafuasi waaminifu, mpendeni Yahwe, Yahwe huwalinda waaminifu, lakini huwalipa wakaidi ipasavyo.
24 Kuwiinna Rabbiga wax ka rajaynaya oo dhammow, Adkaysta, oo qalbigiinnu ha dhiirranaado.
Iweni imara na jasiri, ninyi nyote mnao mwamini Mungu kuwasaidia.

< Sabuurradii 31 >