< Sabuurradii 27 >

1 Rabbigu waa nuurkayga iyo badbaadadayda, bal yaan ka cabsadaa? Oo Rabbigu waa xoogga noloshayda, bal yaan ka baqaa?
Yahwe ni nuru yangu na wokovu wangu; nimuogope nani? Yahwe ni salama ya maisha yangu; ni mhofu nani?
2 Markii xumaanfalayaashu iigu yimaadeen inay hilibkayga cunaan, Kuwaasoo ah cadaawayaashayda iyo colkayga, way turunturoodeen, wayna dheceen.
Wakati waovu waliponijia kunila mwili wangu, wapinzani wangu na adui zangu walijikwaa na wakaanguka.
3 In kastoo ciidan col ah i ag dego, Qalbigaygu cabsan maayo, In kastoo dagaal igu soo kaco, Xataa markaas waan kalsoonaanayaa.
Ingawa jeshi hujipanga kupigana na mimi, moyo wangu hautaogopa; japo vita vijapo inuka kupigana nami hata hapo nitabaki kuwa jasiri.
4 Wax keliya ayaan Rabbiga ka baryay, oo taas aad baan u doonayaa, Waana inaan cimrigayga oo dhan dhex degganaado guriga Rabbiga, Oo aan fiiriyo Rabbiga quruxdiisa, oo aan wax ku baryo macbudkiisa.
Kitu kimoja nimekiomba kwa Yahwe, nami nitakitafuta hicho: kwamba niweze kukaa katika nyumba ya Yahwe siku zote za maisha yangu, kuutazama uzuri wa Yahwe na kutafakari hekaruni mwake.
5 Waayo, isagu maalinta dhibta wuxuu igu qarin doonaa teendhadiisa, Oo meesha qarsoon oo taambuuggiisa ayuu igu xasayn doonaa, Kor buu ii qaadi doonaa oo dhagax weyn buu i saari doonaa.
Kwa kuwa katika siku ya shida atanificha nyumbani mwake; atanificha katika mfuniko wa hema lake. Yeye ataniinua juu ya mwamba!
6 Imminka waxaa madaxayga laga sarraysiin doonaa cadaawayaashayda igu wareegsan, Oo waxaan taambuugga Rabbiga ku dhex bixin doonaa allabari dhawaaq farxadeed leh, Waan gabyi doonaa, haah, ammaan baan Rabbiga ugu gabyi doonaa.
Kisha kichwa changu kitainuliwa juu ya maadui wote wanizungukao, nami nitatoa sadaka ya furaha hemani mwake! Nitaimba na kutunga nyimbo kwa Yahwe!
7 Rabbiyow, markaan codkayga ku qayliyo, i maqal, Weliba ii naxariiso, oo ii jawaab.
Sikia, sauti yangu nikuitapo, Yahwe! Unihurumie, na unijibu!
8 Markaad tidhi, Wejigayga doondoona, ayaa qalbigaygu wuxuu kugu yidhi, Rabbiyow, wejigaaga waan doondoonayaa.
Moyo wangu huongea kuhusu wewe, “Utafute uso wake!” Nami nautafuta uso wako, Yahwe!
9 Ilaaha badbaadadaydow, wejigaaga ha iga qarin, Anoo addoonkaaga ah cadho ha igu eryin, Caawimaad baad ii ahayde, Ha i xoorin, hana i dayrin.
Usiufiche uso wako mbali na mimi; usinikasirikie mimi mtumishi wako! Wewe umekuwa msaada wangu; usiniache wala kunitelekeza, Mungu wa wokovu wangu!
10 Waayo, aabbahay iyo hooyaday way i dayriyeen, Laakiinse Rabbigaa i qaadan doona.
Hata kama baba yangu na mama yangu wakiniacha, Yahwe utanitunza kwako.
11 Rabbiyow, cadaawayaashayda daraaddood Jidkaaga i bar, Oo igu hoggaami waddo bannaan.
Unifundishe njia yako, Yahwe! Kwa sababu ya adui zangu uniongoze katika njia salama.
12 Oo gacanta ha ii gelin cadaawayaashayda, Waayo, waxaa igu kacay markhaatiyaal been ah iyo kuwa nacweynaanta ku hadla.
Usiwaache adui zangu wanifanyie watamanivyo, kwa sababu mashahidi wa uongo wameinuka kinyume namimi, nao wanapumua vurugu!
13 Waan itaal darnaan lahaa haddaanan rumaysnayn Inaan wanaagga Rabbiga ku arkayo dalka kuwa nool.
Kitu gani kingeweza kunitokea kama nisingeamini kuwa nitauona uzuri wa Yahwe katika nchi ya walio hai?
14 Rabbiga sug, Adkayso, oo qalbigaagu ha dhiirranaado, Haah, Rabbiga sug.
Umngoje Yahwe; uwe imara, na moyo wako uwe jasiri! Umngoje Yahwe!

< Sabuurradii 27 >