< Sabuurradii 25 >

1 Rabbiyow, naftayda xaggaagaan kor ugu qaadaa.
Ta Dawuda. A gare ka Ya Ubangiji, na miƙa raina.
2 Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyey, Haddaba yaanan ceeboobin, Oo yaan cadaawayaashaydu ii faanin.
A gare ka na dogara, ya Allahna. Kada ka bari in sha kunya, ko ka bar abokan gābana su yi nasara a kaina.
3 Kuwa adiga ku suga midkoodna ceeboobi maayo, Laakiinse waxaa ceeboobi doona kuwa khiyaanada ku macaamilooda sababla'aan.
Ba wanda yake sa bege a gare ka da zai taɓa shan kunya, amma za su sha kunya su da suke tayarwa babu dalili.
4 Rabbiyow, jidadkaaga i tus, Oo waddooyinkaagana i bar.
Ka nuna mini hanyoyinka, ya Ubangiji, ka koya mini hanyoyinka;
5 Runtaada igu hoggaami, oo i bar, Waayo, waxaad tahay Ilaaha badbaadadayda, Oo maalinta oo dhan adaan ku sugaa.
ka bi da ni cikin gaskiyarka ka kuma koya mini, gama kai ne Allah Mai cetona, kuma begena yana a kanka dukan yini.
6 Rabbiyow, xusuuso naxariistaada iyo raxmaddaada, Waayo, weligoodba way jireen.
Ka tuna, ya Ubangiji da jinƙai da kuma ƙaunarka mai girma, gama suna nan tun dā.
7 Ha xusuusan dembiyadii dhallinyaranimadayda iyo xadgudubyadaydii, Laakiinse ii xusuuso sida raxmaddaadu tahay, Iyo wanaaggaaga aawadiis, Rabbiyow.
Kada ka tuna da zunuban ƙuruciyata da kuma hanyoyin tawayena; bisa ga ƙaunarka ka tuna da ni, gama kai nagari ne, ya Ubangiji.
8 Rabbigu waa wanaagsan yahay, waana qumman yahay, Sidaas daraaddeed wuxuu dembilayaasha ku hanuunin doonaa jidka.
Ubangiji nagari da mai adalci ne; saboda haka yakan koyar da masu zunubi a hanyoyinsa.
9 Kuwa camalka qabow wuxuu ku hanuunin doonaa xaqa, Oo kuwa camalka qabow wuxuu bari doonaa jidkiisa.
Yakan bi da masu tawali’u cikin abin da yake daidai ya kuma koyar da su hanyoyinsa.
10 Rabbiga waddooyinkiisa oo dhammu waxay raxmad iyo run u yihiin Kuwa axdigiisa iyo markhaatifurkiisa xajiya.
Dukan hanyoyin Ubangiji ƙaunatattu ne da kuma aminci ga waɗanda suke kiyaye abin da alkawari ya bukaci.
11 Rabbiyow, dembigayga iga cafi magacaaga daraaddiis, Waayo, aad buu u weyn yahay.
Saboda sunanka, ya Ubangiji, ka gafarta laifina, ko da yake mai girma ne.
12 Bal waa ayo ninka Rabbiga ka cabsadaa? Kaas wuxuu ku hanuunin doonaa jidkii uu isagu doorto.
To wane ne mai tsoron Ubangiji? Zai koyar da shi a hanyar da ya zaɓa masa.
13 Naftiisu wanaag bay ku jiri doontaa, Oo farcankiisuna wuxuu dhaxli doonaa dalka.
Zai ci kwanakinsa a wadace, kuma zuriyarsa za su gāji ƙasar.
14 Rabbiga taladiisa qarsoon waxay la jirtaa kuwa isaga ka cabsada, Oo wuxuu iyaga tusi doonaa axdigiisa.
Ubangiji yakan amince da waɗanda suke tsoronsa; yakan sa su san alkawarinsa.
15 Weligayba indhahaygu waxay u jeedaan xagga Rabbiga, Waayo, wuxuu cagahayga ka bixin doonaa dabinka.
Idanuna kullum suna a kan Ubangiji, gama shi ne kaɗai zai kuɓutar da ƙafafuna daga tarko.
16 Bal xaggayga u soo jeeso, oo ii naxariiso, Waayo, waan cidloobay, oo dhib baa i haysa.
Ka juye wurina ka kuma yi mini jinƙai, gama na kaɗaice ina kuma wahala.
17 Dhibaatooyinka qalbigaygu way sii ballaadheen, Cidhiidhigayga iga bixi.
Damuwoyin zuciyata sun ninka; ka’yantar da ni daga wahalata.
18 Bal fiiri dhibkayga iyo qaxarkayga, Oo dembiyadayda oo dhan iga cafi.
Ka dubi wahalata da kuma azabata ka ɗauke mini dukan zunubaina.
19 Bal fiiri cadaawayaashayda, waayo, way badan yihiin, Oo waxay igu neceb yihiin nacayb dulmi miidhan ah.
Dubi yadda abokan gābana sun ƙaru da kuma yadda suka ƙara ƙina!
20 Naftayda dhawr, oo i samatabbixi, Oo yaanan ceeboobin, waayo, waan isku kaa halleeyaa.
Ka tsare raina ka kuma kuɓutar da ni; kada ka bari in sha kunya, gama na nemi mafaka daga gare ka.
21 Daacadnimo iyo qummanaanu ha i dhawreen, Waayo, adaan ku sugaa.
Bari mutunci da adalci su tsare ni, domin begena yana a kanka.
22 Ilaahow, reer binu Israa'iil ka samatabbixi Dhibaatooyinkooda oo dhan.
Ka fanshi Isra’ila, ya Allah, daga dukan wahalarsu!

< Sabuurradii 25 >