< Sabuurradii 25 >
1 Rabbiyow, naftayda xaggaagaan kor ugu qaadaa.
A psalm of David. To you, O Lord, I lift up my heart: all the day I wait for you.
2 Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyey, Haddaba yaanan ceeboobin, Oo yaan cadaawayaashaydu ii faanin.
In you I trust, put me not to shame; let not my foes exult over me.
3 Kuwa adiga ku suga midkoodna ceeboobi maayo, Laakiinse waxaa ceeboobi doona kuwa khiyaanada ku macaamilooda sababla'aan.
None will be shamed who wait for you, but shame will fall upon wanton traitors.
4 Rabbiyow, jidadkaaga i tus, Oo waddooyinkaagana i bar.
Make me, O Lord, to know your ways: teach me your paths.
5 Runtaada igu hoggaami, oo i bar, Waayo, waxaad tahay Ilaaha badbaadadayda, Oo maalinta oo dhan adaan ku sugaa.
In your faithfulness guide me and teach me, for you are my God and my saviour.
6 Rabbiyow, xusuuso naxariistaada iyo raxmaddaada, Waayo, weligoodba way jireen.
Remember your pity, O Lord, and your kindness, for they have been ever of old.
7 Ha xusuusan dembiyadii dhallinyaranimadayda iyo xadgudubyadaydii, Laakiinse ii xusuuso sida raxmaddaadu tahay, Iyo wanaaggaaga aawadiis, Rabbiyow.
Do not remember the sins of my youth; remember me in kindness, because of your goodness, Lord.
8 Rabbigu waa wanaagsan yahay, waana qumman yahay, Sidaas daraaddeed wuxuu dembilayaasha ku hanuunin doonaa jidka.
Good is the Lord and upright, so he teaches sinners the way.
9 Kuwa camalka qabow wuxuu ku hanuunin doonaa xaqa, Oo kuwa camalka qabow wuxuu bari doonaa jidkiisa.
The humble he guides in the right, he teaches the humble his way.
10 Rabbiga waddooyinkiisa oo dhammu waxay raxmad iyo run u yihiin Kuwa axdigiisa iyo markhaatifurkiisa xajiya.
All his ways are loving and loyal to those who observe his charges and covenant.
11 Rabbiyow, dembigayga iga cafi magacaaga daraaddiis, Waayo, aad buu u weyn yahay.
Be true to your name Lord, forgive my many sins.
12 Bal waa ayo ninka Rabbiga ka cabsadaa? Kaas wuxuu ku hanuunin doonaa jidkii uu isagu doorto.
Who then is the person who fears the Lord? He will teach them the way to choose.
13 Naftiisu wanaag bay ku jiri doontaa, Oo farcankiisuna wuxuu dhaxli doonaa dalka.
They will live in prosperity, their children will inherit the land.
14 Rabbiga taladiisa qarsoon waxay la jirtaa kuwa isaga ka cabsada, Oo wuxuu iyaga tusi doonaa axdigiisa.
The Lord gives guidance to those who fear him, and with his covenant he makes them acquainted.
15 Weligayba indhahaygu waxay u jeedaan xagga Rabbiga, Waayo, wuxuu cagahayga ka bixin doonaa dabinka.
My eyes are ever toward the Lord, for out of the net he brings my foot.
16 Bal xaggayga u soo jeeso, oo ii naxariiso, Waayo, waan cidloobay, oo dhib baa i haysa.
Turn to me with your favour, for I am lonely and crushed
17 Dhibaatooyinka qalbigaygu way sii ballaadheen, Cidhiidhigayga iga bixi.
In my heart are strain and storm; bring me out of my distresses.
18 Bal fiiri dhibkayga iyo qaxarkayga, Oo dembiyadayda oo dhan iga cafi.
Look on my misery and trouble, and pardon all my sins,
19 Bal fiiri cadaawayaashayda, waayo, way badan yihiin, Oo waxay igu neceb yihiin nacayb dulmi miidhan ah.
look on my foes oh, so many! And their cruel hatred towards me.
20 Naftayda dhawr, oo i samatabbixi, Oo yaanan ceeboobin, waayo, waan isku kaa halleeyaa.
Deliver me, keep me, and shame not one who takes refuge in you.
21 Daacadnimo iyo qummanaanu ha i dhawreen, Waayo, adaan ku sugaa.
May integrity and innocence preserve me, for I wait for you, O Lord.
22 Ilaahow, reer binu Israa'iil ka samatabbixi Dhibaatooyinkooda oo dhan.
Redeem Israel, O God, from all its distresses.