< Sabuurradii 21 >
1 Rabbiyow, boqorku wuxuu ku farxi doonaa xooggaaga, Oo badbaadintaadana aad buu ugu rayrayn doonaa.
Au maître-chantre. — Psaume de David. O Éternel, le roi se réjouit de ta force. Quelle allégresse lui donne ta délivrance!
2 Waxaad isaga siisay wixii qalbigiisu doonayay, Oo wixii bushimihiisu ku weyddiisteenna uma aad diidin. (Selaah)
Tu as répondu au désir de son coeur, Et tu ne lui as pas refusé ce que ses lèvres avaient demandé. (Pause)
3 Waayo, waxaad isaga hor dhigtaa barakooyinka wanaagga, Oo madaxiisana waxaad saartaa taaj dahab saafi ah.
Car tu l'as prévenu par des bienfaits excellents; Tu as mis sur sa tête une couronne d'or fin.
4 Wuxuu kaa baryay nolol, oo adna waad siisay isaga, Oo waxaad siisay cimri dheer oo waaraya weligiis iyo weligiisba.
Il te demandait la vie: tu la lui as accordée, Une vie dont les jours dureront à perpétuité, à jamais.
5 Ammaantiisu waxay ku weyn tahay xagga badbaadintaada, Oo waxaad isaga saartaa murwad iyo haybad.
Sa gloire est grande, grâce à ton secours victorieux; Tu le revêts de splendeur et de majesté.
6 Waayo, waxaad isaga ka dhigtaa mid weligiisba aad u barakaysan, Oo waxaad ka dhigtaa inuu hortaada farxad kula reyreeyo.
Tu fais de lui l'objet de tes bénédictions pour toujours; Tu le combles de joie devant ta face.
7 Waayo, boqorku wuxuu isku halleeyaa Rabbiga, Oo Ilaaha ugu sarreeya raxmaddiisa aawadeed isaga innaba lama dhaqaajin doono.
Car le roi met sa confiance en l'Éternel, Et, par la bonté du Très-Haut, il ne chancellera point.
8 Gacantaadu waxay heli doontaa cadaawayaashaada oo dhan, Oo midigtaaduna waxay heli doontaa kuwa ku neceb.
Ta main atteindra tous tes ennemis; Ta main droite atteindra ceux qui te haïssent.
9 Oo markii aad cadhootid waxaad iyaga ka dhigi doontaa sida foorno dab ah. Oo Rabbigu wuxuu iyaga ku liqi doonaa cadhadiisa, Oo dab baa gubi doona.
Tu les consumeras comme dans une fournaise ardente, Aussitôt que tu te montreras. L'Éternel les engloutira dans sa colère, Et le feu les dévorera.
10 Midhahooda dhulkaad ka baabbi'inaysaa, Farcankoodana binu-aadmiga dhexdiisa.
Tu feras disparaître de la terre leur postérité, Et leur race du milieu des fils des hommes.
11 Waayo, iyagu waxay ku talo jireen inay xumaan kugu sameeyaan, Oo waxay hindiseen xeel ayan iyagu dhammayn karin.
Ils ont projeté du mal contre toi; Ils ont formé de méchants desseins: ils ne pourront les exécuter;
12 Waayo, waxaad iyaga ka dhigi doontaa inay dib u jeestaan, Oo xadhigga qaansadaadana waxaad ku diyaarin doontaa wejigooda hortiisa.
Car tu les mettras en fuite. Tu dirigeras ton arc contre eux.
13 Rabbiyow, adigu xooggaaga ku sarree, Markaasaannu gabyi doonnaa, oo waxaannu ammaani doonnaa itaalkaaga.
Lève-toi, ô Éternel, dans ta force! Nous chanterons et nous célébrerons tes exploits.