< Sabuurradii 20 >

1 Rabbigu ha kuu jawaabo maalinta dhibta, Ilaaha Yacquub magiciisu meel sare ha ku taago,
En Psalm Davids, till att föresjunga. Herren höre dig i nödene; Jacobs Guds Namn beskydde dig.
2 Caawimaadna ha kaaga soo diro meesha quduuska ah, Oo Siyoonna ha kaa xoogeeyo,
Han sände dig hjelp af helgedomenom, och styrke dig utaf Zion.
3 Ha xusuusto qurbaannadaadii oo dhan, Oo ha aqbalo allabarigaagii gubnaa, (Selaah)
Han tänke uppå all din spisoffer; och din bränneoffer vare fet. (Sela)
4 Oo ha ku siiyo waxa qalbigaagu doono, Oo ha kuu yeelo muraadkaaga oo dhan.
Han gifve dig hvad ditt hjerta begärar, och fullborde all din anslag.
5 Innagu waxaynu ku guulaysanaynaa badbaadintaada, Oo calammadeennana waxaynu ku sudhaynaa magaca Ilaaheenna, Rabbigu ha ku siiyo waxaad weyddiisato oo dhan.
Vi fröjde oss, att du oss hjelper; och i vår Guds Namn rese vi baneret upp; Herren fullborde alla dina böner.
6 Anigu hadda waan ogahay in Rabbigu badbaadiyo kii uu isagu subkaday, Oo wuxuu isaga uga soo jawaabi doonaa samadiisa quduuska ah, Oo wuxuuna ugu jawaabi doonaa xooggiisa wax badbaadiya oo gacantiisa midig.
Nu märker jag, att Herren hjelper sin smorda, och hörer honom i sinom helga himmel; hans högra hand hjelper väldeliga.
7 Qaar waxay isku halleeyaan gaadhifardoodyo, qaarna waxay isku halleeyaan fardo, Laakiinse innagu waxaynu xusuusanaynaa magaca Rabbiga Ilaaheenna ah.
De andre förlåta sig på vagnar och hästar; men vi tänke på Herrans vår Guds Namn.
8 Iyagu way foororsadeen, wayna dheceen, Laakiinse innagu waynu kacnay, oo waynu taagan nahay.
De äro nederstötte och fallne; men vi stå upprätte.
9 Rabbiyow, ina badbaadi, Oo Boqorku ha inoo jawaabo markii aynu u qayshanno.
Hjelp, Herre; Konungen höre oss, när vi rope.

< Sabuurradii 20 >