< Sabuurradii 2 >
1 Bal quruumuhu maxay u cadhoodaan, Dadkuna maxay ugu fikiraan wax aan waxba ahayn?
Kwa nini mataifa wanashauriana kufanya mabaya, na kabila za watu kula njama bure?
2 Boqorrada dhulku col bay u taagan yihiin, Taliyayaashuna waxay u wada tashadaan Rabbiga iyo Masiixiisa, iyagoo leh,
Wafalme wa dunia wanajipanga na watawala wanajikusanya pamoja dhidi ya Bwana na dhidi ya Mpakwa Mafuta wake.
3 Silsiladahooda aan gooyno Oo xadhkahoodana aan iska fogayno.
Wanasema, “Tuvunje minyororo yao na kuvitupilia mbali vifungo vyao.”
4 Kan samada fadhiyaa wuu qosli doonaa, Oo Sayidku iyaga wuu ku majaajiloon doonaa.
Yeye atawalaye mbinguni hucheka, Bwana huwadharau.
5 Markaasuu isagoo cadhaysan iyaga la hadli doonaa, Oo wuxuu iyaga ku dhibi doonaa dhirifkiisa isagoo leh,
Kisha huwakemea katika hasira yake na kuwaogopesha katika ghadhabu yake, akisema,
6 Anigu boqorkaygii waxaan fadhiisiyey Buurtayda quduuska ah oo Siyoon.
“Nimemtawaza Mfalme wangu juu ya Sayuni, mlima wangu mtakatifu.”
7 Amarkii ayaan wax ka sheegi doonaa, Rabbigu wuxuu igu yidhi, Adigu waxaad tahay wiilkayga, Maantaan ku dhalay.
Nitatangaza amri ya Bwana: Yeye aliniambia, “Wewe ni Mwanangu, leo mimi nimekuzaa.
8 I bari oo waxaan dhaxal ahaan kuu siin doonaa quruumaha, Oo dunida meelaha ugu fogfogna hanti ahaan baan kuu siin doonaa.
Niombe, nami nitayafanya mataifa kuwa urithi wako, miisho ya dunia kuwa milki yako.
9 Waxaad iyaga ku jejebin doontaa ul bir ah, Oo waxaad u burburin doontaa sida weelka dheryasameeyaha.
Utawatawala kwa fimbo ya chuma na kuwavunjavunja kama chombo cha mfinyanzi.”
10 Haddaba sidaas daraaddeed, Boqorradow, caqli yeesha, Oo xaakinnada dhulkow, edeb yeesha.
Kwa hiyo, ninyi wafalme, kuweni na hekima; mwonyeke, enyi watawala wa dunia.
11 Rabbiga cabsi ugu adeega, Oo reyreeya idinkoo gariiraya.
Mtumikieni Bwana kwa hofu na mshangilie kwa kutetemeka.
12 Wiilka dhunkada, waaba intaasoo uu idiin cadhoodaa oo aad jidka ku baabba'daane. Waayo, cadhadiisu haddiiba way kululaan doontaa. Waxaa barakaysan kuwa isaga isku halleeya oo dhan.
Mbusu Mwana, asije akakasirika nawe ukaangamizwa katika njia yako, kwa maana hasira yake inaweza kuwaka ghafula. Heri wote wanaomkimbilia.