< Sabuurradii 2 >

1 Bal quruumuhu maxay u cadhoodaan, Dadkuna maxay ugu fikiraan wax aan waxba ahayn?
למה רגשו גוים ולאמים יהגו-ריק
2 Boqorrada dhulku col bay u taagan yihiin, Taliyayaashuna waxay u wada tashadaan Rabbiga iyo Masiixiisa, iyagoo leh,
יתיצבו מלכי-ארץ-- ורוזנים נוסדו-יחד על-יהוה ועל-משיחו
3 Silsiladahooda aan gooyno Oo xadhkahoodana aan iska fogayno.
ננתקה את-מוסרותימו ונשליכה ממנו עבתימו
4 Kan samada fadhiyaa wuu qosli doonaa, Oo Sayidku iyaga wuu ku majaajiloon doonaa.
יושב בשמים ישחק אדני ילעג-למו
5 Markaasuu isagoo cadhaysan iyaga la hadli doonaa, Oo wuxuu iyaga ku dhibi doonaa dhirifkiisa isagoo leh,
אז ידבר אלימו באפו ובחרונו יבהלמו
6 Anigu boqorkaygii waxaan fadhiisiyey Buurtayda quduuska ah oo Siyoon.
ואני נסכתי מלכי על-ציון הר-קדשי
7 Amarkii ayaan wax ka sheegi doonaa, Rabbigu wuxuu igu yidhi, Adigu waxaad tahay wiilkayga, Maantaan ku dhalay.
אספרה אל-חק יהוה אמר אלי בני אתה--אני היום ילדתיך
8 I bari oo waxaan dhaxal ahaan kuu siin doonaa quruumaha, Oo dunida meelaha ugu fogfogna hanti ahaan baan kuu siin doonaa.
שאל ממני--ואתנה גוים נחלתך ואחזתך אפסי-ארץ
9 Waxaad iyaga ku jejebin doontaa ul bir ah, Oo waxaad u burburin doontaa sida weelka dheryasameeyaha.
תרעם בשבט ברזל ככלי יוצר תנפצם
10 Haddaba sidaas daraaddeed, Boqorradow, caqli yeesha, Oo xaakinnada dhulkow, edeb yeesha.
ועתה מלכים השכילו הוסרו שפטי ארץ
11 Rabbiga cabsi ugu adeega, Oo reyreeya idinkoo gariiraya.
עבדו את-יהוה ביראה וגילו ברעדה
12 Wiilka dhunkada, waaba intaasoo uu idiin cadhoodaa oo aad jidka ku baabba'daane. Waayo, cadhadiisu haddiiba way kululaan doontaa. Waxaa barakaysan kuwa isaga isku halleeya oo dhan.
נשקו-בר פן-יאנף ותאבדו דרך-- כי-יבער כמעט אפו אשרי כל-חוסי בו

< Sabuurradii 2 >