< Sabuurradii 19 >

1 Samooyinku waxay caddeeyaan ammaanta Ilaah, Cirkuna wuxuu muujiyaa sancadii gacantiisa.
למנצח מזמור לדוד ב השמים מספרים כבוד-אל ומעשה ידיו מגיד הרקיע
2 Maalinba maalinta ka dambaysaa waxay ku hadashaa hadal, Oo habeenba habeenka ka dambeeyaa wuxuu caddeeyaa aqoon.
יום ליום יביע אמר ולילה ללילה יחוה-דעת
3 Ma jiro hadal ama af Aan codkooda laga maqlin.
אין-אמר ואין דברים בלי נשמע קולם
4 Codkoodii wuxuu dhex maray dhulka oo dhan, Hadalkoodiina wuxuu gaadhay dunida meesha ugu dambaysa. Oo dhexdooda wuxuu taambuug u dhigay qorraxda,
בכל-הארץ יצא קום ובקצה תבל מליהם לשמש שם-אהל בהם
5 Taasoo la mid ah aroos qolladdiisii ka soo baxaya, Oo waxay u faraxdaa sida nin xoog leh oo baratamaya.
והוא--כחתן יצא מחפתו ישיש כגבור לרוץ ארח
6 Waxay ka soo baxdaa samada darafkeeda, Oo waxay ku soo wareegtaa hareeraheeda, Oo kulaylkeedana wax ka qarsoonu ma jiraan.
מקצה השמים מוצאו--ותקופתו על-קצותם ואין נסתר מחמתו
7 Sharciga Rabbigu waa kaamil, oo nafta wuu soo celiyaa, Maragfurka Rabbigu waa aamin, oo garaadlaawaha ayuu u caqliyeeyaa.
תורת יהוה תמימה משיבת נפש עדות יהוה נאמנה מחכימת פתי
8 Qaynuunnada Rabbigu waa hagaagsan yihiin, oo qalbiga ayay ka farxiyaan, Amarka Rabbigu waa daahir oo indhaha ayuu nuuriyaa.
פקודי יהוה ישרים משמחי-לב מצות יהוה ברה מאירת עינים
9 Cabsida Rabbigu waa nadiif, weligeedna way raagtaa, Xukummada Rabbigu waa run, waana wada xaq dhammaantood.
יראת יהוה טהורה--עומדת לעד משפטי-יהוה אמת צדקו יחדו
10 Iyagu waa wax xataa dahab laga sii jeclaado, haah, xataa dahab badan oo saafi ah, Oo weliba way ka sii macaan yihiin malab iyo awlallada malabka.
הנחמדים--מזהב ומפז רב ומתוקים מדבש ונפת צופים
11 Oo weliba addoonkaagana iyagaa loogu digay, Oo xajintoodana waxaa ku jira abaalgud weyn.
גם-עבדך נזהר בהם בשמרם עקב רב
12 Bal yaa qaladdadiisa garan kara? Rabbow, iga nadiifi dembiyo qarsoon.
שגיאות מי-יבין מנסתרות נקני
13 Anoo addoonkaaga ah iga hay waxyaalo aan ku kibro, Oo yaanay ii talin, Oo markaas kaamil baan ahaan doonaa, Oo xadgudub weynna daahir baan ka ahaan doonaa.
גם מזדים חשך עבדך-- אל-ימשלו-בי אז איתם ונקיתי מפשע רב
14 Rabbiyow, xooggayga iyo bixiyahaygiiyow, Erayada afkayga iyo fikirka qalbigaygu ha ahaadeen kuwo hortaada lagu aqbalo.
יהיו לרצון אמרי-פי והגיון לבי לפניך יהוה צורי וגאלי

< Sabuurradii 19 >