< Sabuurradii 150 >

1 Rabbiga ammaana. Ilaah ku dhex ammaana meeshiisa quduuska ah, Ku dhex ammaana samada xooggiisa.
Praise ye Yah, Praise ye GOD in his sanctuary, Praise him, in his strong expanse:
2 Falimihiisa waaweyn aawadood u ammaana, U ammaana si waafaqsan weynaantiisa sare.
Praise him, for his mighty deeds, Praise him, according to his exceeding greatness:
3 Dhawaaqa buunka ku ammaana, Oo shareerad iyo kataarad ku ammaana.
Praise him, with the blast of a horn, Praise him, with the harp and lyre:
4 Ku ammaana daf iyo cayaar, Oo ku ammaana alaab xadhko leh oo muusiko ah iyo biibiile.
Praise him, with timbrel and dance, —Praise him, with stringed instrument and flute,
5 Suxuunta laysku garaaco oo codka dheer ku ammaana, Ku ammaana suxuunta sanqadha dheer.
Praise him, with cymbals of clear tone, —Praise him, with cymbals of loud clang:
6 Wax kasta oo neef lahuba Rabbiga ha ammaaneen. Rabbiga ammaana.
Let, every breathing thing, praise Yah, Praise ye Yah!

< Sabuurradii 150 >