< Sabuurradii 15 >
1 Rabbiyow, bal yaa taambuuggaaga ku fadhiyaya? Oo bal yaa buurtaada quduuska ah degganaanaya?
Jehová, ¿quién habitará en tu tabernáculo? ¿quién residirá en el monte de tu santidad?
2 Waa kii si qumman u socda, oo xaqnimo sameeya, Oo qalbigiisa run kaga hadla.
El que anda en integridad, y obra justicia, y habla verdad en su corazón:
3 Waana kii aan carrabkiisa wax ku xaman, Ama aan saaxiibkiis xumaan ku samayn, Ama aan deriskiisa cay ku soo hadal qaadin,
El que no revolvió con su lengua, ni hizo mal a su prójimo, ni levantó vergüenza contra su cercano.
4 Kii indhihiisu ay nejiska quudhsadaan, Oo isagu murweeya kuwa Rabbiga ka cabsada, Kii hadduu dhaarto oo ay waxyeello ku tahay, aan isbeddelin,
En sus ojos es menospreciado el vil, y a los que temen a Jehová, honra: juró en daño suyo, y no mudó.
5 Kii aan lacagtiisa u soo bixin korsocod, Ama aan laaluush u qaadan inuu wax yeelo kuwa aan xaqa qabin. Kii waxyaalahaas sameeya weligiis lama dhaqaajin doono.
Su dinero no dio a usura, ni tomó cohecho contra el inocente. El que hace estas cosas, no resbalará jamás.