< Sabuurradii 149 >
1 Rabbiga ammaana. Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Oo ammaantiisana shirka quduusiinta kaga dhex gabya.
Msifuni Yahwe. Mwimbieni Yahwe wimbo mpya; imbeni sifa zake katika kusanyiko la waaminifu.
2 Reer binu Israa'iil kii iyaga uumay ha ku reyreeyeen, Oo reer Siyoonna boqorkooda ha ku farxeen.
Israeli ishangilie katika yeye aliye iumba; watu wa Sayuni na washangilie katika mfalme wao.
3 Magiciisa cayaarta ha ku ammaaneen, Oo ammaan ha ugu gabyeen iyagoo sita daf iyo kataarad.
Nao walisifu jina lake kwa kucheza; na wamuimbie sifa yeye kwa ngoma na kinubi.
4 Waayo, Rabbigu wuxuu ku farxaa dadkiisa, Wuxuu kuwa camalka qabowna ku qurxin doonaa badbaado.
Kwa kuwa Yahwe hupata furaha katika watu wake; huwapa utukufu wanyeyekevu kwa wokovu.
5 Quduusiintu ammaan ha ku reyreeyeen, Oo farxad ha ku gabyeen iyagoo sariirahooda jiifa.
Wacha Mungu wauchangilie ushindi; nao waimbe kwa furaha vitandani mwao.
6 Ammaanta sare oo Ilaah afkooda ha ku jirto, Seef laba af lahuna gacantooda ha ku jirto,
Sifa za Mungu na ziwe vinywani mwao na panga mbili zenye makali mkononi mwao
7 Si ay quruumaha uga aargutaan, Oo ay dadyowgana u ciqaabaan,
kutekeleza kisasi juu ya mataifa na matendo ya adhabu juu ya watu.
8 Si ay boqorradooda silsilado ugu soo xidhaan, Oo ay raggooda gobta ahna jeebbooyin bir ah ugu soo xidhaan,
Nao watawafunga wafalme wao kwa minyororo na wakuu wao kwa pingu za chuma. Watatekeleza hukumu ambayo imeandikwa.
9 Si ay iyaga ugu soo dejiyaan xukunka qoran, Quduusiintiisa oo dhammuna waxay leeyihiin sharaftan. Rabbiga ammaana.
Hii itakuwa ni heshima kwa ajili ya watakatifu wake wote. Msifuni Yahwe.