< Sabuurradii 148 >

1 Rabbiga ammaana. Rabbiga samooyinka ka ammaana, Meelaha sarsarena ka ammaana.
הללו יה הללו את יהוה מן השמים הללוהו במרומים׃
2 Malaa'igihiisa oo dhammow, ammaana isaga, Ciidankiisa oo dhammow, ammaana isaga.
הללוהו כל מלאכיו הללוהו כל צבאו׃
3 Qorraxda iyo dayaxow, ammaana isaga, Xiddigaha iftiinka oo dhammow, ammaana isaga.
הללוהו שמש וירח הללוהו כל כוכבי אור׃
4 Ammaana isaga, samooyinka samooyinkow, Iyo biyaha samooyinka ka sarreeyow.
הללוהו שמי השמים והמים אשר מעל השמים׃
5 Iyagu magaca Rabbiga ha ammaaneen, Waayo, isagu wuu amray, oo iyana way abuurmeen.
יהללו את שם יהוה כי הוא צוה ונבראו׃
6 Oo weliba isagaa adkeeyey iyaga weligood iyo weligoodba, Oo wuxuu sameeyey xad aan la gudbi doonayn.
ויעמידם לעד לעולם חק נתן ולא יעבור׃
7 Rabbiga dhulka ka ammaana, Masbadeedyo iyo moolal oo dhammow,
הללו את יהוה מן הארץ תנינים וכל תהמות׃
8 Dab iyo roobdhagaxyaale, baraf cad iyo ceeryaamow, Iyo dabayl duufaan ah oo eraygiisa oofiyow,
אש וברד שלג וקיטור רוח סערה עשה דברו׃
9 Buuro iyo kuro oo dhammow, Dhir midho badan iyo dhir kedar la yidhaahdo oo dhammow,
ההרים וכל גבעות עץ פרי וכל ארזים׃
10 Dugaag iyo xoolo oo dhammow, Waxa gurguurta iyo haadda duusha oo dhammow,
החיה וכל בהמה רמש וצפור כנף׃
11 Boqorrada dhulka iyo dadyowga oo dhammow, Amiirrada iyo xaakinnada dhulka oo dhammow,
מלכי ארץ וכל לאמים שרים וכל שפטי ארץ׃
12 Barbaar iyo hablow, Odayaal iyo carruuray,
בחורים וגם בתולות זקנים עם נערים׃
13 Ha ammaaneen magaca Rabbiga, Waayo, magiciisa oo keliya ayaa la sarraysiiyaa, Ammaantiisu dhulka iyo cirkaba way ka korraysaa.
יהללו את שם יהוה כי נשגב שמו לבדו הודו על ארץ ושמים׃
14 Isagu wuxuu sare u qaaday geeskii dadkiisa, Iyo ammaantii quduusiintiisa oo dhan, Waana reer binu Israa'iil oo ah dad isaga u dhow. Rabbiga ammaana.
וירם קרן לעמו תהלה לכל חסידיו לבני ישראל עם קרבו הללו יה׃

< Sabuurradii 148 >