< Sabuurradii 147 >

1 Rabbiga ammaana. Waayo, way wanaagsan tahay in Ilaaheenna ammaan loogu gabyo, Waayo, taasu way wacan tahay, oo ammaantuna way habboon tahay.
הללו יה כי טוב זמרה אלהינו כי נעים נאוה תהלה׃
2 Rabbigu Yeruusaalem buu dhisaa, Oo wuxuu isu soo wada ururiyaa kuwa la naco oo reer binu Israa'iil ah.
בונה ירושלם יהוה נדחי ישראל יכנס׃
3 Isagaa bogsiiya kuwa qalbi jabay, Oo nabrahoodana wuu duubaa.
הרפא לשבורי לב ומחבש לעצבותם׃
4 Wuxuu sheegaa xiddigaha tiradooda, Oo kulligoodna magacyo buu u bixiyaa.
מונה מספר לכוכבים לכלם שמות יקרא׃
5 Sayidkeennu waa weyn yahay, wuuna xoog badan yahay, Waxgarashadiisuna waa mid aan la koobi karayn.
גדול אדונינו ורב כח לתבונתו אין מספר׃
6 Rabbigu wuu tiiriyaa kuwa camalka qabow, Oo kuwa sharka lehna dhulkuu ku soo tuuraa.
מעודד ענוים יהוה משפיל רשעים עדי ארץ׃
7 Rabbiga mahadnaqid ugu gabya, Oo kataaradda ammaan ugu gabya Ilaaheenna,
ענו ליהוה בתודה זמרו לאלהינו בכנור׃
8 Kaasoo samada daruuro ku qariya, Oo dhulka roob u diyaarsha, Buurahana doog ka soo bixiya.
המכסה שמים בעבים המכין לארץ מטר המצמיח הרים חציר׃
9 Wuxuu quud siiyaa xayawaanka, Iyo tukayaasha yaryar markay qayliyaanba.
נותן לבהמה לחמה לבני ערב אשר יקראו׃
10 Isagu kuma farxo xoogga faraska, Oo kuma reyreeyo lugaha dadka.
לא בגבורת הסוס יחפץ לא בשוקי האיש ירצה׃
11 Rabbigu wuxuu ku reyreeyaa kuwa isaga ka cabsada, Iyo kuwa naxariistiisa rajada ka qaba.
רוצה יהוה את יראיו את המיחלים לחסדו׃
12 Yeruusaalemay, Rabbiga ammaan, Siyoonay, Ilaahaaga ammaan.
שבחי ירושלם את יהוה הללי אלהיך ציון׃
13 Waayo, wuxuu xoogeeyey qataarrada irdahaaga, Carruurtaadana wuu kugu dhex barakeeyey.
כי חזק בריחי שעריך ברך בניך בקרבך׃
14 Soohdimahaaga nabad buu ka dhigaa, Oo wuxuu kaa dhergiyaa sarreenka ugu wanaagsan.
השם גבולך שלום חלב חטים ישביעך׃
15 Amarkiisa wuxuu u soo diraa dhulka, Eraygiisuna aad buu u dheereeyaa.
השלח אמרתו ארץ עד מהרה ירוץ דברו׃
16 Baraf cad wuxuu u soo daadshaa sida dhogor oo kale, Sayax barafoobayna wuxuu u kala firdhiyaa sida dambas oo kale.
הנתן שלג כצמר כפור כאפר יפזר׃
17 Barafkiisa wuxuu u soo ridaa sida jajab oo kale, Bal yaa qabowgiisa hor istaagi kara?
משליך קרחו כפתים לפני קרתו מי יעמד׃
18 Wuxuu soo diraa eraygiisa, oo wuu dhalaaliyaa iyaga, Dabayshiisana wuxuu ka dhigaa inay dhacdo, biyuhuna way qulqulaan.
ישלח דברו וימסם ישב רוחו יזלו מים׃
19 Eraygiisa wuxuu tusaa reer Yacquub, Qaynuunnadiisa iyo xukummadiisana reer binu Israa'iil.
מגיד דברו ליעקב חקיו ומשפטיו לישראל׃
20 Quruunna sidaas oo kale uma uu samayn. Xukummadiisiina ma ay garanaynin, Rabbiga ammaana.
לא עשה כן לכל גוי ומשפטים בל ידעום הללו יה׃

< Sabuurradii 147 >