< Sabuurradii 146 >

1 Rabbiga ammaana. Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
Praise ye the LORD. Praise the LORD, O my soul.
2 Intaan noolahay oo dhan Rabbiga waan ammaani doonaa, Oo ammaan baan Ilaahay ugu gabyi doonaa intaan jiro oo dhan.
While I live will I praise the LORD: I will sing praises unto my God while I have any being.
3 Ha isku hallaynina amiirrada Iyo binu-aadmiga aan waxba caawimi karin.
Put not your trust in princes, [nor] in the son of man, in whom [there is] no help.
4 Naftiisu way ka baxdaa, oo wuxuu ku noqdaa dhulkiisii. Oo isla maalintaas ayaa fikirradiisu baabba'aan.
His breath goeth forth, he returneth to his earth; in that very day his thoughts perish.
5 Waxaa faraxsan ninkii ay caawimaaddiisu tahay Ilaaha reer Yacquub, Oo rajadiisuna ay ku xidhan tahay Rabbiga Ilaahiisa ah,
Happy [is he] that [hath] the God of Jacob for his help, whose hope [is] in the LORD his God:
6 Oo sameeyey cirka iyo dhulka, Iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan, Oo runtana dhawra weligiisba,
Which made heaven, and earth, the sea, and all that therein [is: ] which keepeth truth for ever:
7 Oo kuwa la dulmay u garsoora, Oo kuwa gaajaysanna quud siiya. Rabbigu maxaabiistuu furaa.
Which executeth judgment for the oppressed: which giveth food to the hungry. The LORD looseth the prisoners:
8 Rabbigu indhahuu u bixiyaa indhoolayaasha, Oo kuwa gotana Rabbigaa toosiya, Oo kuwa xaqa ahna Rabbigu waa jecel yahay.
The LORD openeth [the eyes of] the blind: the LORD raiseth them that are bowed down: the LORD loveth the righteous:
9 Rabbigu waa ilaaliyaa kuwa qariibka ah, Oo isagaa taageera agoonta iyo carmallada, Laakiinse jidka kuwa sharka leh wuu qalloociyaa.
The LORD preserveth the strangers; he relieveth the fatherless and widow: but the way of the wicked he turneth upside down.
10 Rabbigu xukun buu haysan doonaa weligiis, Siyoonay, Ilaahaagaa boqor ah tan iyo ab ka ab. Rabbiga ammaana.
The LORD shall reign for ever, [even] thy God, O Zion, unto all generations. Praise ye the LORD.

< Sabuurradii 146 >