< Sabuurradii 140 >

1 Rabbiyow, ninka sharka leh iga samatabbixi, Oo iga ilaali ninka dulmiga badan,
To the Chief Musician. A Melody of David. Rescue me, O Yahweh, from the men of mischief, From the men of violence, wilt thou preserve me:
2 Kuwaasoo qalbigooda kaga fikira belaayooyin, Had iyo goorna dagaal bay isu soo urursadaan.
Who have devised mischiefs in their [heart], Every day, do they stir up wars:
3 Waxay carrabkoodii u afaysteen sidii abeeso oo kale, Oo bushimahoodana waxaa ku hoos jirta waabaydii jilbiska. (Selaah)
They have sharpened their tongue like a serpent, —The poison of the asp, is under their lips. (Selah)
4 Rabbiyow, gacmaha kuwa sharka leh iga dhawr, Oo iga ilaali ninka dulmiga badan, Kuwaasoo u qasdiyey inay tallaabooyinkayga dhinac u leexiyaan.
Keep me, O Yahweh, from the hands of the lawless one, From the man of violence, wilt thou preserve me, —who have devised, to thrust at my steps:
5 Kuwa kibirka badanu waxay ii qariyeen dabin iyo xadhko, Oo jidka dhinaciisana waxay ii gogleen shabag, oo siriq bay ii qooleen. (Selaah)
The proud have hidden a snare for me, and, cords, have they spread as a net beside the track, Snares, have they set for me. (Selah)
6 Waxaan Rabbiga ku idhi, Waxaad tahay Ilaahayga, Haddaba, Rabbiyow, bal dhegta u dhig codka baryootankayga.
I have said unto Yahweh, My GOD, thou art! Give ear, O Yahweh, unto the voice of my supplications.
7 Ilaahow Sayidow, xooggii badbaadadaydow, Maalintii dagaalka madaxaygaad dabooshay.
O Yahweh, My Lord, my saving strength, thou hast screened my head in the day of battle.
8 Rabbiyow, kuwa sharka leh ha siin waxay doonayaan, Oo horay ha u sii wadin xeeladdooda sharka ah, waaba intaasoo ay kor isu qaadaane. (Selaah)
Do not grant, O Yahweh, the desires of the lawless one, his device, do not promote, They would exalt themselves. (Selah)
9 Oo kuwa igu wareegsan madaxoodana Belaayada bushimahooda ka soo baxaysa ha daboosho.
As for the head of them who surround me, Let the mischief of their lips cover them:
10 Dhuxulo ololaya ha ku soo dul daateen, Oo iyaga ha lagu dhex tuuro dabka, Iyo godad aad u dhaadheer, si aanay mar dambe u soo sara kicin.
May there be dropped on them live coals, —Into the fire, may they be let fall, into watery pits [from which] they shall not rise.
11 Ninka sharka ku hadlaa yaanu dhulka ku sii waarin, Sharku wuxuu u ugaadhsan doonaa ninka dulmiga badan inuu afgembiyo aawadeed.
As for the slanderer, let him not be established in the earth, —As for the man of wrongful violence, let misfortune hunt him with thrust upon thrust.
12 Waan ogahay in Rabbigu kuwa dhibban dacwadooda u gar qaadi doono, Oo uu kuwa baahanna xaqooda siin doono.
I know that Yahweh will execute, the right of the oppressed one, the vindication of the needy.
13 Hubaal kuwa xaqa ahu waxay ku mahadnaqi doonaan magacaaga, Oo kuwa qummanuna waxay joogi doonaan hortaada.
Surely, the righteous, shall give thanks to thy Name, the upright shall dwell in thy presence.

< Sabuurradii 140 >