< Sabuurradii 14 >

1 Nacasku wuxuu qalbigiisa iska yidhaahdaa, Ilaah ma jiro. Iyagu way kharriban yihiin, oo waxay sameeyeen shuqullo karaahiyo ah, Ma jiro mid wanaag sameeya.
למנצח לדוד אמר נבל בלבו אין אלהים השחיתו התעיבו עלילה-- אין עשה-טוב
2 Rabbigu samaduu ka soo fiiriyey binu-aadmiga, Inuu arko haddii ay jiraan kuwo wax garanaya, Oo Ilaah doondoona.
יהוה-- משמים השקיף על-בני-אדם לראות היש משכיל-- דרש את-אלהים
3 Dhammaantood gees bay u wada leexdeen, oo way wada nijaasoobeen, Mid wanaag falaa ma jiro, midnaba.
הכל סר יחדו נאלחו אין עשה-טוב--אין גם-אחד
4 Xumaanfalayaasha oo dhammu miyaanay aqoon lahayn? Iyagoo dadkayga cuna, siday kibista u cunaan, Mana ay baryaan Rabbiga.
הלא ידעו כל-פעלי-און אכלי עמי אכלו לחם יהוה לא קראו
5 Halkaasay aad ugu cabsadeen, Maxaa yeelay, Ilaah wuxuu la jiraa qarniga xaqa ah.
שם פחדו פחד כי-אלהים בדור צדיק
6 Idinku waxaad ceebaysaan talada miskiinka, Laakiin Rabbigu waa magangalkiisa.
עצת-עני תבישו כי יהוה מחסהו
7 Badbaadada reer binu Israa'iil bal may Siyoon ka timaado! Marka Rabbigu dadkiisa maxaabiisnimada ka soo celiyo, Ayaa reer Yacquub rayrayn doonaa, oo reer binu Israa'iilna farxi doonaa.
מי יתן מציון ישועת ישראל בשוב יהוה שבות עמו יגל יעקב ישמח ישראל

< Sabuurradii 14 >