< Sabuurradii 139 >

1 Rabbiyow, waad i baadhay, oo waad i soo ogaatay.
大衛的詩,交與伶長。 耶和華啊,你已經鑒察我,認識我。
2 Waad og tahay fadhiisashadayda iyo sara kiciddaydaba, Oo fikirkaygana meel fog baad ka garataa.
我坐下,我起來,你都曉得; 你從遠處知道我的意念。
3 Socodkayga iyo seexashadaydaba waad baadhaa, Oo jidadkayga oo dhanna waad wada taqaan.
我行路,我躺臥,你都細察; 你也深知我一切所行的。
4 Waayo, Rabbiyow, eray aanad aqoonu carrabkayga kuma jiro, Laakiinse adigu waad wada og tahay.
耶和華啊,我舌頭上的話, 你沒有一句不知道的。
5 Adigu hor iyo dibba waad iga xidhay, Oo gacantaadaad i saartay.
你在我前後環繞我, 按手在我身上。
6 Aqoontaas oo kale aad iyo aad bay iigu yaab badan tahay, Waa wax sare, oo anigu ma aan gaadhi karo.
這樣的知識奇妙,是我不能測的, 至高,是我不能及的。
7 Bal xaggee baan ruuxaaga ka tagaa? Xaggee baanse wejigaaga uga cararaa?
我往哪裏去躲避你的靈? 我往哪裏逃、躲避你的面?
8 Haddaan samada koro, halkaasaad joogtaa, Haddaan sariirtayda She'ool dhex dhigtona, bal eeg, halkaasna waad joogtaa. (Sheol h7585)
我若升到天上,你在那裏; 我若在陰間下榻,你也在那裏。 (Sheol h7585)
9 Haddaan qaato baalasha subaxda, Iyo haddaan dego badda darafyadeeda ugu shisheeyaba,
我若展開清晨的翅膀, 飛到海極居住,
10 Xataa halkaas gacantaada ayaa i hoggaamin doonta, Oo midigtaada ayaa i soo qaban doonta.
就是在那裏,你的手必引導我; 你的右手也必扶持我。
11 Haddaan idhaahdo, Hubaal gudcurkaa i qarin doona, Oo iftiinka igu wareegsanu habeennimuu noqon doonaa,
我若說:黑暗必定遮蔽我, 我周圍的亮光必成為黑夜;
12 Xataa gudcurku igama kaa qariyo, Laakiinse habeenku wuxuu u iftiimaa sida maalinta oo kale, Gudcurka iyo iftiinku waa isugu kaa mid.
黑暗也不能遮蔽我,使你不見, 黑夜卻如白晝發亮。 黑暗和光明,在你看都是一樣。
13 Waayo, kelyahayga adigaa sameeyey, Oo adigaa igu daboolay maxalkii hooyaday.
我的肺腑是你所造的; 我在母腹中,你已覆庇我。
14 Waan kugu mahadnaqi doonaa, waayo, waxaa la ii sameeyey si cabsi iyo yaab badan, Shuqulladaadu waa yaab badan yihiin, Oo naftayduna taas aad bay u taqaan.
我要稱謝你,因我受造,奇妙可畏; 你的作為奇妙,這是我心深知道的。
15 Lafahaygu kaama qarsoonayn, Markii laygu sameeyey qarsoodiga, Oo farsamada yaabka leh laygu sameeyey dhulka meesha ugu hoosaysa.
我在暗中受造,在地的深處被聯絡; 那時,我的形體並不向你隱藏。
16 Indhahaagu way i arkeen markaan uurjiifka ahaa, Oo xubnahaygu kitaabkaagay ku wada qornaayeen, Kuwaas oo maalin ka maalin la qabanqaabiyey Intaan midkoodna jirin ka hor.
我未成形的體質,你的眼早已看見了; 你所定的日子,我尚未度一日, 你都寫在你的冊上了。
17 Ilaahow, fikirradaadu ila qiimo badanaa! Oo tiro badanaa!
上帝啊,你的意念向我何等寶貴! 其數何等眾多!
18 Haddaan tiriyo, way ka sii tiro badan yihiin ciidda, Oo markaan tooso weli adigaan kula joogaa.
我若數點,比海沙更多; 我睡醒的時候,仍和你同在。
19 Ilaahow, hubaal waxaad layn doontaa kuwa sharka leh, Haddaba iga taga, raggiinna dhiigyocabyada ahow.
上帝啊,你必要殺戮惡人; 所以,你們好流人血的,離開我去吧!
20 Waayo, iyagu si xun ayay wax kaaga sheegaan, Oo cadaawayaashaaduna micnela'aan bay magacaaga ku soo qaadqaadaan.
因為他們說惡言頂撞你; 你的仇敵也妄稱你的名。
21 Rabbiyow, sow ma aan nebci kuwa ku neceb? Oo sow kama aan murugaysni kuwa kugu kaca?
耶和華啊,恨惡你的,我豈不恨惡他們嗎? 攻擊你的,我豈不憎嫌他們嗎?
22 Nacayb dhan ayaan ku necbahay iyaga, Oo waxaan iyaga u haystaa cadaawayaashayda.
我切切地恨惡他們, 以他們為仇敵。
23 Ilaahow, i baadh, oo qalbigayga garo, I tijaabi, oo fikirradayda ogow,
上帝啊,求你鑒察我,知道我的心思, 試煉我,知道我的意念,
24 Oo bal fiiri inuu jid xumaan ahu igu jiro iyo in kale, Oo igu hoggaami jidka weligiis ah.
看在我裏面有甚麼惡行沒有, 引導我走永生的道路。

< Sabuurradii 139 >